Shaqaaleysiinta Dhallinyarada: Tayo-yarida Tacliinta Sare Miyaa Ka Qeyb Qaadanayso Shaqo La’aanta Dhallinyarada Muqdisho?

Commentary

Soomaaliya waxa ay leedahay mid kamid ah shucuubta ugu da’da yar adduunka. Waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 70% dadka ku nool wadanka in ay da’doodu ka yar tahay 30 sano. Sikastaba ha ahaatee, 41% iyo 35% dhallinyarada da’doodu u dhexeyso 15-19 iyo 20-24 waa shaqo raadis. Iyada oo kala bar dhallinyarada ay da’doodu ka yar tahay 30 sano ay yihiin shaqo la’aan si joogto ahna u raadinayaan shaqo, qoysaskooda ayaa dhanka kale filashooyin waaweyn ka qaba maadaama ay jaamacado dhammeeyeen sanado badanna wax baranayeen.

Dhinaca kale, dalku waxa uu kasoo kabanayaa dagaal sokeeye oo daba dheeraaday kaas oo saameeyay dhinac walba, oo ay kamid tahay waxbarashada. Taasi waxa ay keentay in tayada waxbarashadu ay noqoto mid liidata, oo ay soo wajahdo caqabado adag sida yaraanta macallimiin tayo leh; la’aanta tababaro xirfadeed; yaraanta shaybaarada iyo kaabayaasha ku habboon waxbarasho casri ah; “badeecaynta” waxbarashada, iyo isku habboonaan la’aan ka jirta culuumta diiradda lagu saaro tacliinta sare iyo baahida xirfadeed ee suuqa shaqada.

Sido kale, sii jiritaanka waxbarashada tayadeedu  liidato waxaa gacan ka geysanaya la’aanta shuruuc lagu maamulo waxbarashada. Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si kumeelgaar ah u dhistay Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare sanadkii 2019 si uu u noqdo tallaabada ugu horreysa ee lagu hubinayo waxbarashada laguna waafajinayo heerarka waxbarasho ee caalamiga ah. Sikastaba ha ahaatee, guddigan ayaa weli ah mid aanay shaqadiisu miradhal ahayn marka loo eego heerka tayada tacliinta sare ee dalka ee hoos usii socota iyo cawaaqibka ay xambaarsantahay.

Sidaas darteed, xirfadaha iyo aqoonta ardayda kasoo qalin bedelata hay’adaha tacliinta sare ee dalka ayaa inta badan shaki la galiyaa. Arrintan awgeed, dadka qaar ayaa aaminsan in loo-shaqeeyeyaashu ay dadka dibadda wax kusoo bartay ka door bidaan kuwa gudaha wax ku bartay. Inkastoo inta badan jaamacadaha Soomaaliya ay ku yaallaan Gobolka Banaadir, hadana dhanka kale waxaa lagu tilmaamaa in tayada Waxbarashada ay bixiyaan intabadan jaamacadahaasi ay yihiin kuwo liidato.

Iyada oo arrintani jirto, ayaa Somali Public Agenda ay maalin Khamiis ah, 15-ka Sebteembar, 2022, qabatay madal looga hadlay saameynta tayada tacliinta sare ee Muqdisho ku leedahay fursadaha shaqo-helista dhallinyarada. Ka qeybgalayaasha madasha ayaa ka socday dhinacyo kala duwan waxaana kamid ahaa arday, dhallinyaro dhawaan ka qalin jebiyey jaamacadaha ku yaalla Muqdisho; loo shaqeeyayaal iyo xarumaha shaqaalaynta; xarumaha lagu barto farsamada gacanta; ururrada macalimiinta; ururrada jaamacadaha; xarumaha tababarrada; xarumaha hal-abuurka; iyo wakiilo ka socda Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xiriirka U Dhexeeya Tayada Tacliinta Sare iyo Shaqaaleysiinta

Fursadaha shaqaaleysiinta ardayda qalin-jebinta kadib waxa ay qeyb ahaan la xiriirtaa tayada tacliintooda sare. Xarumaha waxbarashada waxa ay ardayda baraan xirfado iyo aqoon si ay sare ugu qaadaan horumarkooda iyo fursadaha shaqaaleyntooda kadib marka ay qalin jebiyaan. Sida uu sheegay howlwadeen ka tirsan shaqaalaha mid kamid ah bangiyada ku yaalla Muqdisho oo madasha ka qeyb galay, arday badan oo ka qalin jebiyay jaamacado lagu tuhmo in tayada waxbarashadoodu liidato ayaa lagu reebaa marxaladaha hore ee hababka kala xulashada dadka la shaqaalaysiinayo.

Intaa waxaa dheer, sida lagasoo xigtay qaar kamid ah ka qeyb galayaasha madasha, loo-shaqeeyayaashu waxa ay raadiyaan dadka kasoo qalin jebiyay xaruumaha waxbarasho ee la aaminsan yahay in ay leeyihiin tayo waxbarasho oo sare. Waxay kaloo ku andacoodeen in ardayda wax kusoo bartay dalalka loo arko in ay leeyihiin nidaamyo waxbarasho oo tayo leh “si gaar ah loo tixgeliyo” kuna jiraan raadaarka shaqo-bixiyeyaasha raadinaya shaqaale cusub. Xaaladdan ayaa haddaba si gaar ah u saameysay suuqa shaqada ee Soomaaliya, waxayna faa’iido dheeraad ah siisay ardayda kasoo qalin jebiyay xaruumaha tacliinta sare ee dalka dibadiisa ku yaalla kuwaas oo loo arko in ay leeyihiin tayo waxbarasho oo sare.

Yaa Leh Eedda Tayo-xumida Waxbarashada iyo Shaqo La’aanta Dhallinyarada?

Dowladda Federaalka Soomaaliya: Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka ayaa ku guul darreysatay inay wax ka qabato tayada liidata ee xarumaha tacliinta sare. Intaa waxaa dheer, waddanku ma lahayn sanadihii hore xeer waxbarasho, halbeegyo, iyo nidaam waxbarasho oo mideysan. Inkastoo jaamacadaha badankoodu aysan ardayda u barin luqadda Ingiriisiga si wax-ku-ool ah inta lagu guda jiro waxbarashada, haddana luqaddan ayaa muhiim u ah suuqa shaqada, inta badanna lagu dhigaa maaddooyinka jaamacadaha lagu barto. Sidaa darted, fahamkaas yar ee luqadda wuxuu ku keenaa jahwareer iyo dib-u-dhac ku yimaada ardayda kadib marka ay qalin jebiyaan oo ay billaabaan raadinta fursada shaqo.

Waxaa intaa dheer, Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda federaalku awood badan kuma laha hay’adaha tacliinta sare. Sidaas darteed, jaamacadao gaarka loo leeyahay iyo xaruma kale oo tacliin sare ayaa si fudud looga furaa magaalada Muqdisho, mana jiraan shuruudo adag oo la raaco marka jaamacad cusub la hirgelinayo. Sidoo kale, Wasaaradda Waxbarashadu waxaa yar in ay bixiso tababaro ama sare u qaaddo aqoonta macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha iyo xarumaha tacliinta sare.

Sida uu ka qeybgale xusay, xarumahan waxbarasho ayaa sidaas darteed soo saara arday aan xirfad lahayn iyo kuwa liita oo aan lahayn xirfadaha looga baahan yahay suuqa shaqada. Sidaas awgeed, ajaanibta iyo ardayda dibadaha wax kusoo bartay ayaa ka faa’iidaysta booskaas bannaan. Dhinaca kale, ka qaybgalaha ayaa kusii dooday in iyadoo awalba shaqooyinku magaalada Muqdisho ay aad ugu yaraayeen, haddana suuqan shaqada ee tartanka xooggan uu ka jiro uu yahay mid dhinac usii riixaya ardayda wax ku baratay gudaha dalka, taasoo ugasii dareysa xaaladdooda shaqo la’aaneed.

Hay’adaha Tacliinta Sare: Sidoo kale, hay’adaha waxbarashada sare ayaa qeyb ahaan loo aaneynayaa liidashada tayada waxbarasho ee Muqdisho iyo shaqo la’aanta baahsan ee heysata dhallinyarada. Waxaa lagu eedeeyaa in inta badan xarumaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho aysan ardayda siin xirfado u sahlaya in ay u tartamaan fursadaha kooban ee shaqo ee suuqa ka jira sida xirfadaha dad-la-xiriirka iyo digital-ka. Taa beddelkeeda, hay’adaha tacliinta sare waxay bixiyaan maadooyin  fikrado guud (theory) u badan oo ka fog xaqiiqooyinka shaqo ee suuqa shaqada ka jira.

Intaas kadib ardayda waxa ay la kulmaan aduun ka duwan kii ay ku jireen muddadii waxbarashada marka ay ku biiraan suuqa shaqada. Iyaga oo wajahaya xaqiiqda dhabta ah ee jirta, waxa ay garawsadaan sida uu u ballaaran yahay farqiga u dhexeeya waxbarashadii jaamacaddeed ee ay soo qaateen iyo baahida xirfadeed ee suuqa. Waxaase murugo leh, in xaaladdani ay keento in qaar kamid ah dadka shaqo doonka ahi ay ka tanaasulaan raadinta fursadaha shaqo, oo ay fursadda u banneeyaan dhallinyaro kale oo kasoo baxay jaamacado kale oo dalka dibadiisa ku yaalla.

Dhanka kale, qaar kamid ah ka qeybgaleyaasha madasha SPA ayaa ku doodey in waxbarashada iyo hay’adaha tacliinta sare ee Muqdisho la “ganacsiyeeyay” oo ay noqdeen ganacsi aad faa’iido u sameeya. Taas ayaa waxa ay sababtay in hay’adaha waxbarashadu aysan aad uga taxaddarin tayada iyo hawlkarnimada macallimiintooda. Taa beddelkeeda, waxa ay raadiyaan dhammaan siyaabaha suurtagalka ah oo ay dakhli usoo saari karaan.

Intaa waxaa dheer, kuwa badan oo kamid ah xarumaha waxbarashada ee ku yaalla Muqdisho waxaa ka maqan xaruumo iyo barnaamijyo aad muhiim u ah, sida xarumaha horumarinta xirfadaha kuwaasoo ardayda ka caawin kara in ay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada iyo fahamka fursadaha ay heli karaan. Ugu dambeyntiina, hay’adahani waxay siiyaan ahmiyad aad u yar koorsooyinka tababarada xirfadaha iyo farsamada gacanta kuwaasoo muhiim u ah in ardaydu ay si sahalan u helaan xirfado looga shaqaaleysiin karo suuqa.

Ardayda: Qaar kamid ah ka qaybgalayaasha madasha ayaa tilmaamay in ardaydu ay qayb ka yihiin dhibaatada shaqo la’aanta, maadaama qaar badan oo kamid ah ay diiradda saaraan helitaanka shahaadooyinka halkii ay ku dadaali lahaayeen inay bartaan xirfadaha lagama maarmaanka ah iyo horumarinta naftooda. Intaa waxaa dheer, sida uu ka qeybgale sheegay, dadaalka ardaydu waxa uu ku jiheysan yahay shaqooyinka heerarka sare ah. Sidaas darteed, arday badan ayaa iska indha-tira shaqooyinka farsamada gacanta waxa ayna raadiyaan kuwo xirfadeed iyo kuwo maamul.

Sidoo kale, ka qaybgale kale ayaa ku dooday in inta badan ardaydu ay diiradda saaraan takhasusyo gaar ah, kuwaasoo ku abuuraya ciriiri suuqa shaqada qalin jebinta-kadib. Waxaa kaloo ay xustay in tirada badan ee ardayda ka qalin jabisay culuumta isku midka ah ay ka bateen suuqa shaqada, taasina ay keentay in arday badan la daalaa dhacayaan sidii ay shaqo u heli lahaayeen xitaa haddii ay leeyihiin xirfadaha lagama maarmaan u ah shaqooyinkaas. Sida ay sheegtay hay’adda Iftin Foundation, oo sanad walba daraasado ku sameysa ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jebisa jaamacadaha, 52.79% ardayda ka qalin jebisay 52 jaamacadood oo ku yaalla Soomaaliya ayaa sanadkii 2020 ka qalin jebiyay afar kulliyadood oo keliya oo kala ah: maamulka ganacsiga (xisaabta, kheyraadka aadanaha, bangiyada iyo maaliyadda) (15.10%), maamulka dadweynaha (14.65%), kalkaaliyenimo & umulin (12.94%), iyo cilmiga kombiyuutarka/IT & BIT (10.10%).

Talooyin

1. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waa in ay xaqiijisaa in Guddiga Tacliinta Sare uu si wax-ku-ool ah u shaqeeyo. Guddigan ayaa muhiim u ah tayada waxbarashada Soomaaliya. Sidoo kale, Wasaaraddu waa in ay si dhow u hagtaa, islamarkaana u nidaamisaa hay’adaha tacliinta sare ee dalka, waana in ay ka shaqeysaa in ay bixiyaan waxbarasho tayo leh, islamarkaana ay buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay in lagu maamulo hay’ad tacliin sare.

2. Waa in culuumta qaar ee lagu barto Jaamacadaha Muqdisho dib-u-eegis lagu sameeyo, dibna loo waafajiyo mudnaanta dalka iyo baahida suuqa, iyadoo culuumta kalena la hormarinayo, sidoo kalena lagu dhiirigeliyo ardayda in ay iska diiwaangeliyaan. Dhallinyaro badan ayaa sanado badan ku bixiya barashada takhasusyo aan ka turjumeynin baahida suuqa ama culuumta uu dalku u baahan yahay. Taas beddelkeeda, culuumta muhiimka u ah dalka, sida beeraha iyo kalluumeysiga, waa kuwo dayacan oo ay mudnaanta koowaad siinin jaamacadaha, ardaydana laguma dhiirigeliyo inay iska diiwaangeliyaan. Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddiga Tacliinta Sare waa in ay is waafajiyaan culuumta lagu barto machadyada tacliinta sare iyo xirfadaha suuqa laga rabo.

3. Waxaa aad loogu baahan yahay in dhallinyarada lagu wacyigeliyo in ay beddelaan aragtidooda ku wajahan suuqa shaqada iyo xirfadaha looga baahan yahay. Wax cusub ma aha in dhallinyarada iyo ardayda ay raadiyaan shaqooyin xirfad, shaqooyin maamul ama maareyn ah halka ay ka raadin lahaayeen shaqooyinka xirfadda gacanta ah. Taasi waxa ay keentay in dugsiyo kooban oo farsamada gacanta lagu barto sida alxanka, makaanikada, korontada, iyo dhismaha ay ku yaalaan Muqdisho, waana yar tahay in dhallinyaradu ku biiraan dugsiyadan. Waxa ay diidaan dhigashada dugsiyada farsamada gacanta lagu barto iyagoo u malaynaya in dadka dabaqadda hooseysa ah oo keliya ay yihiin kuwo loogu talagalay dhigashada dugsiyadaas iyo ka shaqaynta shaqooyinkaas.

4. Waa in machadyada waxbarashada sare, xarumaha shaqada iyo loo shaqeeyeyaasha ay is kaashadaan oo ay sameeyaan xiriir joogto ah. Xiriirka ka dhexeeya saddexdan dhinac ayaa ka caawin kara ardayda inay noqdaan kuwo ku qalabaysan xirfadaha iyo aqoonta suuqu u baahan yahay. Wadashaqeyn la’aanta dhexdooda ah waxay keeni kartaa in ay is-waafaqi waayaan culuumta iyo xirfadaha ay ardaydu ka barteen goobaha waxbarashada iyo xirfadaha iyo culuumta uu suuqu u baahan yahay.

5. Loo-shaqeeyayaashu waa in aanay ka eexan ardayda gudaha ka qalin jebiyey iyaga oo u sababeynaya in ay ka qalin jebiyeen xaruumo tayo hooseeya marka loo eego kuwa kasoo baxay xaruumaha ku yaalla dibadda; taas beddelkeeda, waa in la helaa habraacyo shaqo oo cadaalad ah, halbeegyana leh oo tartamayaasha shaqada siinaya fursado shaqo oo siman.

Maxamed Aadam waa isku-duwaha doodaha iyo cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *