Posts

Getting the party started: re-instituting political parties in Somalia

One person one vote elections are scheduled to be held in Somalia in late 2020 and early 2021. The electoral bill, despite being in a parliamentary review process, stipulates that the electoral model will be proportional representation, closed list, in a single constituency where registered voters will vote for political parties. The pivotal political parties’ law is under a pending amendment for the re-institution of long-lost multi-party politics in Somalia. The law, which consists of 38 articles and four schedules revolving around all issues relating to the regulation of modern political parties, was approved and ratified by the 9th Somali parliament and president respectively in 2016. This governance brief critically reviews the relaxed provisional party registration process, highlights the daunting challenges ahead for full party and voter registration hurdles. The brief also proposes alternative multi-party elections and puts forth policy options and recommendations.

Download the full governance brief

Doorasho qof iyo cod ah ayaa la qorsheynayaa in ay ka qabsoonto Soomaaliya dabayaaqada 2020 iyo horraanta 20201. Hindise-sharciyeedka doorashooyinka, inkastoo uu ku jiro dib-u-eegis baarlamaan, wuxuu qeexayaa in qaabka doorashadu noqon doonto metelaadda isku dheellitiran ee liiska xeran, oo ka dhaceysa hal deegaan doorasho oo ay codbixiyeyaasha diiwaangashani u codeyn doonaan xisbiyo siyaasadeed. Xeerka muhiimka ah ee xisbiyada siyaasadda oo ku jira wax-ka-beddel aan weli dhammaan ayaa nidaaminaya sidii dib loogu unki lahaa siyaasaddii ku dhisneyd xisbiyada badan ee wakhti hore meesha ka baxday. Xeerka oo ka kooban 38 qodob iyo afar jadwal oo ka hadlaya arrimaha la xiriira maamulidda xisbiyada siyaasadeed ee casriga ah, waxaa ansixiyay baarlamaankii 9-aad iyo madaxweynihii Soomaaliya ee sanadii 2016. Warbixintan waxay eegeysaa hanaanka dabacsan ee is-diiwaangelinta xisbiyada, waxay ifineysaa caqabadaha adag ee ku-hor-gudban is-diiwaangelinta dhameystiran ee xisbiyada iyo diiwaangelinta codbixiyaha. Warbixinta waxay sidoo kale soo jeedineysa xulashooyin la xiriira doorashooyinka iyo talooyin tixgelin mudan.

Soo rogo warbixinta oo dhameystiran

Review of Somalia’s draft national election bill

The National Electoral Bill is currently under parliamentary review. Once approved, the law will be the foundation for one-person-one-vote (OPOV) national elections scheduled to take place in Somalia in late 2020 and early 2021. The bill consists of 7 chapters and 61 articles and discusses issues of electoral design, management processes, voter registration, candidate eligibility, regulations for election campaigning, voting processes and vote counting, among others. This governance brief critically reviews technical issues of election design contained in the bill, including voter registration, seat allocation, announcement of election results, dispute resolution mechanisms, independence of NIEC, and election observation. It also makes broader comment on the framework for democratic governance in Somalia (election of the President, election of the Upper House, and election delays) and puts forward options for policy consideration.

Download the full governance brief

Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxa uu ku jiraa dib-u-eegista baarlamaan. Marka la ansixiyo, sharciga waxaa uu aasaas u noqon doonaa doorashoooyinka qaran ee qof iyo codka ah ee la qorsheynayo in ay ka dhacaan Soomaaliya dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021. Sharcigu waxaa uu ka kooban yahay 7 cutub iyo 61 qodob, waxaa uuna ka hadlayaa arrimaha qaabeynta doorashada, hababka maamulka, diiwaangelinta cod bixiyeyaasha, musharaxnimada, ololaha doorashada, hababka cod bixinta, iyo cod tirinta. Faalladaan kooban waxa ay si faahfaahsan qiimeyn ugu sameyneysaa arrimaha farsamo ee qaabeynta doorashada ee ku jira sharciga oo ay ka mid yihiin diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha, qoondeynta kuraasta, ku dhawaaqista natiijooyinka doorashada, xallinta murannada, madaxbannaanida Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo kormeerka doorashada. Waxaa ay sidoo kale faalladan falanqeyneysaa qaabdhismeedka maamul dimuqraadi ah ee Soomaaliya ka hanaqaada (doorashada madaxweynaha, doorashada Aqalka Sare iyo dib-u-dhaca doorashada). Waxa ay warbixintu soo jeedineysaa talooyin tixgelin mudan.

Soo rogo warbixinta oo dhameystiran