Doorasho toos ah mise doorashadii dadbaneyd oo la hormariyey? Falanqeyn ku saabsan xeerarka doorashada

7-dii bishii Juun, guddiga baarlamaanka ee ka koobnaa 17-ka xubnood loona xilsaray diyaarinta xeerarka sharciga doorashooyinka waxa uu labo xeer u gudbiyey guddoonka labada aqal ee baarlamaanka si looga doodo loona ansixiyo. Xeerka koowaad oo ka kooban 5 cutub iyo 9 qodob waxa uu qeexayaa deegaan-doorashada kuraasta, qoondada dumarka, iyo metelaadda gobolka Benaadir. Xeerka labaad oo ka kooban 12 qodob waxa uu qeexayaa hannaanka doorasho ee xildhibaannada Soomaaliland (ama gobollada waqooyi).

Guddiga waxa uu sheegay in ay la tashadeen xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maamulka gobolka Benaadir, kutlada haweenka ee baarlamaanka, siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada waqooyi, iyo xubno katirsan beesha caalamka oo ay kamid yihiin wakiilka gaarka ah ee Xoghayada-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, iyo safiirrada Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Talyaaniga. Guddiga waxa uu joojiyey wadatashiyo u qorsheysnaa in uu ka sameeyo dowlad goboleedyada cudurka coronavirus awgiis, balse waxa uu qaab online ah u sameeyay dhowr kulan.

Goobaha loo asteeyay kuraasta baarlamaanka

Qodobka 5-aad ee xeerka waxa uu xeerku sharraxayaa goobaha lagasoo dooranayo xubnaha labada aqal ee baarlamaanka. Qodobkan waxa uu soo jeedinayaa in 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka iyo 54-ta xubnood ee Aqalka Sare lagasoo doorto 18-ka gobol ee Soomaaliya. Shaxda gobollada waxaa lagu faafaahiyey labo jadwal. Qodobka 5-aad waxa uu sidoo kale sheegayaa in goobaha kurasta loo cayimay loo isticmaalayo keliya doorashada soo socota.

Qodobka 5-aad waxa uu sidoo kale sheegayaa in haddii kuraasta aanay suuragal ahayn in loogu codeeyo gobolka loo cayimay sababo amni iyo kuwo siyaasadeed awgood, doorashada kuraastaas in ay ka dhici doonto Muqdisho. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa – oo la tashanaya  Guddiga Qaranka ee Amniga Doorashada – ayaa xisbiyada siyaasadeed la wadaagaya goobaha doorashada kuraastaas oo sababeysan.

Asteynta kuraasta lasoo jeediyey waxa ay iftiimineysaa arrimo muhiim u ah doorashada, balse qodobbada qaar ma cadda. Marka koowaad, maadaama 275-ta kursi ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku saleysan yihiin awood-qeybsiga beelaha ee 4.5 (sida ku xusan qodobka 12(3) ee sharciga doorashooyinka qaranka), guddiga isku-dhafka ah ee baarlamaanka waxa uu qiimeyn ku sameeyay gobollada ay ku badan yihiin beelaha lagu metelo kuraasta. Inkastoo asteynta kuraasta ee gobollada ay ka turjumeyso intooda badan sida ay beeluhu u degaan gobollada dalka, jufooyinka qaarkood waxa ay degaan labo gobol ama ka badan. Hannaanka doorasho waxa uu u fursad codeyn siinayaa keliya  xubnaha beesha ee ku nool gobolka kursiga loo asteeyay. Xubnaha kale ee ku nool gobolllada kale, inkastoo fursad codeyn ay helayaan, haddana waxa ay u codeyn karaan keliya musharrax kursi ay beel kale leedahay.

Midda labaad, guddiga waxa uu soo jeediyey kursi nambar oo lagu beddelay magacyadii beelaha. Tusaale ahaan, nambarka kursiga beesha Maqalsame ee Duduble waxa uu noqonayaa HOP#026, oo ah Golaha Shacabka kursiga nambar 26 oo lasoo gaabiyey. In la qariyo ama la beddelo magaca beesha iyadoo habka doorashada ku saleysan tahay beelo waxba kama beddeleyso xaqiiqda ah in doorashada baarlamaan ee soo socoto ku saleysnaan doonto beelo. Waxa ka duwan doorashadii hore ayaa ah in odayaashii dhaqanka ee soo xulay codeeyayaashii sanadkii 2016 lagu beddeli doono diiwaangelin uu sameyn doono GMDQ.

Midda saddexaad, asteynta kuraasta lasoo jeediyey waxaa ka maqan faafaahinno la xiriira goobta doorashada. Gobol kasta waxa uu ka kooban yahay dhowr degmo, beel ama jufo kastana degmo ayay ku badan tahay. Xeerka ma cayimayo degmada ay doorashada ka dhici doonto. Sidoo kale, xeerka ma muujinayo haddii GMDQ uu codeynta kuraasta qaar ka sameynayo labo degmo ama ka badan ee gobol ku wada yaalla ama labo gobo lama ka badan haddii beesha ama jufadu degto labo gobo lama ka badan.

Midda afaraad, qodobka 5-aad ma caddeynayo sida codbixiyeyaasha loo diiwangelin doono, iyo sida loo codeyn doono. Tusaale ahan, haddii qof codeyn kara uu ku nool yahay Muqdisho, balse kursiga beeshiisa ee Golaha Shacabka la geeyay gobolka Galgaduud, sidee ayuu qofkaas uga qeyb qaadan karaa codeynta? Faafaahinno muhiim ah oo la xiriira sida codbixiyeyaasha loo diiwaan-gelinayo, iyo sida ay dadku ugu codeynayaan kuraas beelo leeyihiin kuma cadda xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka.

Ugu dambeyn, qodobka 5-aad ee xeerka asteynta deegaan-doorashada kuraasta, qoondada dumarka iyo metelaadda gobolka Benaadir ma caddeynayo habka loo maareynayo doorashada xubnaha Aqalka Sare. Si lamid ah Golaha Shacabka, 54-ta xubnood ee Aqalka Sare waxaa kuraastooda la siiyey nambarro lagu aqoonsado, laakiin hannaanka doorasho ee Aqalka Sare iyo sida uu ula mid yahay ama uga duwan yahay doorashada Golaha Shacabka ma cadda.

Qoondada dumarka

Dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya (qodobkiisa 11-aad) iyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka (qodonkiisa 23-aad) waxa ay waajibinayaan in 30% dumarku ku yeeshaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Qodobka 6-aad ee xeerka asteynta deegaan-doorashada kuraasta, qoondada haweenka iyo metelaadda gobolka Benaadir waxa uu soo jeedinayaa in kuraasta ay hadda ku fadhiyaan haween ee labada aqal, oo ah 24%, ay u tartamaan keliya haween doorashada soo socota. Waxa uu sidoo kale xeerku weydiisanaya GMDQ in ay ka keenaan 6% ee ka dhiman qoondada dumarka beelaha aanan fulin saamiga haweenka ee doorashadii 2016.

Doorashadii dadbaneyd ee 2016 waxa ay si weyn u kordhisey metelaadda dumarka ee baarlamaanka 10-aad. Waxa ay tani timid kadib markii dumarka loo xeray kuraas ay iyaga keliya ku tartamaan. Waa hannaan horey loosoo tijaabiyey oo haddii mar kale la isticmaalo, kordhin kara ama ugu yaraan keeni kara in 24% ay xildhibaannada dumar noqdaan doorashada soo socota. Sikastaba ha noqotee, waxaa jira cabashooyin. Dumarka raba in ay noqdaan xildhibaanno kanasoo jeeda beelaha ay kuraastooda hadda ku fadhiyaan rag (inkastoo ay tartami karaan) waxa yaraan doonta fursadda lagu dooranayo sabab ka dhalatay kursiga haweenka leeyihiin oo la calaamadeeyay. Sidaas si lamid ah, beelaha qaar oo ay hadda metelaan haween waxa ay doonayaan in metelaadda dumarka noqoto mid wareegto oo aan beelo gaar ah keliya ku ekaan. Hannaanka metelaadda haweenka ee lasoo jeediyey cabashiiyinkan kama jawaabeyso.

Meteladda gobolka Benaadir

Maqaamka gobolka Benaadir ee hannaanka federaalaynta Soomaaliya weli lama qeexin, gobolka Benaadir-na wax metelaad ah kuma laha 54-ta xubnood ee Aqalka Sare. Guddiga iskudhafka ah ee baarlamaanka waxa uu soo jeediyay 7 xubnood oo dheeraad ah in la siiyo gobolka Benaadir, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare 61. Guddigu wuxuu kaloo soo jeediyey in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobka 72-aad ee dastuurka kumeelgaarka ah, kaasoo hadda ku xaddidaya tirada xubnaha Aqalka Sare 54.

Inkastoo 7-da kursi ee lasoo jeediyay ay metelaad gobolka Banaadir ka siin karaan Aqalka Sare, haddana sharciga xal uma raadinayo maqaamka gobolka Benadir. Maadaama Aqalka Sare loo sameeyay inuu metelo dowlad goboleedyada, waxaa isweydiin muddan sidee 7 xubnood Aqalka Sare ugu matali karaan gobolka Benaadir ayadoo aan wali maqaamkeeda la qeexin. Dhanka kale, guddiga baarlamaanka ma aanu faafahin sida 7-da xubnood ee gobolka Banaadir u meteli doonaan dadka ku nool magaalada Muqdisho. 275-ka xubnood ee Golaha Shacabku waxay ku saleysan yihiin awood-qaybsiga beelaha, halka wakiillada Aqalka Sare ay sidoo kale metelaan qabiilo heer dowlad goboleed. Faahfaahinta sababta 7 kursi loo dhahay  iyo sida 7-da xubnood oo metelaya Benaadir loosoo dooranayo ama loogu qoondeynayo dadka deggan Muqdisho ayaanan ku qeexnayn xeerka.

Doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi/Soomaaliland

Qodobka 4-aad ee xeerarka qeexaya doorashada wakiillada gobollada waqooyi ama Soomaaliland waxa uu sheegaya in kuraastaas lagu dooran doono Muqdisho. Soomaaliland waxa ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya, xukuumaddeeda (oo fadhigeedu yahay Hargeysa) waxa ay diiddaa in ay ku lug yeelato doorashooyinka federaalka ee Soomaaliya. Soomaaliland waxa ay leedaya baarlamaan iyo nidaam doorasho. Qodobka 5-aad wuxuu soo jeedinayaa nooc doorasho (Single Seat Plurality) ee doorashada wakiillada gobolada Soomaaliland, si  waafaqsan hannaanka qeybinta kuraasta ee 4.5 (sida lagu qeexay qodobka 12 [3] ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka). Ugu yaraan 81 cod-bixiyeyaal ayaa loo diiwaangelin doonaa doorashada kursi kasta. 3 qofood ayaa xaqiijin doona saxnaanshaha cod-bixiyeyaasha la diiwaangeliyey. Codeynta waxaa la qabanayaa haddii 50% cod-bixiyeyaasha isdiiwangeliyay (41) ay soo xaadiraan.

Guddi doorasho oo gaar ah (qodobka 6-aad) ayaa maamuli doona doorashada xildhibaannada gobollada waqooyiga. GMDQ ayaa magacaabaya 9-ka xubnood ee guddigan. Waajibaadka guddiga (qodobka 7-aad) waxaa kamid ah diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, diiwaangelinta kormeerayaasha doorashada, qabashada liiska musharraxiinta, iyo la-shaqeynta GMDQ iyo Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaranka ee goobaha doorashada, maareynta codeynta iyo ku dhawaaqista natiijada doorashada. Musharrax kasta oo u tartamaya kursiga baarlamaanka wuxuu bixin donaa $2,000 oo ah khidmadda diiwaangelinta oo aan lasoo celineynin (qodobka 8-aad). Qodobka 11-aad wuxuu kaloo soo jeedinayaa guddiga xallinta khilaafaadka oo ka kooban 7 xubnood. Qofkasta oo cabasho qabo waxuu bixinayaa $1,500, waxayna guddigu go’aan ka gaari doonaan kiiska 3 maalmood oo shaqo gudahood. Waxaa jira fursad ah in uu qofku racfaan Maxkamadda Sare uga qaadan karo go’aanka guddiga xallinta khilaafaadka muddo 7 maalmood gudahood, maxkamadduna waxay go’aan kusoo saari doontaa 15 maalmood gudahood.

Xeerka qeexaya doorashada kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi (ama Soomaaliland) waxaa ku jiraa faahfaahinno, laakiin cillado ayuu sidoo kale leedahay. Marka hore, xeerka wuxuu xaddidayaa tirada dadka u codeyn kara kursi kasta. Inkastoo aysan tiradaasi ku  xaddidneyn 81, haddana waxay u muuqataa in dad ka yar 100 qofood oo ka dhashay qabiilka kursigiisa loo codaynaayo ay u codeyn doonaan kursi kasta. Doorashada noocan ah waa ay  ka duwan tahay hannaanka doorasho ee kuraasta kale oo tirada dadka u codeynayo aanay xaddidneyn.

Midda labaad, waxa aanan caddeyn cidda noqoneysa saddexda qofood ee caddeynaysa u dhalashada qabiilka ee shakhsiyaadka u diiwaangashan codbixinta. Inkastoo laga dhowrsaday in la sheego magaca odayaasha beelaha, kaalinta odayaasha beelaha waxay u muuqdaa mid aan laga maarmi doonin  doorashada xildhibaannada gobollada Soomaaliland.

Midda Saddexaad, maadaama magacaabista guddiga doorashada iyo xubnaha xallinta khilaafaadka ay sameynayaan GMDQ islamarkaana goobta lagu qabanayo doorashada kuraasta ay ku xaddidan tahay Muqdisho, kuraasta gobollada Soomaaliland waxay u nugul yihiin is-daba-marin. Hannaanka lasoo jeediyay ee doorashada wakiillada gobollada waqooyiga waxay fursad siineysaa dowladda iyo/ama siyaasiyiinta saamaynta leh ee kasoo jeedo Soomaaliland.

Fursad iskaashi

Bilo kooban ayaa ka harsan muddo-xileedka baarlamaanka. Cod-bixiyeyaasha weli lama diiwaangelinin; hindise-sharciyeedka xisbiyada siyaasadeed oo wax-ka-beddelka lagu sameeyay ayaanan weli laga doodin lana meelmarin; qabiil kastana waxa uu u tartami doonaa kursigiisa, inkastoo magac cusub loo yeelay. Labada xeer ee qeexaya asteynta deegaan-doorashada kuraasta, qoondada haweenka, metelaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, iyo doorashada xildhibaannada gobollada Soomaaliland waxay muujinayaan in doorashada soo socdaa ay tahay nooc isku-dhaf ah – oo u dhexeeya doorashadii dadbaneyd iyo doorasho qof iyo cod ah.

Sanadkii 2016, doorashooyin dadban ayaa ka dhacay magaalo madaxda dowlad goboleedyada. Markan, sida ka muuqato xeerarka cusub ee doorashooyinka, doorashada waxaa loo daadajin doonaa 18-ka gobol ee Soomaaliya (in kastoo muhiimadda iyo saameynta gobollada ay si weyn hoos ugu dhacday kadib markii la dhisay dowlad-goboleedyada). Sikastaba ha noqotee, gobol kasta wuxuu ka kooban yahay dhowr degmo, welina degmoyiinka xildhibaanada lagasoo dooran doono ma cadda. Intaa waxaa dheer, kuraas badan ayaa lagu dooran doonaa Muqdisho. Doorashada xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeedo Soomaaliland iyo kuwa kasoo jeeda gobolada iyo degmooyinka aanan amniga aheyn waxaa lagu qaban doonaa Muqdisho.

Inkastoo sharciyeeynta hannaan doorasho dadban ee noocaas ahi ay dib-u-dhac ku tahay kobcinta dimuqraadiyadda curdinka ah ee Soomaaliya, waxay waafaqsan tahay soo-jeedinta dowladda iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka (oo ay ku jiraan qaar kamid ah dowlad goboleedyada). Sidoo kale, waa nooc doorasho oo la yaqaan.

Tani waxay abuureysaa fursad iskaashi. Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha Aqalka Sare labaduba waxay shaaciyeen kulamo u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Madaama ujeedku yahay in la helo hannaan doorasho oo laga wada shaqeeyo, in lagu dadaalo sidii loo suuragelin lahaa doorasho hufan lana yareeyo musuqmaasuqa ayaa ah fursadda taagan muhiimna u ah mustaqbalka.


Tixanaha Doorashada: doorashooyin baarlamaan iyo madaxweyne ayaa la filayaa in ay Soomaliya ka dhacaan dhammaadka 2020 iyo bilowga 2021. Waxa aan bilownay qormooyin tixane ah oo la xiriira doorashooyinka. Qormo kasta waxa ay falanqeyneysaa mowduuc la xiriira doorashada. Faalladan waa middii lixaad ee tixanaha. Somali Public Agenda waxa ay soo dhaweyneysaa talooyinka iyo fikradaha la xiriira doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Soomaaliya.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *