Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya (SPA Governance Podcast)

17-kii Sebteembar, hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada waxay ku heshiiyeen nooc doorasho dadban ah in ay ka dhacdo dalka. Iyadoo laga ambaqaadayo doodo taxane ah oo Dhuusamareeb ku qabsoomay bilaha Luulyo iyo Ogosto, doorashada lagu heshiyey ayuu baarlamaanku ansixiyay waxaana lagu faahfaahiyay heshiisyadii xigay ee 2-dii Oktoobar.

Inkastoo heshiisku muujiyay in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay gaareen is-faham aad loogu baahnaa kuna saabsan qaabeynta doorashada, haddana waxaa jira dulduleello badan iyo mugdi jira oo haddii aan wax laga qaban khatar gelin kara daahfurnaanta iyo in loo dhanyahay geeddi-socodka doorashada. Waxa kale oo jira arrimo siyaasadeed oo muran badan dhaliyay oo haddii aan la xallin ay sidoo kale kordhin karaan halista isku dhacyada dhalan kara bilaha soo socda.

Podcast-gan waxa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta falanqeyneysa arrimaha khilaafka ka jiro ee doorashooyinka Soomaaliya oo ay wada daabaceen Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Dhismaha Xukuumadda Xigta ee Soomaaliya (SPA Governance Podcast)

25-kii June baarlamaanka Soomaaliya ayaa riday xukuumaddii uu hoggaaminayay raysal wasaare Xasan Cali Khayre. Ilaa wakhtigan xukuumad cusub lamasoo dhisin.

Xukuumadda waxa la riday maalmo yar kadib markii uu soo idlaaday shirkii Dhuusamareeb 2 oo ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu uga hadlayeen nooca doorashada suuragalka ah in ay ku qabsoonto wakhtiga u haray hay’adaha federaalka.

Maxamed Cabdirisaaq waa aasaasaha iyo agaasimaha Finance, Development, and Governance Synergy Limited (FDG-Synergy). Kahor inta aanu billaabin SDG Synergy, waxa uu Maxamed Maareeyaha mashruuca Platform for Political Dialogue and Accommodation in Somalia (Madasha Wadahadallada Soomaaliya) u ahaa hay’adda Conflict Dynamics International. Waxa uu sidoo kale Maxamed horey usoo noqday lataliyaha Madaxweye Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, Maxamed waxa uu horey isugu sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Podcast-gan waxa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta taxliilineysa dhismaha xukuumadda xigta ee Soomaaliya oo ay daabaceen Machadka Rift Valley iyo FDG Synergy.

Click here to listen on Apple Podcasts.

A comparative review of Somalia’s controversial Sexual Offences Bills

There has been controversy surrounding the development of new legislation in Somalia addressing sexual offences, at a time when incidences of rape and other sexual violence have become rampant and impunity is pervasive. Two different bills on sexual offences have been drafted by different sources. However, the content and implications of each bill have not been adequately explained in public, leading to tensions fed by confusion and misapprehension rather than informed discussion. This brief outlines the content of each bill and draws out the key comparisons and differences. It recommends harmonizing the two bills, conducting wider public awareness activities on the proposed legislation, aligning the legislation to Somalia’s Penal Code, and strengthening the judiciary, police, and prosecution institutions.

Download the full governance brief

Muran ayaa ka taagnaa u sameynta sharci cusub Soomaaliya oo wax looga qabanayo dembiyada galmada, xilli dhacdooyinka kufsiga iyo xadgudubyada kale ee galmada ay noqdeen kuwo aad u baahsan. Laba hindise- sharciyeed oo kala duwan oo ku saabsan dembiyada galmada ayey diyaariyeen xafiisyo kala duwan. Nuxurka iyo saameynta nindise- sharciyeed kasta si fiican looguma sharrixin dadweynaha, taasoo horseedday xiisado ku qotama jahwareer iyo fahan-xumo halkii ay habooneyd dood xog-ogaalnimo ku dhisan in laga yeesho. Qoraalkan wuxuu qeexayaa waxa ku qoran hindise-sharciyeed kasta wuxuuna soo bandhigayaa isbarbardhigyada iyo kala duwanaanshiyaha muhiimka ah. Qormadu waxey ku talineysaa in la is waafajiyo labada hindise-sharciyeed, in la sameeyo wacyigelin ballaaran oo ku saabsan sharciga lagu taliyey, in sharciga la waafajiyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliya, lana xoojiyo garsoorka, booliska, iyo hay’adaha dacwad-oogista.

Soo rogo warbixinta oo dhameystiran