Dib-u-heshiisiinta Galmudug: Geeddi-socodka, Caqabadaha iyo Fursadah‪a‬ (SPA Governance Podcast)

Soomaaliya waxay soo martay xasillooni darro weyn tan iyo markii la riday dowladdii milateriga ahayd 1991. Isku dhacyada rabshadaha wata ee u dhexeeya qabaa’illada iska soo horjeeda ayaa caadi ka ahaa dalka oo dhan, kuwaasoo ka dhashay inta badan biyo yari iyo kheyraadka daaqa. Colaadaha noocan oo kale ah waxay keeneen isku dhacyo muddo dheer socdey oo ay adkaatay in la xalliyo. Mid kamid ah tusaalaha ugu muhiimsan waa maamulka Galmudug, oo ay sameysteen gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo taariikh ahaan ahaayeen labadan gobol goobo ay ka jiraan loollan siyaasadeed oo qaraar iyo dagaallo isdaba joog ah, iyadoo kooxo badan ay sheeganayeen inay ka taliyaan qeybo kala duwan oo labadan gobol katirsan. Muddadii 2015 ilaa 2019 Galmudug labo ayay u kala jabtay, maamullo kala gaar ahna waxaa laga kala dhisay dhumasareb iyo Cadaado. Sikastaba ha noqotee, kadib isku dayo badan oo dib-u-heshiisiin oo ay ku guuldareysteen dhinacyo kala duwan, geeddi-socodkii ugu dambeeyay ee la doonayay in lagusoo dabaalo nabad iyo in la dhiso dowlad xasilan ayaa waxaa laga gaaray guul.

Podcast-gan waxa ay Maxamed Shariif, Mahad Waasuge, Farxaan Isaaq Yuusuf ku falanqeynayaan  natiijooyinka kasoo baxay daraasad cilmiyaysan oo falanqeyneysa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo bulsho ee degaannada Galmudug.

Click here to listen on Apple Podcasts

Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2021 loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliy‪a‬ (SPA Governance Podcast)

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa 29-kii bishii Diseembar 2020 (labo maalin kadib markii uu muddo xileedkisa dhammaaday 27-dii Diseembari) meelmariyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2021-ka. Wadarta miisaaniyadda loogu talagalay sanad maaliyadeedka 2021-ka waa $671 malyan. Tani waxa ay $195 malyan ka badan tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo aheyd $476 million, taasoo ayada lafteeda $132 malyan ka badneyd sanad maaliyadeedkii 2019-ka oo ahaa $344 million.

Waxa uu Mahad Wasuge podcast-gan kusoo koobayaa faallo aan dhawaan ka daabacnay miisaaniyadda dowladda federaalka sanadka 2021 ee loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Xasilloonida iyo Daahfurnaanta Hannaanka Doorashada dadban ee Soomaaliya (SPA Governance Podcast)

17-kii Sebteembar, hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada waxay ku heshiiyeen nooc doorasho dadban ah in ay ka dhacdo dalka. Iyadoo laga ambaqaadayo doodo taxane ah oo Dhuusamareeb ku qabsoomay bilaha Luulyo iyo Ogosto, doorashada lagu heshiyey ayuu baarlamaanku ansixiyay waxaana lagu faahfaahiyay heshiisyadii xigay ee 2-dii Oktoobar.

Inkastoo heshiisku muujiyay in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay gaareen is-faham aad loogu baahnaa kuna saabsan qaabeynta doorashada, haddana waxaa jira dulduleello badan iyo mugdi jira oo haddii aan wax laga qaban khatar gelin kara daahfurnaanta iyo in loo dhanyahay geeddi-socodka doorashada. Waxa kale oo jira arrimo siyaasadeed oo muran badan dhaliyay oo haddii aan la xallin ay sidoo kale kordhin karaan halista isku dhacyada dhalan kara bilaha soo socda.

Podcast-gan waxa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta falanqeyneysa arrimaha khilaafka ka jiro ee doorashooyinka Soomaaliya oo ay wada daabaceen Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Dhismaha Xukuumadda Xigta ee Soomaaliya (SPA Governance Podcast)

25-kii June baarlamaanka Soomaaliya ayaa riday xukuumaddii uu hoggaaminayay raysal wasaare Xasan Cali Khayre. Ilaa wakhtigan xukuumad cusub lamasoo dhisin.

Xukuumadda waxa la riday maalmo yar kadib markii uu soo idlaaday shirkii Dhuusamareeb 2 oo ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu uga hadlayeen nooca doorashada suuragalka ah in ay ku qabsoonto wakhtiga u haray hay’adaha federaalka.

Maxamed Cabdirisaaq waa aasaasaha iyo agaasimaha Finance, Development, and Governance Synergy Limited (FDG-Synergy). Kahor inta aanu billaabin SDG Synergy, waxa uu Maxamed Maareeyaha mashruuca Platform for Political Dialogue and Accommodation in Somalia (Madasha Wadahadallada Soomaaliya) u ahaa hay’adda Conflict Dynamics International. Waxa uu sidoo kale Maxamed horey usoo noqday lataliyaha Madaxweye Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale, Maxamed waxa uu horey isugu sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Podcast-gan waxa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta taxliilineysa dhismaha xukuumadda xigta ee Soomaaliya oo ay daabaceen Machadka Rift Valley iyo FDG Synergy.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Saameynta COVID-19 uu ku yeeshay jaamacadaha Muqdisho (Somali Public Agenda Podcast)

Kadib markii lasoo tabiyay kiisaskii ugu horeeyay ee fayraska 16-kii Maarso, dowladda federaalku waxay qaadday tallaabooyin ay ku joojineyso faafitaanka caabuqa.

Tallaabadii ugu horreeysay waxay ahayd in la hakiyo iskuullada iyo jaamacadaha maadaama ay yihiin goobo uu si xooggan ugu faafi karo fayraska.

Raysal wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay 18-kii Maarso 2020 in labo toddobaad la hakinaayo waxbarashada, loona baahan yahay in la qiimeeyo sida xaaladdu isku baddeleyso. Iskuullada iyo jaamacaduhuna way qaateen amarka, laakiin kiisasku si isdaba-joog ah ayay usii kordhayeen.

Podcast-gan waxa aan ku falanqeyneynaa nuxurka warbixinta aan daabacnay oo ka hadleysa saameynta uu COVID-19 ku yeeshay jaamacadaha Muqdisho.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Waxa laga baran karo sida loo maareeyay kaalmadii bini’aadamnimo ee 2019 loo fidiyey Beledweyne

Bishii Octobar 2019, webiga Shabelle ayaa ku fatahay degmooyin katirsan Hirshabelle gaar ahaan magaalada Beledweyne. Daadadka oo ka dhashay roobabkii deyrta ee ka da’ay Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa magaalada Beledweyne uga barakacay dad lagu qiyaasay 240,000 oo qofood.

Kaalmo bini’aadamnimo oo xooggan ayaa loo fidiyey dadka ay fatahaadda sameysay. Balse dad badan ayaa ka cawday in gargaarka lagu qeybiyey si aan cadaalad ahayn.

Podcast-gan waxa aan ku falanqeyneynaa nuxurka cilmibaaris ay iska kaashadeen Somali Public Agenda iyo Radio Ergo oo ka hadleysa waxa laga baran karo sida loo maareeyay kaalmadii bini’aadamnimo ee 2019 loo fidiyey Beledweyne.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Tubta Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021

2020 iyo 2021 sanado doorasho ayay u yihiin Soomaaliya. Muddo xileedka xubnaha labada gole ee baarlamaanka (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) wuxuu ku egyahay dhammaadka bisha Diseembar 2020; waxaa la caleemasaaray 27-kii Diseembar 2016. Muddo xileedka Madaxweynaha wuxuu sidoo kale dhammaanayaa horraanta Febraayo 2021.

Sharciga doorashooyinka waxa ku jira faafaahinta ugu muhiimsan ee doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan. Golaha Shababka ee baarlamaanka ayaa ansaxiyay sharciga 28-ka Diseembar 2019. Aqalka Sare ayaa sidoo kale ansixiyey 8-dii Febraayo 2020, madaxweynaha ayaana saxiixay sharciga 20-kii Febraayo ee sannadkan.

Si ka duwan hababkii hore ee doorashooyinka Soomaaliya, sharciga doorashooyinka, oo ka kooban 7 cutub iyo 58 qodob, ayaa hadda ah dukumiintiga hagaya doorashooyinka qaran ee Soomaaliya.

Podcast-gan waxa aan kusoo koobeynaa nuxurka warbixinta tubta doorashooyinka Soomaaliya ee 2021.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaargaroobeysaa la tacaalidda COVID-19?

Qofkii ugu horreeyay ee laga helay caabuqan Soomaaliya waxaa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 16-kii Maarso 2020 kaasoo ahaa arday Soomaali ah oo dhawaan kasoo laabtay dalka Shiinaha.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale joojiyey dhammaan duullimaadyada caalamiga ah laga bilaabo 19-ka Maarso muddo labo isbuuc ah.

Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee aan lahayn xuduudo adag, tahriibayaasha iyo ganacsigana isaga gooshaan, howlwadeenno calami ah iyo xoogag hubeysanna joogaan, suuragalnimada in uu cudurkan ku faafo dalka waa mid sarreysa sida ay sheegayaan khuburada caafimaadka ee ku takhasusay cudurrada faafa.

Podcast-gan waxaa marti noogu ah Qaasim Cabdi Jimcaale oo ah sii-hayaha Agaasimaha Machadka Qaran ee Caafimaadka. Waxa aan ka wareysannay sida ay muhiim ugu tahay Soomaaliya dejinta qorsheyaal loogu diyaargaroobayo lagulana tacaalayo cudurka covid-19.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Falanqeyn Nidaamka Doorasho ee Horreeyaa Guuleysta (Somali Public Agenda Podcast)

Soomaaliya waxay baadi goobeysaa hannaan doorasho ee doorashada 2020/21. Guddi baarlamaan oo ka kooban 15 xubnood ayaa loo xilsaaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka oo ay horey usoo ansixiyeen Golaha Wasiirrada.

Guddiga waxa uu u gudbiyey kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen labada aqal ee baarlamaanka 27-kii Noofambar 2019 nuqul cusub oo ah dib-u-eegis ay ku sameeyeen Hinidise-sharciyeedka Doorshooyinka Qaranka.

Guddigu waxa uu soo jeediyey nidaamka doorasho ee ‘Horreeyaa Guuleysta’. Dood baarlamaan kadib, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa ansixiyey sharciga 28-kii Diseembar 2019, waxana uu sharciga sugayaa ansixinta Aqalka Sare iyo saxiixa madaxweynaha.

Mahad Wasuge waa mid kamid ah qorayaasha warbixin Somali Public Agenda ka qortay nidaamka doorasho ee ‘Horreeyaa Guuleysta’ iyo Maxamed Irbad ayaa Podcast-gan ku falanqeynaya Nidaamka doorasho ee Horreeyaa Guuleysta.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Somali Public Agenda

Dib-u-yegleelidda nidaamka xisbiyada badan ee Soomaaliya (Somali Public Agenda Podcast)

Lixdii bishii Sebteembar 2016, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay xeerkii xisbiyada ee wakhtiga badan la sugayay, kadib markii xubnaha baarlamaanku ansixiyeen

Xeerka xisbiyada (Xeer No. 19 ee 27 Juun 2016) wuxuu ka koobanyahay 38 qodob iyo 4 jadwal. Sharciga ayaa nidaaminaya arrimo badan oo ay kamid yihiin diiwaangelinta kumeelgaarka ah, diiwaangelinta buuxda, is-baheysiga iyo isku biiridda xisbiyo siyaasadeed, dadka loo oggol yahay in ay ku biiran xisbiyada, xaqa iyo mudnaanta xisbiyada siyaasadeed, diiwaan-kala-laabashada xisbiyada, maalgelinta xisbiyada siyaasadeed, maamul-xisaabeedka xisbiyada iyo xallinta khilaafka u dhexeeya xisbiyada.

Tan iyo markii la ansaxiyay sharciga, konton iyo toddobo (57) xisbi siyaasadeed ayuu si kumeelgaar ah u diiwaangeliyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ). Xisbiyadu waxay rajeynayaan inay helaan diiwaangelin buuxda kadib marka ay buuxiyaan shuruudaha sharciga ku xusan, si ay uga qeyb galaan doorashooyinka.

Farxaan Isaaq Yuusuf oo mid kamid ah qorayaasha warbixinta uu daabacay Somali Public Agenda iyo Maxamed Irbad ayaa falanqeynaya sharciga xisbiyada siyaasadeed.

Click here to listen on Apple Podcasts.