Coronavirus (COVID-19): Sababta ay Soomaaliya ugu baahan tahay dejinta qorsheyaal loogu diyaargaroobayo lagulana tacaalayo cudurka faafa

In ka badan 142,000 qofood oo ku kala nool 122 dal ayaa laga helay caabuqa COVID-19, 5,393 qofoodna waa ay u geeriyootay sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka  ee WHO.  Inkastoo kiisasku ku badan yihiin qaaradaha Aasiya, Yurub iyo Ameerika, ilaa hadda 105 qofood ayaa laga helay cudurkan qaaradda Afrika sida ay sheegtay Centre for Disease Control Africa. Waa hubaal in isku xernaanta qaaradaha dunida ay ka dhalan doonto in uu cudurkan ku faafo dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ee ku yaalla Afrika saameyn culusna uu ku yeelan doono.

Qofkii ugu horreeyay ee laga helay caabuqan Soomaaliya waxaa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 16-kii Maarso 2020. Waa qof Soomaali ah oo dhawaan kasoo laabtay dalka Shiinaha. Tirada guud ee dadka laga helay Afrika waxa ay ka dhigeysaa 106. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale joojiyey dhammaan duullimaadyada caalamiga ah laga bilaabo 18-ka Maarso muddo labo isbuuc ah.

Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee aan lahayn xuduudo adag, tahriibayaasha iyo ganacsigana isaga gooshaan, howlwadeenno calami ah iyo xoogag hubeysanna joogaan, suuragalnimada in uu cudurkan ku faafo dalka waa mid sarreysa sida ay sheegayaan khuburada caafimaadka ee ku takhasusay cudurrada faafa.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka ugu saboolsan dunida. Kaabayaasha caafimaadka waa daciif lamana awooddo in la bixiyo jawaab ku filan oo lagu maareeyo dhibaatada heerka baaxadda Covid-19.

Maqnaanshaha adeegyada muhiimka ah

Sababo kala duwan awgood, cudur baxaddan oo kale leh ayaa dhalinaya walwal hor leh ee la xiriira nidaamka caafimaad ee dalka waxana uu culeys weyn ku noqonayaa xirfadlayaasha caafimaadka guud ee Soomaaliya.

Ku dhawaad 30 sano oo colaado ah iyo caqabadaha amni ee hada jira ayaa nidaamka caafimaad u horseeday in uu burburo islamarkaana aanu awoodin inuu wax badan ka qabto cudurkan. Qalabka iyo barnaamijyada caafimaadka bulshada ee la isku caawiyo oo yar iyo tirada aqoonyahannada caafimaadka ee aqoonta u leh oo aad u yar ayaa ka dhigeysa helitaanka adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah mid aan macquul aheyn xitaa wakhtiyada ugu wanaagsan.

Shan meelood hal meel dadka Soomaaliyeed waxay barakac ku yihiin gudaha dalka waxayna ku tiirsan yihiin gargaarka caalamiga ah si ay u daboolaan baahiyaha nolosha ee aasaasiga ah. Qiyaastii toddobaatan boqolkiiba qoysaska Soomaaliyeed waxay ku nool yihiin wax ka yar laba doolar maalintii. Helitaanka adeegyada aasaasiga ah oo liita iyo heerka akhris-qoraal oo hooseeya ayaa dad badan oo Soomaaliyeed ka dhigaya kuwo khatar weyn ugu jirta Covid19.

Biyo la’aanta, fayadhowrka iyo adeegyada nadaafadda oo liita, iyo barakacayaasha tirada  badan ayaa ah walaac weyn. Dhaqanka caafimaad ee lagu xakameeyo faafidda cudurrada sida nadaafadda, ka fogaanta bulshada, iyo in guriga la joogo ayaanan suuragal ka ahayn goobaha ay ku nool yihiin barakacayaasha.

Caafimaadka liita oo ah natiijada ka dhalatay sanado badan oo  dagaallo sokeeye socdeen waxa ay kordhisay u-nuglaanta cudurrada. Sare-u-kaca u-adkaysiga ee cudurrada qaaxada, shubanka, daacuunka, iyo duumada ayaa dhamaantood ah waxyaabo daciifinaya nidaamka difaaca jirka waxana ay taasi qofka u nugleyneysaa coronavirus.

Magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, isbitaallada ma laha sariiro ku filan iyo khibrad iyo agab ay ku maareeyaan aafada baaxaddan leh. Intaa waxaa dheer, Soomaaliya ma lahan xarumo sheybaar oo lagu tijaabiyo laguna xaqiijiyo Covid-19, taasoo caqabad ku noqoneysa dadaallada mas’uuliyiinta caafimaadku ay uga jawaabaan caabuqa si waxtar leh.

Waxaan aragnay kiisas badan oo ka dhacay Afrika oo Covid-19 lagu sheegay in dadka laga helay ahayeen ajaanib.  Soomaaliya waxay martigelisaa kumannaan shaqaale caalami ah oo qeyb ka ah hawlgallo kala duwan oo militari, siyaasadeed iyo kuwa bani’aadamnimo sida AMISOM, UNSOM, diblomaasiyiin badan , iyo qandaraasleyaal caalami ah oo rayid iyo militariba leh. Howlwadeennadan dalka iyo dibaddiisa ayay isaga gooshaan waana khatar weyn oo xagga caafimaadka bulshada ah, taasoo ay adag tahay in la yareeyo.

Talooyin

Ka jawaabista caabuqa Covid-19 iyaddoo aanu jirin qorshe ku habboon ayaanan suurtagal noqon doonin marka la eego jilicsanaanta nidaamka caafimaad ee dalka Soomaaliya. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waa inay tixgelisaa tillaabooyinka soo socda si ay u xakameyso faafidda caabuqa Covid19.

  1. In la sameeyo guddi hawolwadeeno caafimaad oo ka kooban khubaro caalami ah iyo kuwo maxalli ah si dalka loogu diyaariyo xarumo looga hortago laguna xakameeyo faafida caabuqa Covid19.
  2. In la joojiyo safarrada howlwadeennada caalamiga ah ee ku nool Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo qeybaha kale ee dalka. Sidoo kale, in iskaashi lagala sameeyo hay’adaha caalamiga ah borotokoollada sida loo xaddido xiriirka ka dhexeeya shaqaalahooda dalka ku sugan iyo Soomaalida.
  3. In dhaqaale dheeraad ah loo qoondeeyo u diyaargarowga xaaladda degdegga ah, la-socoshada, borotokoolka maareynta, iyo waxbarashada dadweynaha iyo wacyigelinta.
  4. Diyaarinta xarun isku-dubarrid ee xaaladda degdegga ah ee Covid-19 iyo goobo karantiil oo magaalooyinka waaweyn laga sameeyo.
  5. U qorsheynta hal isbitaal in uu noqdo isbitaal koowaad ee la tacaalo caabuqa gobol kasta si loo daweeyo loona maareeyo kiisaska looga shakisan yahay gudaha dalka.
  6. In dowlad-goboleedyada la siiyo agab iyo qalab taageero loona diro khuburo si tillaabooyin ka hortag iyo xakameyn loo qaado.
  7. Hubinta helitaanka awoodda baaris ee dalka gaar ahaan magaalooyinka oo ay ku jirto qalabka ilaalinta qofka ee looga baahan yahay daryeelka bukaanka.
  8. In la xoojiyo la-socodka iyo raadraaca taabashada sida ku xusan borotokoolka WHO.
  9. Hawlgelinta xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ee daryeelka caafimaadka si ay u taageeraan wax-ka-qabashada cudurka.
  10. Kordhinta waxbarashada guud iyo wacyigelinta iyo sidoo kale diyaarinta khadka tooska ah ee qaranka si loogu taageero muwaadiniinta inay soo wacaan si ay u helaan macluumaad sax ah. Tani waxay muhiim u tahay in la hubiyo in argagax laga fogaado haddii uu cudurku faafo.

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya waxa ay bilowday howlo diyaarin iyo barnaamijyo wacyigelin ah oo loogu talagalay waxbarashada dadweynaha. Si kastaba ha noqotee, xaqiiqda kajirta dalka ayaa ah in ay baaxadda baahidu badan tahay, waxaana loo baahan yahay qaab degdeg ah oo ay hogaaminayaan khubaro Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah.

Dadweynaha waa inay ka digtoonaadaan halista imaan karta weliba qaab aan kordhineynin argagaxa. Wacyigelinta loo baahan yahay waa in dadka la gaarsiiyo xaqiiqooyinka Covid-19 iyo sida ay u saameyn doonto nolosha maalinlaha ah ee dadka, si ay qayb uga noqon karaan joojinta fiditaanka fayruska iyadoo la qaadayo tallaabooyin ka hortag macquul ah (tusaale ahaan, dhaqitaanka gacmaha, kafogaanshaha bulshada iwm).

Saameynta bulsho, siyaasad iyo dhaqaale ee Covid-19 waa mid ballaaran. Saamaynta dhaqaale waa in la yareeyaa iyadoo la dhiirigelinayo iskaashi xoog leh oo dhexmara dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si wax looga qabto burburka dhaqaale ee degdegga ah iyo kan wakhtiga fog.


Dr. Hodan Cali waa Isuduwaha Maamulka Gobolka Benaadir ee Kaalmada Bini’aadamnimada iyo Xalka Waara.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *