Posts

Daacadnimo qeybsan? Labada jinsiyadood iyo xafiisyada siyaasadda sarsare ee Soomaaliya

1-dii Agoosto 2019, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa dib uga laabtey muwaadinnimadiisa Mareykanka. War-saxaafadeed ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in “si iskiis ah uu uga laabtay” jinsiyaddiisa labaad inkastoo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya uu oggolaanayo labada muwaadinnimo. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in go’aanka la gaaray kadib markii la dhameystiray habraaca sharciga iyo socdaalka oo soo bilowday markii Farmaajo loo doortay Madweynaha Soomaaliya sanadkii 2017. Read more