Somali Public Agenda
August 25, 2024
Commentary
Somali Public Agenda
August 25, 2024
19-kii Luulyo, Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee dowladda federaalka ayaa soo diyaarisay hindise-sharciyeedka oo lagu saleeyay wax-ka-beddel bishii Maarso lagu sameeyay cutubka afaraad ee dastuurka federaalka kumeelgaarka ah oo ka hadlaya arrimaha doorashooyinka. Sharcigu waxa uu ka kooban yahay shan cutub iyo 30 qodob. Waa mid kamid ah saddex hindise-sharciyeed, oo ay kamid yihiin hindise-sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyo hindise-sharciyeedka xisbiyada siyaasadda, oo ay ansixiyeen golaha wasiirada, lagama maarmaanna u ah hirgelinta doorashooyin toos ah. Hindise-sharciyeedkan oo ay wehliyaan labada hindise-sharciyeed kale ayaa la filayaa in loo gudbiyo baarlamaanka si ay uga doodaan una ansixiyaan.
Qodobbada Muhiimka ah ee Ku Jira Hindise-sharciyeedka
Dhowr qodob oo muhiim ah oo ku jira hindise-sharciyeedka dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayay muhiin tahay in la falanqeeyo si loo fahmo saameynta ay ku yeelan karaan hirgelinta doorashooyinka mustaqbalka. Qodobka 7-aad ayaa sharraxaya habka magacaabista xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka oo la tashaday Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo hay’adaha fulinta ee federaalka ee ay khuseyso, ayaa magacaabayo 18 xubnood oo lagasoo xulanayo 54 xubnood oo u tartamaya xubinnimada guddiga. Xisaab ahaan, tani waxay ka dhigan tahay in kursi kasta ay ku tartamayaan saddex musharax, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaana hal qof kasoo xulanaya saddex musharrax kasta. Ma cadda kaalinta madaxda dowlad-goboleedyadu ku yeelan doonaan hannaanka magacaabista iyo tirada musharraxiinta ay soo jeedin karaan. Sikastaba ha ahaatee, wax-ka-bedelka lagu sameeyay cutubka afaraad ee dastuurka federaalka kumeelgaarka ah ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay soo magacaabeyso xubnaha guddiga maamulaya doorashooyinka. Nidaamkani wuxuu ka duwan yahay heshiiskii doorasho ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ee May 2023 kaasoo tirada xubnaha guddiga ku xaddiday 15 una awood-siinayay in madaxweyne kasta ee dowlad-goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Benaadir ay soo magacaabaan min labo xubnood iyo saddex xubnood oo ay dowladda federaalka soo magacaabeyso.
Marka lasoo xulo xubnaha ugu dambeeya ee la magacaabayo, Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa uu liiska 18-ka xubnood ee lasoo xulay u gudbin doonaa Golaha Wasiirada. Haddii Golaha Wasiirada ay ansixiyaan, waxa uu golaha wasiirrada liiska xubnaha guddiga u gudbinayaa Baarlamaanka si ay u ansixiyaan. Baarlamaanka ayaa markaas u codeynaya hal mar qaab gacan taag ah dhammaan 18-ka xubnood ee guddiga. Aqlabiyad fudud (50% +1) ayaa ku filan xubnaha guddiga si uu baarlamaanka u ansixiyo. Madaxweynaha ayaa markaas xeer Madaxweyne ku magacaabayo xubnaha guddiga. Hannaanka ansixinta ayaa ka duwan habraacii hore ee uu baarlamaanku ku ansixiyay xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, kaas oo baarlamaanku si gaar ah ugu codeeyay xubin kasta. Arrinta ah in codbixintu ay u dhacdo qaab gacan taag ah waxay sidoo kale habraaca ka dhigaysaa mid u furan isdaba-marin.
Qodobka 8-aad wuxuu dhigayaa shuruudaha kamid noqoshada guddiga. Qodobka 8-aad waxa uu sheegayaa in xubin katirsan xisbi siyaasadeed ama qof kasta oo xil dowladeed soo qabtay lixdii bilood ee la soo dhaafay aanu xubin ka noqon karin guddiga. Sidoo kale, xubnaha guddiga doorashooyinka & soohdimaha waa in ay kasoo wareegtaa muddo lix bilood ah kahor inta aan loo magacaabin ama aanay u tartamin xil kale oo dowladeed. Qodobkan waxa loogu talo galay in uu hor istaago soo noqnoqoshada dhacdooyin hore oo ay kamid tahay in xubnaha guddiga doorashada ay si dhaqsa ah u qabtaan xil dowladeed kadib marka ay doorashadu dhamaato (Qodobka 24-aad).
Qodobka 10-aad ayaa qeexaya waajibaadka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Qodobku waxa uu mar kale xusayaa masuuliyadaha ku xusan qodobka 56-aad (Cutubka Afaraad) ee dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay, kuwaasoo ay kamid yihiin in uu u xilsaaran yahay xadeynta xuduudaha doorashada iyo maareynta dhammaan doorashooyinka dalka – heer degmo, heer gobol iyo heer federaal. Tani waxay ka dhigan tahay in aanay shaqeyn doonin Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland maadaama waajibaadkooda shaqo uu qaban doono guddiga cusub.
Sida ku cad qodobka 15-aad, guddigu waxa uu yeellan doonnaa muddo lix sano ah oo aan la cusbooneysiin karin. Qodobku waxa uu sidoo kale xusayaa in nidaamka lagusoo xulayo xubnaha guddiga cusub la billaabo lix bilood ka hor inta aanay dhammaan muddada lixda sano ah. Marka laga reebo kooxda maamulka ee uu hoggaamiyo Xoghayaha Joogtada ah, waxaa lixdii sanaba mar la magacaabi doonaa xubno cusub ee guddiha ah. Xubnaha guddiga ee helay waayo-aragnimo badan ayaanan kasii mid ahaan karin Guddiga muddo ka badan lix sano. Hannaan kale oo la sameyn karo ayaa ah magacaabista sagaal xubno ee guddiga kamid ah saddexdii sanaba mar. Tani waxay abuuri kartaa in xubnaha guddiga cusub ay la shaqeyaan xubno katirsan guddiga oo leh khibrad saddex sano ah.
Qodobka 16-aad waxa uu qeexayaa in guddigu uu yeelan doono Xoghaye Joogto ah oo uu soo magacaabayo guddoomiyaha guddiga doorashada ayna ansixinayaan xubnaha guddiga. Xoghayaha Joogtada ah ayaa hoggaamin doona dhammaan howlaha guddiga mana yeelan doono muddo xafiiseed xaddidan.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa yeelanaya miisaaniyad gaar ah oo looga qoondeeyay miisaaniyadda dowladda federaalka (qodobka 22-aad), guddiga ayaana u madax-banaanaan doono isticmaalka miisaaniyadda si waafaqsan Xeerka Maamulka Maaliyadda. Inkastoo ay muhiim tahay in guddigu uu yeesho miisaaniyad gaar ah, haddana farsamo ahaan, miisaaniyadiisa waxa lagu dari karaa oo kaliya miisaaniyad sanadeedka dhamaadka 2024 maadaama lixdii biloodba mar dib-u-eegis lagu sameynayo miisaaniyadda dalka. Haddii Guddiga la dhiso dhowrka bilood ee soo socda, dowladdu waxa ay u baahan doontaa in ay u qorsheyso miisaaniyad gaar ah ilaa sanad-maaliyadeedka soo socda, kaas oo bilaabmaya Janaayo 2025.
Dhowr arrimood oo kale oo hindise-sharciyeedka ku jira ayaa mudan in la xuso. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa dhaarin doona xubnaha guddiga (qodobka 25-aad). Guddigu wuxuu warbixin siin doonaa baarlamaanka ugu yaraan hal mar kalfadhi kasta (qodobka 26-aad). Guddiga waxa kale ee uu warbixin siin karaa hay’adaha kale ee dowladda. Ugu dambeyn, qodobka 29-aad ayaa sheegaya in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha & Federaalka la kala dirayo, iyadoo guddiga cusub uu qaban doono waajibaadka labada guddi.
Farqiga u Dhexeeya Guddiga Cusub & Guddigii Hore
Hindise-sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa uu meelo badan kala mid yahay sharcigii hore ee lagu dhisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Waxaa kamid ah muddada lixda sano ah ee xubnaha Guddiga, xaruntiisa in ay tahay Muqdisho, miisaaniyadda u gaarka ah, iyo in uu yeelanayo howlwadeenno maamul oo u gaar ah.
Sikastaba ha ahaatee, waxaa jira labo farqi oo u dhexeeya labada guddi. Midda koowaad, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa uu ka shaqeyn doonaa arrimaha doorashooyinka iyo xuduudaha. Midda labaad, Guddigii hore wuxuu ahaa guddi ka kooban 9 xubnood, halka Guddigan cusub xubnaha la labo jibbaarayo uuna yeelan doono 18 xubnood.
Muxuu Soomaaliya Uga Dhigan Yahay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Guddiga Doorashada?
Hindise-sharciyeedka dhowr saameyn ayuu ku yeelan doonaa siyaasadda Soomaaliya. Ugu horreyn, si uu u hirgeliyo waajibaadkiisa – oo ah maamulidda doorashooyinka goleyaasha deegaanka, doorashooyinka baarlamaannnada iyo madaxtooyada dowlad-goboleedyada, doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha dowladda federaalka – Guddiga cusub waxa uu la kulmi doonaa caqabado aad u waaweyn, oo ay ka mid yihiin aqbalaad la’aanta Puntland iyo siyaasiyiin muhiim ah ee katirsan mucaaradka oo iyaga su’aalo ka qaba dhismaha hal hay’ad maamul doorasho oo heer qaran ah. Waxaa jira daneeyayaal aaminsan in maadaama nidaam federaal la qaatay doorashooyinka heerka dowlad-goboleed ay tahay in ay maamulaan hay’ado maareya doorashooyinka oo heer dowlad-goboleed ah.
Midda labaad, ansixinta golaha wasiirrada ee hindise-sharciyeedkan iyo ansixinta xigta ee baarlamaanka waxay horseedi doontaa in xubnaha guddiga uu Wasiirka Arrimaha Gudaha soo magacaabo, oo ay ansixiyaan golaha wasiirrada iyo baarlamaanka, & in xubnaha guddiga ay iska dhex doortaan guddoomiye iyo ku-xigeen. Waxa ay noqon doontaa tallaabo loo qaaday dhanka qorshaha doorasho oo ay dowladda federaalka hormuudka ka tahay ee qabashada doorashooyin toos ah oo heerar kala duwan ah.
Midda saddexaad, Guddiga marka la dhiso, waxa ay u badan tahay inay ka shaqeeyaan muddada la qabanayo doorashooyinka, oo ay ku jiraan kuwa dowlad-goboleedyada ee uu Golaha Wadatashiga Qaran horey u sheegay in la qabto bisha Nofeembar ee sanadkan. Guddiga cusub ayaa sidaas darteed laga filayaa inuu soo jeediyo waqtiyo cusub oo la qabanayo doorashooyinka dowlad-goboleedyada, iyo doorashooyinka heer federaal, kuwaasoo labaduba yeelan kara saameyn siyaasadeed oo ballaaran.
Caqabadaha
Ugu horreyn, inkastoo baarlamaanka ay u badan tahay inuu u codeeyo ansixinta hindise-sharciyeedka, haddana waxaa jirta suuragalnimo ah in xildhibaannada mucaaradka ah ay hor-istaagaan ama dib u dhigaan ansixinta hindise-shariyeedka dhismaha guddiga doorashooyinka. Tani waxay sii yaraynaysaa fursadaha doorashooyin toos ah loogu hirgelin karo muddo ka yar labo sano.
Midda labaad, habka magacaabista 18-ka xubnood ee guddiga iyo doorashada guddoonka ayaa noqon karta mid lagu loollamo. Madaxda dowladda federaalka ayaa laga yaabaa inay ku dadaalaan in ay maareeyaan hannaanka doorashada guddiimiyaha guddiga. Madaxda dowlad-goboleedyada ayaa sidoo kale laga yaabaa inay dood ka keenaan habka magacaabista xubnaha guddiga haddii musharraxiinta ay wataan aanan lagu darin liiska xubnaha guddiga. Puntland waxay u badan tahay inay iska fogayn doonto ku lug-lahaanshaha hannaanka oo dhan.
Ugu dambeyn, Guddiga cusub waxa uu u baahan doonaa waqti iyo dhaqaale si uu u dhiso awood maamul ku filan oo u awoodo siisa hoggaaminta hirgelinta doorashooyinka dalka. Caqabaddan waa la yareyn karaa haddii shaqaalaha rayidka ah ee ka tirsanaa Guddigii Madaxa-bannaanaa ee Doorashooyinka Dalka iyo Guddiga Xuduudaha & Federaalka ee la kala diri doono lagu wareejiyo Guddiga cusub. Sikastaba ha noqotee, tani waxay u badan tahay inay dib u dhigi doonto tillaabooyinka bilowga ah ee hirgelinta doorashooyinka, sida waxbarashada codbixiyeyaasha, diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda, iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Mustaqbalka
Iyadoo ay muddo ka yar labo sano ka harsan tahay muddo-xilleedkii afar-ta sano ah ee dowladda federaalka iyo in uu dhamaaday muddo-xileedka qaar badan oo kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada, hindise-sharciyeedka dhismaha guddiga doorashooyinka, ansixintiisa iyo magacaabistiisa xigta ee xubnaha guddiga ayaa noqon doona tallaabooyin muhim ah oo loo qaadayo hannaanka doorasho oo ay hormuudka ka tahay dowladda federaalka.
SPA waxay daabici doontaa faallooyin iftiimiya nuxurka hindise-shariyeedka doorashooyinka iyo hindise-sharciyeedka ururrada & xisbiyada siyaasadda.
Somali Public Agenda is a non-profit public policy and administration research organization based in Mogadishu. Its aim is to advance understanding and improvement of public administration and public services in Somalia through evidence-based research and analysis.
Stay updated on governance and public services in Somalia!