Posts

Harmonizing the legislative framework for elections in Somalia

For the first time in 50 years, national one person one vote national elections are expected to happen in Somalia. Three interrelated pieces of legislation guide the national elections namely the Provisional Constitution, the National Electoral Bill (NEB) and the Political Parties Law. Each of these three laws has hitherto been under review. The National Electoral Bill and the proposed amendments of the Political Parties Law are under parliamentary review while an independent and parliamentary committee is reviewing the Provisional Constitution. Read more

Is-waafajinta sharciyada la xiriira doorashooyinka Soomaaliya

Markii ugu horreysay muddo 50 sanno kadib ah, doorashooyin qaran oo qof iyo cod ah ayaa la qorsheynayaa in ay ka dhacaan Soomaaliya. Saddex sharci ayaa haga doorashooyinka qaranka kuwaasoo kala ah Dastuurka Kumeelgaarka ah, Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadda oo ay dhammaantood dib-u-eegis ku socoto. Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaran iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee wax-ka-beddelka lagu sameeyay ayaa ku jira dib-u-eegis baarlamaan, halka guddi madax-bannaan iyo guddi xildhibaanno ah ay dib-u-eegayaan Dastuurka Kumeelgaarka ah. Read more

Somali Public Agenda

Dib-u-yegleelidda nidaamka xisbiyada badan ee Soomaaliya (Somali Public Agenda Podcast)

Lixdii bishii Sebteembar 2016, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay xeerkii xisbiyada ee wakhtiga badan la sugayay, kadib markii xubnaha baarlamaanku ansixiyeen

Xeerka xisbiyada (Xeer No. 19 ee 27 Juun 2016) wuxuu ka koobanyahay 38 qodob iyo 4 jadwal. Sharciga ayaa nidaaminaya arrimo badan oo ay kamid yihiin diiwaangelinta kumeelgaarka ah, diiwaangelinta buuxda, is-baheysiga iyo isku biiridda xisbiyo siyaasadeed, dadka loo oggol yahay in ay ku biiran xisbiyada, xaqa iyo mudnaanta xisbiyada siyaasadeed, diiwaan-kala-laabashada xisbiyada, maalgelinta xisbiyada siyaasadeed, maamul-xisaabeedka xisbiyada iyo xallinta khilaafka u dhexeeya xisbiyada.

Tan iyo markii la ansaxiyay sharciga, konton iyo toddobo (57) xisbi siyaasadeed ayuu si kumeelgaar ah u diiwaangeliyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ). Xisbiyadu waxay rajeynayaan inay helaan diiwaangelin buuxda kadib marka ay buuxiyaan shuruudaha sharciga ku xusan, si ay uga qeyb galaan doorashooyinka.

Farxaan Isaaq Yuusuf oo mid kamid ah qorayaasha warbixinta uu daabacay Somali Public Agenda iyo Maxamed Irbad ayaa falanqeynaya sharciga xisbiyada siyaasadeed.

Land prices in Mogadishu and its impact on the urban poor and IDPs

Mogadishu is the capital city of Somalia and has the second highest urban population density of any city in the world with over 2 million people. Land, housing and property prices in Mogadishu are the highest in Somalia. The geographic location, security, investment, road infrastructure and availability of basic facilities and services determine the price of land in the city. Commercial banks, landlords, brokers, and IDPs also contribute and have different roles in the increase of land and property value. The government role is limited, and the upsurge of land prices drives (and is driven by) gentrification. Poorer communities can no longer afford to live in areas that have been gentrified and evictions of IDPs has intensified. This governance brief discusses the causes and contributors to the rise of land prices in Mogadishu and its impact on the vulnerable communities. The brief concludes with policy recommendations.

Download the full governance brief

Muqdisho waa caasimadda dalka Soomaaliya, waana magaalada labaad ee ugu cufnaanta badan magaalooyinka caalamka, iyadoo ay ku nool yihiin dad ka badan labo malyan. Qiimaha dhulka ku yaalla Muqdisho waa kan ugu qaalisan Soomaaliya. Goobta uu ku yaallo, amniga, maalgashiga, dhismaha jidadka iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah ayaa go’aamiya qiimaha dhulka ku yaalla magaalada. Bangiyo ganacsi, milkileyaasha guriyaha, dallaallada, iyo barakacayaasha ayaa sidoo kale ka qeyb qaata, kaalin kala duwanna ku leh, sare-u-kaca qiimaha dhulka. Kaalinta dowladda ayaa xaddidan, sare-u-kaca qiimaha dhulkana waxaa ka dhashay barabixin. Qoysaska saboolka ah awood uma laha in ay ku noolaadaan goobaha qiimaha guryaha ku yaalla qaaliyoobeen, guri ka saaridda dadka barakacayaasha ahna way sii korortey. Faalladaan kooban waxaa ay ka hadleysaa sababaha iyo waxyaabaha ka qeyb qaatey sare-u- kaca qiimaha dhulka Muqdisho iyo saameysta uu ku leedahay dadka nugul. Faalladu waxaa ay kusoo gunaanadeysaa talooyin tixgelin mudan.

Division of powers and responsibilities in a federal Somalia

Somalia adopted a federal system of governance in 2004, although the formation of regional states only began in 2013. Four states have been formed under the auspices of the provisional constitution, in which the separation of executive powers and responsibilities between the different tiers of government remains unclear. Amidst this state of constitutional ambiguity, power struggles between the federal government and regional states have been – and remain – persistent. The constitutional review commissions reviewed the power-sharing options and presented scenarios to the parliament in 2016, but they have yet to be adopted and offer only a limited solution. In response to this protracted absence of a clarified governance structure, this brief presents new options to distribute powers and responsibilities to the different levels of government.

download the full governance brief

Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaam federaal sanadkii 2004, balse dhismaha maamul goboleedyadu waxa ay bilowdeen 2013. Afar maamul goboleed ayaa la dhisay iyadoo dastuurka kumeelgaarka ah aanu si wanaagsan u kala saareynin awoodaha fulinta ee heerarka kala duwan ee dowladdu leeyihiin. Maadaama dastuurku aanu kala caddeyn awoodaha, hardanka awoodeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada waxa uu ahaa welina yahay mid joogto ah. Guddiyada dib-u-eegista dastuurka waxa ay dib-u-eegis ku sameeyeen awood qeybsiga waxana ay talooyin u gudbiyeen baarlamaanka sanadkii 2016, laakiin talooyinkoodii weli lama qaadanin. Maadaama hannaanka awood qeybsigu aanu caddeyn, warbixintan waxa ay soo jeedineynaa talooyin cusub ee la xiriira sida awoodaha iyo masuuliyadaha loogu qeybin karo heerarka kala duwan ee dowladda.

soo rogo warbixinta oo dhameystiran

Somali Public Agenda

Examining public schools in Mogadishu

In October 2018, the Ministry of Education, Culture and Higher Education of the Federal Government of Somalia took over the management of 24 public schools in Mogadishu. The government recruited and directly pays teachers and no tuition fee is collected from students at all grades (1-12). The 24 schools are the first federal government-run schools in Somalia since the state collapse in 1991. This governance brief is based on school visits and interviews with different stakeholders in Mogadishu. It examines students, teachers, payment processes, curriculum, and the challenges schools face. It concludes with policy options and recommendations.

download the full governance brief

Bishii Oktoobar 2018, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulidda 24 iskuul dowladeed oo ku yaalla magaalada Muqdishu. Dowladda ayaa shaqaaleysiisay si toos ahna mushaar u siisa macalimiinta iskuullada, ardayda heerarkooda kala duwanna (1-12) wax lacag ah lagama qaado. 24-ka iskuul ayaa ah dugsiyadii ugu horreeyay oo ay dowladda federaalka ah maamusho tan iyo markii ay dowladdii dhexe burburtay sanadkii 1991-dii. Faalladan kooban waxa ay ku saleysan tahay booqasho lagu tagay iskuullada iyo wareysiyo lala yeeshay daneeyeyaal kala duwan ee dugsiyada dowladda. Waxa ay taxliilineysaa ardayda, macallimiinta, mushaar bixinta, manhajka, iyo caqabadaha heysta iskuullada. Waxa ay qormada kusoo gunaanadeysaa talooyin tixgelin mudan.

soo rogo warbixinta oo dhameystiran

Tolerant government and responsible opposition: reversing Somalia’s political dilemma

The existence of opposition and critics in a democratic polity is indispensable for the key roles they play. They hold governments in check and scrutinize how government policies are formulated, administered and implemented. Further, they criticise how a government falls short in fulfilling the promises it made during and after the election periods. Read more

Is it the time to print a new currency for Somalia?

The Federal Government is planning to print a new currency for Somalia. In early June 2018, the Minister of Finance of the Federal Government of Somalia introduced the design of 5,000 and 10,000 Somali Shillings. A press conference held by the governor of the Central Bank of Somalia in late June 2018 further elucidated the division of the currency. The governor stated that the currency will consist of 1,000, 2,000, 5,000 and 10,000 Somali Shillings. Read more

Ma la joogaa wakhtigii lacag cusub loo daabici lahaa Soomaaliya?

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay lacag cusub daabacdo. Horraantii bishii Juun ee sanadkan 2018, Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay naqshado 5,000 iyo 10,000 Shillin Soomaali cusub ah. Shir jaraa’id ee uu qabtay guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya dhamaadkii bishii Juun ee 2018 ayaa lagu sii caddeeyay inta ay ka koobnaan doonto lacagta cusub. Guddoomiyaha waxa uu sheegay in lacagta ay ka koobnaan doonto 1,000, 2,000, 5,000 iyo 10,000 Shillin Soomaali. Read more