Daacadnimo qeybsan? Labada jinsiyadood iyo xafiisyada siyaasadda sarsare ee Soomaaliya

1-dii Agoosto 2019, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa dib uga laabtey muwaadinnimadiisa Mareykanka. War-saxaafadeed ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in “si iskiis ah uu uga laabtay” jinsiyaddiisa labaad inkastoo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya uu oggolaanayo labada muwaadinnimo. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in go’aanka la gaaray kadib markii la dhameystiray habraaca sharciga iyo socdaalka oo soo bilowday markii Farmaajo loo doortay Madweynaha Soomaaliya sanadkii 2017.

Go’aanka Madaxweynaha ayaa waxa uu lama filaan ku ahaa shacabka. Inkastoo ay jireen fasiraadyo kala duwan oo loo sameeyay sababaha ka dambeeyay go’aanka madaxweynaha, haddana Soomaali badan oo isticmaala baraha bulshada – oo ay ku jiraan siyaasiyiin – ayaa si xooggan usoo dhaweeyay go’aanka uu Madaxweynahu dib uga laabtay muwaadinnimadiisa Mareykanka. Siyaasiyiinta kale ee xilalka sarsare haya ayaa sidoo kale lagu dhiirageliyey in ay qaadaan tallaabo taas lamid ah oo ay dib uga laabtaan jinsiyadahooda labaad.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa socday doodo kulul oo ku aaddan in tiro badan oo hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ah ay heystaan labo jinsiyadood, iyo in dadka heysta labada muwaadinnimo ay dalka ka qaban karaan xilal dowladeed ee sarsare.

Kamid ahaanshaha shakhsiyaadka heysta labada muwaadinnimo ee hoggaanka qaranka ayaa dhalineysa walaac sababtoo ah marka uu qofka muwaadin u yahay dal kale, ma cadda halka ay daacadnimadiisu jireyso haddii ay iska horyimaadaan danaha u dhexeeya Soomaaliya iyo wadanka kale. Daacadnimada oo aan ahayn mid cad ayaa abuuraysa su’aalo la xiriira in shakhsiyaadka heysta labada jinsiyadood lagu aamini karo in ay qabtaan xilalka sarsase ee dowladeed oo xasaasiga ah ee laanta fulinta, baarlamaanka, garsoorka iyo sidoo kale laamaha sirdoonka, militariga iyo diblomaasiyadda.

Hoggaanka dalka iyo jinsiyadahooda

Qaar badan oo kamid ah hoggaanka Soomaaliya ee heer federal ayaa heysta baasaboorro dalal kale. Madaxweynaha dalka waxa uu ahaa muwaadin Mareykan ah kahor inta aanu ka tanaasulin horraantii bishan. Raysal wasaaraha dalka waxa uu heystaa dhalashada dalka Noorway – tan iyo sanadkii 2000, dhammaan raysal wasaarayaashii soo maray Dowladdii Qaran ee Kumeelgaarka, Dowladdii Federaalka Kumeelgaarka, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay heysteen labo jinsiyadood. Inta badan xubnaha Golaha Wasiirrada waxa ay heystaan baasaboorro dalal kale. Sidoo kale, 38% xubnaha Baarlamaanka Federaalka (105 kamid ah 275-ta xubnood) waxa ay heystaan labo baasaboor, halka 20 kamid ah 54-ta xubnood ee Aqalka Sare ay iyagana yihiin qurbejoog dalka dib ugusoo laabtay. Qaar badan oo heysta labo baasaboor ayaa sidoo kale xilal sarsare ka haya hay’adaha amniga iyo safaaradaha dalka ku leeyahay dalalka kale.

Labada jinsiyadood iyo hoggaanka siyaadadda

Sanadkii 2000, xubno katirsan bulshada rayidka ayaa dalka Jabuuti ku qabanqaabiyay shir dib-u-heshiisiineed, kaasoo ay ka dhalatay Dowladdii Qaran ee Kumeelgaarka. Tan iyo wakhtigaas, waxaa jiray in qurbejoog badan ay ka qeyb qaadanayeen hannaanka siyaasadeed iyo sidoo kale horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada dalka.

Qurbejoogta waxa ay kaalin firfircoon ka qaateen yegleeliddii dowladihii is-xig-xigay – Dowladdii Qaran ee Kumeelgaarka, Dowladdii Federaalka Kumeelgaarka, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya – iyo sidoo kale maamul goboleedyada dalka. Wakhtiyo ay dalka ka jireen xasilooni darro siyaasadeed oo daran, qurbejoog soo laabatay ayaa qabtay xilal sarsare oo noqday wasiirro iyo xildhibaanno, qaar iyaga kamid ah ayaana naftooda ku waayay iyaga oo u adeegayo dalka.

Dadka heysta labada jinsiyadood kaliya kama aanay muuqanin siyaasadda oo kaliya, waxa ay sidoo kale kaalin firfircoon ka qaateen maalgashiga, gudbinta aqoonta, iyo gargaarka. Waxa ay sidoo kale kamid noqdeen shaqaalaha rayidka.

Balse, qabashadooda xilalka sarsare ee siyaasadeed ee dalka iyo kuwa xasaasiga ah ee amniga ayaa dhaliyay su’aal la xiriirta daacadnimadooda: sidee hal qof uu u ilaalin karaa danaha labo dal daacadna ugu ahaan karaa labada dal. Labalabeyntan ayay u badan tahay in ay soo dedejisay go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee ka tanaasulka muwaadinnimadiisa Mareykanka.

Hoggaanka siyaasadda ee Soomaaliya waxa uu ka shaqeeyaa dano qaran waxana masuuliyadahooda kamid ah qaadashada go’aanno ka turjimaya danta dalka. Waxaa jiri kara wakhtiyo shakhsiyaadka heysta labada muwaadinnimo ee haya xilalka sarsare ay u nuglaan karaan dano is khilaafaya gaar ahaan marka ay si labageesood ah ula xaajoonayaan dalka labaad oo ay dhalashadiisu heystaan. Tusaale ahaan, go’aannada siyaasadeed ee raysal wasaaraha ee ku aaddan dalka Noorway waxaa saameyn ku yeelan kara muwaadinnimadiisa dalkaas. Sidaas si lamid ah, dadka heysta labada jinsiyadood ee ka shaqeynaya diblomaasiyadda iyo amniga waxa ay wajahi karaan labalabeyntaas maadaama ay ka shaqeeyaan arrimo diblomaasiyadeed iyo kuwo amni oo sir u ah dalka.

Maqaamka sharci

Su’aasha yaa muwaadin ah, oo ay soo hoos galeyso xuquuqda dadka heysta labada jinsiyadood, waxa ay kamid tahay arrimaha lagu kala aragtida duwan yahay ee u baahan dood qaran in laga galo. Dastuurka Kumeelgaarka ah, iyo sidoo kale sharciga jinsiyadda ee qabyada ah, ma caddeynayaan maqaamka qofka heysta labada jinsiyadood ee haddana xil siyaasadeed oo sare ka haya dalka. Dastuurka Kumeelgaarka ah (qodobka 8[3]) waxa uu sheegayaa in muwaadin Soomaaliyeed aanan laga qaadi karin xuquuq muwaadinnimo xitaa haddii uu heysto jinsiyad dal kale. Dastuurka waxa uu sidoo kale sheegayaa sharci uu soo saari doono Golaha Shacabka in lagu qeexi doono sida lagu helo, lagu xayiro, laguna waayo muwaadinnimada Soomaaliya.

Shakhsiyaad si iskood ah way uga tanaasuli karaan jinsiyadda dal kale sida uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo. Laakiin si loo xalliyo arrinta ka dhalaneysa labada dal midkee ayay daacad u yihiin siyaasiyiinta labada jinsiyadood heysta ee xilalka sarsare ka haya Soomaaliya, waa in ay jiraan qodobbo gaar ah oo ku jira dastuurka iyo sharciga jinsiyadda oo ka mamnuucaya dadka labada jinsiyadood heysta in ay xilal sarsare ee dowladeed qabtaan. Doodda muwaadinnimada waxa ay u baahan tahay in mudnaan degdeg ah la siiyo maadaama ay sidoo kale muhiim u tahay doorashooyinka qaran iyo qabyo-tirka dastuurka kumeelgaarka ah. Madaxweyne Farmaajo arrinkan hormuud ayuu ka noqon karaa.

Isbarbardhig: arrinta daacadminada

Dastuurrada iyo sharciyada jinsiyadaha dalal badan oo Afrikaan ah waxa ay leeyihiin qodobbo ka mamnuucaya in ay xilal dowladeed oo sarsare qabtaan shaqkhsiyaadka ‘daacadmino iyo adeecid’ siiyay dowlado kale si ay uga fogaadaan suurtagalnimada daacadminada qofka oo labo dal loo qeybiyo. Sanadkii 2018, hoggaamiyaha mucaaradka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo Moïse Katumbi waxaa loo diiday in uu u tartamo doorashada madaxweynaha sabab la xiriirta in uu heysto dhalasho Talyaani ah. Dalal kale oo ku yaalla Bariga Afrika sida Itoobiya iyo Tansaaniya uma oggola qof heysta labo dhalasho in uu hoggaamiyo xafiisyada dowladda ee muhiimka ah.

Madaxweynayaal dalal ayaa ka tanaasulay dhalashadooda labaad markii loo doortay xafiiska ugu sarreeyo dalalkooda. Tusaale ahaan, Ashraf Ghani waxa uu ka tanaasulay dhalashadiisa Mareykanka sanadkii 2009 markii loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Afgaanistaan. Madaxweynaha Ciraaq Barham Salih waxa uu ka tanaasulay dhalashadiisa Ingiriiska si waafaqsan dastuurka dalka Ciraaq oo aan u oggolaaneynin qof heysta labo jinsiyadood in uu hoggaamiyo xafiisyada sarsare ee dalkaas.

Siyaasiga Mareykanka ah ee Ted Cruz waxa uu ka laabtay dhalashadiisa Kanada kadib markii ay abuurtay su’aalo la xiriira daacadminadiisa. Si iskiis ah ayuu uga tanaasulay dhaashadiisa labaad inkasoo aanu jirin xeer u diidaya in qof labo jinsiyadood heysta uu qabto xafiis siyaasadeed, marka laga reebo in aanan loo oggoleyn in ay ogaadaan macluumaadka sirta qaranka la xiriira.

Tusaalooyinkan waxa ay muujinayaan labalabeynta iyo su’aalaha ku gadaaman in hoggaanka sare ee dalka Soomaalya ay kamid yihiin shakhsiyaad labo baasaboor heysta. Dalal badan waxa ay leeyihiin qodobbo cadcad oo tilmaamaya in qofkii raba in uu xafiis siyaasadeed ee sare hoggaamiyo uu ka tanaasulo dhalashadiisa labaad si uu uga fogaado daacadmimada qofka oo aan labo dal u kala qeybsami karin.

Soomaaliya kama duwana dalalkaas. Dalka waxa uu marayaa xaalad xasaasi ah ee lagasoo kabanayo colaado ragaaday, hoggaankiisana looga baahan yahay in ay si dhab ah uga shaqeeyaan dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah. Balse dadka qaar ayaa ka shakisan ka go’naanta iyo daacadnimada siyaasiyiinta labada dhalasho heysta ee ka dhabeynta hiigsigaas maadaama ay muwaadiniin ka yihiin dalal kale oo xasiloon.

Xalka

Dadka labada jinsiyadood heysta ee haya xilalka siyaasadeed, diblomaasi iyo amni ee sarsare waxa ay u nugul yihiin in ay ugasii daraan xasaradihii jiray maadaama aanay labo dal daacad u wada noqon karin. Ma ahan in aan leennahay Soomaalida labada dhalasho heysata waa in aanay u tartamin xafiisyadan, balse dadka doonaya in ay xilalkan sarsare ee xasaasiga ah qabtaan waa in ay ka tanaasulaan dhalashadooda labaad si ay uga fogaadaan walaaca iyo labalabeynta ka dhalaneysa daacadminadooda.

Xafiisyada ugu sarreeya dalka ayaa laga bilaabi karaa isbeddelka. Marka la doorto iyo kahor inta aanan la dhaarin, madaxweynaha, haddii uu heysto jinsiyad kale, waxaa lagu waajibin karaa in uu ka tanaasulo jinsiyaddiisa labaad. Arrinkan waa in lagu caddeeyaa dastuurka federaalka iyo sharciga jinsiyadda ee qabyada ah. Sidaas oo kale waa in la caddeeyaa in ay muwaadinnimadooda labaad ka tanaasulaan shakhsiyaadka qabanaya xilalka guddoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka, raysal wasaaraha, iyo wasaaradaha muhiimka ah.

Sidoo kale hoggaanka hay’adaha amniga gaar ahaan kuwa masuulka ka ah sirta amni ee dalka waa in aanay ahayn kuwo leh labo jinsiyadood maadaama ay ka shaqeynayaan sir qaran oo xasaasi ah.

Wakhtiga dhaw inta maqaamka shakhsiyaadka labada jinsiyadood leh lagu caddeynayo dastuurka iyo sharciga jinsiyadda, saddexdii sano ee ugu dambeysay in uu degganaa Soomaaliya waa in shardi looga dhigaa qofka doonaya in uu u tartamo ama loo magacaabo xil siyaasadeed heerkiisu sarreeyo.

Faalladan waxaa wada qoray Maxamed Cirbad iyo Mahad Waasuge

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *