Posts

Examining the impact of COVID-19 on higher education in Mogadishu

Soon after the first few cases of COVID-19 were confirmed in Somalia, schools and higher education institutions were forced to close down their campuses in a bid to reduce infections. Universities explored online teaching as an alternative approach to continue teaching and learning. This governance brief explores how COVID-19 impacted the higher education sector in Mogadishu. The brief puts special emphasis on universities’ shift to online instruction; how the teaching of arts, social science as well as science, technology, engineering, and maths (STEM) disciplines are affected; issues around digital divides; financial hardships of universities; online teaching challenges; and exams integrity. The paper concludes with policy considerations including universities to invest in Edtech; observe exam integrity; and to look for other sources to reduce dependence on students’ tuition fees and maintain operations.

Download the full governance brief

Kadib markii kiisaskii ugu horreeyay ee COVID-19 laga xaqiijiyey Soomaaliya, iskuullada iyo jaamacadaha waxaa lagu qasbay in ay xiraan xarumahooda si loo yareeyo faafidda fayraska. Jaamacaduhu waxay sahminayeen waxbarista internet-ka si aanay u joogsan waxbarashada. Faalladan waxay baareysaa sida uu COVID-19 u saameeyay jaamacadaha Muqdisho. Warbixintu waxa ay si gaar ah xoogga u saareyaa u weecashada jaamacadaha ee waxbarista internet- ka; sida culuumta arts-ka, cilmiga bulshada iyo seyniska, tiknooloojiyadda, injineeriyada, iyo xisaabtu u saameeyay COVID-19; arrimaha ku saabsan u sinnaan la’aanta isticmaalka tiknooloojiyadda; dhibaatooyinka maaliyadeed ee jaamacadaha; iyo caqabadaha waxbarista internet-ka; iyo hufnaanta imtixaannada. Faalladu waxa ay ku talineysaa in jaamacaduhu maalgashadaan tiknooloojiyadda; ilaalinta hufnaanta imtixaanka; iyo in la raadiyo ilo dhaqaale kale si loo yareeyo ku tiirsanaanta jaamacadaha ee lacagaha ardeyda laga qaado.

Soo rogo warbixinta oo dhameystiran

Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaargaroobeysaa la tacaalidda COVID-19?

Qofkii ugu horreeyay ee laga helay caabuqan Soomaaliya waxaa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 16-kii Maarso 2020 kaasoo ahaa arday Soomaali ah oo dhawaan kasoo laabtay dalka Shiinaha.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale joojiyey dhammaan duullimaadyada caalamiga ah laga bilaabo 19-ka Maarso muddo labo isbuuc ah.

Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee aan lahayn xuduudo adag, tahriibayaasha iyo ganacsigana isaga gooshaan, howlwadeenno calami ah iyo xoogag hubeysanna joogaan, suuragalnimada in uu cudurkan ku faafo dalka waa mid sarreysa sida ay sheegayaan khuburada caafimaadka ee ku takhasusay cudurrada faafa.

Podcast-gan waxaa marti noogu ah Qaasim Cabdi Jimcaale oo ah sii-hayaha Agaasimaha Machadka Qaran ee Caafimaadka. Waxa aan ka wareysannay sida ay muhiim ugu tahay Soomaaliya dejinta qorsheyaal loogu diyaargaroobayo lagulana tacaalayo cudurka covid-19.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Coronavirus (COVID-19): Sababta ay Soomaaliya ugu baahan tahay dejinta qorsheyaal loogu diyaargaroobayo lagulana tacaalayo cudurka faafa

In ka badan 142,000 qofood oo ku kala nool 122 dal ayaa laga helay caabuqa COVID-19, 5,393 qofoodna waa ay u geeriyootay sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka  ee WHO.  Inkastoo kiisasku ku badan yihiin qaaradaha Aasiya, Yurub iyo Ameerika, ilaa hadda 105 qofood ayaa laga helay cudurkan qaaradda Afrika sida ay sheegtay Centre for Disease Control Africa. Waa hubaal in isku xernaanta qaaradaha dunida ay ka dhalan doonto in uu cudurkan ku faafo dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ee ku yaalla Afrika saameyn culusna uu ku yeelan doono. Read more

Coronavirus outbreak (COVID-19): Why Somalia needs to institute a rigorous pandemic preparedness and response plans

There are now more than 142,000 cases of COVID-19 in 122 countries, and 5,393 people have died according to the World Health Organization (WHO).  While the number of cases have surged in Asia, Europe, and the Americas, to-date only 105 cases have been recorded in Africa according to the Centre for Disease Control Africa. However, it is highly likely that in an interconnected world the virus will spread to low and middle-income countries (LMIC) in Africa but with potentially a far deadlier impact. Read more