Sida uu takoorku caqabad ugu yahay la-dagaallanka Coronovirus ee Soomaaliya

16-kii Maarso 2020, Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee COVID-19 ee Soomaaliya laga helay. Iyadoo laga jawaabayo, lagana hortagayo faafitaanka fayraska, waxa ay dowladda soo rogtay xannibaado ay kamid yihiin joojinta duullimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah, xeritaanka iskuullada, jaamacadaha iyo Madarasadaha Qur’aanka, waxayna ugu dambeyn soo rogtay bandoow habeenkii ah oo dhaqan galkiisu bilowday 15-ka Abriil. Inkastoo talaabooyinkan la qaaday, haddana fayrasku wuxuu ku fiday Muqdisho. Qofkii ugu horreeyay ee u dhinta Coronavirus 8-dii Abriil wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo aan horey safar u galin, tasoo si cad u muujineysa in uu bulshada cudurku ku faafay. Fayrasku wuxuu ugu faafayaa Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka si xawli ah, mana jiro awood dowladeed oo lagu raadiyo xiriirrada ay sameeyeen dadka cudurka ku dhacay iyo dadkii ay la macaamileen.

Xiliga maqaalkan la daabacay oo ah May 1, wadarta kiisaska la diiwaan geliyay ee dalka oo dhan waa 601 qofood, oo 542 qofood ay yihiin kuwo uu weli cudurku hayo, 28 dhimasha ah iyo 31 qof oo soo bogsaday. Dadka laga helay badankood (533 qofood) waxay ku sugan yihiin Muqdisho, halka kiisaska kale ee la xaqiijiyay ay yihiin Jubaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Soomaaliland. Inta badan kiisaskaas waxaa la baaray bishii Abriil, taasoo muujineysa kororka awoodda waxbaariis ee dowladda.

Waxaa si weyn loo rumeysan yahay in tiradu ay aad uga badan tahay 542-da qofood ee diiwaangashan, iyo in dadka uu ku dhacay fayraska ee bulshada dhexdeeda ku jira ay qarinayaan iyagoo ka baqaya inay bulshadda kala kulmaan ceebayn iyo takoor.

COVID-19 iyo Takoorka Bulshada

Marka loo eego dhaqanka Soomaalida, way ku adag tahay dadka in ay aqbalaan in si gooni ah loo karantiilo, taasoo hadda ah dariiqa ugu haboon ee looga hortagi karo faafitaanka coronavirus. Sidoo kale marka la fiiriyo sooyaalka Soomaalida oo dadka qaarkood lagu takaaro sababo ay kamid yihiin shaqadooda, qabiilkooda, iyo heerkooda dhaqan-dhaqaale, dadku waxay ka baqayaan in la takooro ama laga fogaado haddii ay sheegaan inuu ku dhacay fayraska ama ay dareemaan astaamaha cudurka qaarkood.

Mid kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu joojin karo faafitaanka COVID-19 waa karantiil. Laakiin dad badan oo Soomaali ah ma jecla in la karantiilo. 14-kii Abriil, wargeeska Daily Nation ee Kenya laga leeyahay ayaa soo weriyey in 32 qofood oo Soomaali ah ay ka baxsadeen xarun karantiil oo ku taal Elwak Kenya. Sidoo kale, labo qofood oo laga helay COVID-19 ee ku sugnaa magaalada Kismaayo, islamarkaana karantiil ku jiray ayaa ka baxsaday xaruntii lagu hayay 15-kii Abriil.

Dad badan oo qaba astaamaha fayrasku uma sheegaan qofna si ay uga badbaadaan in la takooro ama la karantiilo. Tani lafteedu waxay leedahay saameyn nafsaani ah, maadaama nolosha Soomaalida ay tahay mid bulsho isku furan ah islamarkaana dadku ay mudnaanta siiyaan booqashada, iska warhaynta iyo dhiirrigelinta kuwa dhibaatooyinka la kulma. Haddii mid kamid ah qoyska uu soo rito fayraska COVID-19, way adag tahay in lagu qanciyo qoyska intiisa kale in ay go’doomiyaan qofka ama karantiil geliyaan. Intaa waxaa sii dheer, Soomaali badan ayaa qarinaya xaqiiqda ah in iyaga ama waalidkood ama ehelladooda uu ku dhacday Coronavirus sababtoo ah haddii ay dhintaan, waxay rabaan in la aaso iyadoo la raacayo habka suubban oo ay Diinta Islaamku farayso in loo duugo dadka Islaamka ah. Haddaba, dad badan waxay ka cabsanayaan ceebaayn iyo in qofkooda si nidaamsan oo maamusan aan loo aasin. Tani waxay ka dhigan tahay in mar kasta oo ay dad u dhintaan fayraska, in dad badan oo kamid ah bulshada ay ka qaadi karaan fayraska xiriirka iyo macaamilka ay la sameeyaan dadka kale ee aaska yimaada. Sidaas awgeed, waxaa suuragal ah inay dhaliso in  uu fayraska ugu fido bulshada dhexdeeda si xadka ka baxsan.

Xaaladahan oo dhan waxay marag u yihiin xaqiiqada ah in fayrasku durba dhexdeenna ugu fiday heer aad uga sarreeya inta ay Wasaaradda Caafimaadka baartay, soona werisay. Takoorka la xiriira COVID-19 ee ka jira Soomaaliya ayaa lamid ah cudurro badan oo ay Soomaalida qarsadeen islamarkaana takooreen dadka qaba sida cudurrada qaaxada iyo HIV/AIDS, oo dadka qabaa ilaa iyo hadda aysan si furan u shaacin karin.

Saameynta

Dhaqan ahaan, waxaa ay u badan tahay in aanay suurtagal ahayn in qofka Soomaaliga ahi ay ka fogaadaan qoyskiisa ama kuwa jecel cudurka uu qabo dartiis.  Tani ayaa ka dhigan in si aan ula kac aheyn aan u waxyeeleyneyno caafimaadkooda iyo caafimaadka kuwa kale. Xaaladdan ayaa ka qeyb qaadan karta in uu si ballaaran ugu faafo fayraska bulshada dhexdeeda. Intaa waxaa dheer, Soomaaliya oo aanan laheyn awood ku filan ee daryeel caafimaad iyo ilo dhaqaale oo ay ku xakameyso faafitaanta fayraska: tusaale ahaan, marka laga eego qalabka baarista, karantiilka, gacma dhaqitaanka / fayadhowrka, iyo qalabka kahortaga ama difaaca qofka. Sidoo kale, majirto awood lagu daba galo xiriirrada ama istaabashada dadka cudurka qaba sameeyeen.

Muqdisho guhadeeda, dad badan ayaa ka cabanaya madax xanuun daran, xanuun kala gosyada ah, qufac daran, luminta dareenka wax urinta iyo dhadhanka iyo cunno xumo (raashiin qaadasho la’aan). Calaamadahaan badankood waxaa ay lamid yihiin kuwa COVID-19. Mararka qaar kuwa uu ku dhaco cudurka Coronavirus ayaa ka qariya dadka kale in ay isku arkeen calaamadahaan. Sikastaba ha noqotee, tani waxa ay si cad u muujineysaa in dadku aysan raadineynin daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka ah islamarkaana aysan u socon ama rabin in la baaro sababtoo ah cabsi ay ka qabaan inay la kulmaan luminta qabkooda iyo qiimaha ay bulshada ku dhex leeyihiin haddii ay soo bandhigaan xaqiiqda ah in ay cudurka qabaan.

Waxaa sidoo kale jirta in dadka ku dhex xirta fool-saabka (face mask) magaalada gudaheeda ay wajahayaan takoor waxaana loo arkaa sida ‘in ay fayraska qabaan ama aanan rumeysneyn qadarta’. Takoorta iyo faquuqa noocan ahi waxay dad badan ka niyad jabinayaan inay qaadaan tillaabooyin caqli-gal ah oo la xiiriira ilaalinta naftooda waxayna u horseedi karaan inay qaadaan cudurka ama dadka kale ay qaadsiiyaan.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah dhaqaatiirta caafimaadka, isbitaallada Muqdisho ma aqbalaan dadka ay uga shakiyaan in ay qabaan fayraska, maxaa yeelay waxa ay ka baqayaan in fayraska uu wax yeeleeyo bukaannada horey loo qaabbiley. Isbitaalo kale ayaa sidoo kale iyaguna qariya xaqiiqda ah inay uga shakiyaan bukaannadooda COVID 19, maxaa yeelay waxa ay ka baqayaan inay lumiyaan macaamiishooda.

Xal-u-helidda Takoorka

Si loola dagaallamo fayraskan, waxaa muhiim ah in hogaamiyeyaasha diinta laga qeybgeliyo si loo helo aqbalaadda bulshada. Waa in la abaabulo culimada si looga hortago khuraafaadka ah in fayraskan uusan saameyn ku yeelan karin Muslimiinta, oo ah fikrad khaldan oo ay qabaan qaar kamid ah Soomaalida.

Saraakiisha caafimaadku sidoo kale waxay u baahan yihiin inay caddeeyaan khataraha fayraska uu u leeyahay dadweynaha iyo inay beeniyaan xogaha caafimaad ee khaldan. Ilaa iyo xad, Wasaaradda Caafimaadka wacyigelin way sameyneysaa, laakiin fariimaheeda ayaanan laheyn faahfaahin sida meelaha halista badan leh ee uu ka jira Muqdisho ama gobollada kale, iyo dadaalkooda ku doonayaan raad-raaca dadka qaba dadkii ay xariirka la sameeyeen.

Sidoo kale, shakhsiyaadka saameynta ku leh warbaahinta bulshada, waxgaradka, iyo saraakiisha dowladda waa in ay kaalin muhiim ah ka ciyaaraan la dagaallanka xogaha khaldan iyo takoorka  dadka uu cudurku saameeyay. Hayeeshee, olole baraha  bulshada ah kuma filnaan doono wacyigelinta, maadaama tirada Soomaalida internet-ka isticmaasha ay aad u yar yihiin inta badanna ku nool yihiin magaalooyinka. Intaa waxaa dheer, in ka badan nus milyan barokacayaal ah, oo si gaar ah ugu nugul cudurkan, ayaa ku nool magaalada Muqdisho oo keliya islamarkaana aan si wax-ku-ool ah loogu gaari karin olole wacyigelin oo internet-ka loo isticmaalo.

Dadka fayraskan aqoonta u leh ayaa kaalin fiican ka qaadan kara la dagaalanka takoorka, taasina waxay yareyn kartaa in dadka la faquuqo. Xoojinta farriimaha wacyi-gelinta iyo u muujinta taageero iyo u naxariis kuwa aadka u nugul waxay noqon doontaa fursadda keliya ee looga adkaan karo  takoorka iyo xogaha khaldan

Ka sokow in dhaqan fiican oo lagu daydo la sameeyo, takoorka la xiriira cudurka coronavirus waxaa lagu yarayn karaa soo bandhigidda sheekooyinka dadka cudurka qaba ee ku nool bulshada dhexdeeda. Ka sheekeynta waaya-aragnimadooda dadka uu ku dhacay waxay yeelan doontaa faa’iido – waxayna dadka kale ugu baaqi karaan inay ka fogaadaan ficillada uu ku faafayo cudurka. Farriinta dadka noocaas ah waxay u baahan tahay in la xoojiyo, si dadku si adag ugu hoggaansamaan taxaddarka caafimaad.

Ugu dambayntiina, si loo yareeyo waxyeelada fayraskan sii kordheysa, waa in aan ka hortagnaa sheekooyinka been abuurka ah. Ma ahan ceeb in uu qof ku dhaco fayras cusub oo aysan jirin qof difaac u leh. Waa masuuliyad bulsho inaan ka hortagno falkan innagoo muujineyna jaceyl, taageero iyo ka-qeybgal bulsho.


Maxamed Irbad waa Cilmibaare iyo Isu-duwaha Barnaamijyada ee Somali Public Agenda.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *