Posts

Evaluating the Governance of the Covid-19 Response in Somalia: A Call for Inclusive and Transparent Decision-making

The Covid-19 pandemic spread across Somalia and again exposed the fragility of public institutions. There are limited laboratories that can be used to test the Covid-19 samples. The number of samples tested was minimal in number, and the positive, recovered, and death numbers reported likely do not reflect the actual number of people who contracted the virus and the actual deaths from the coronavirus. The national Covid-19 response was understandably minimal, and was/is only limited to Mogadishu, the seats of regional states, and few other major towns. Although some governance measures were employed by the federal government and federal member states, these measures were poorly enforced due to the weak enforcement capacity of public institutions. There have been some financial and in-kind support to Covid-19 response, but transparency and accountability mechanisms relating to how these resources have been used are not clear. The Covid-19 pandemic became one among many pressing priorities for the recovering public sector institutions in Somalia, and one key lesson from the pandemic relates to the need for investment in both governing institutions and the delivery of public services. The pandemic may come to an end, but it could inspire leaders to invest more in increasing access to and quality of public services in Somalia.

Download the full report here

Cudurka safmareenka ee Covid-19 wuxuu ku faafay Soomaaliya oo dhan wuxuuna mar kale kashifay jilicsanaanta hay’adaha dowliga ah. Waxaa jira shaybaarro yar oo loo isticmaali karo in lagu baaro cudurka Covid-19. Tirada dadka la baaray ayaa tiro ahaan aad u yaraa, tirada laga helay, iyo tirada dhimashada ee la soo sheegay waxay u egtahay inaysan ka tarjumaynin tirada dhabta ah ee dadka uu ku dhacay fayraska iyo dhimashada dhabta ah ee uu sababay coronavirus. Guddiga heer Qaran ee Covid-19 tamartiisu waxay ahayd mid aad u yar,  kaliyana ku eg Muqdisho, caasimadaha dowlad-goboleedyada iyo magaalooyin kale oo waaweyn. Inkastoo dhowr tallaabo oo maamul ay ku dhawaaqeen dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, haddana tallaabooyinkan si liidata ayaa loo dhaqan geliyey sababtoo ah awoodda fulinta ee hay’adaha dowladda ayaa daciif ah. Waxaa jiray xoogaa taageero maaliyadeed iyo mid agab ah oo loogu tala galay la tacalida xaladda Covid-19, balse daahfurnaan badan ma jirin qaabka islaxisaabtankana ma ahayn mid cadaynaya sida wax loo isticmaalay. COVID-19  wuxuu noqday mid kamid ah arrimaha culus ee mudnaanta ay siiyeen hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Hal cashar oo muhiim ah oo laga bartay musiibada ayaa la xiriirta baahida loo qabo dhisidda hay’adaha dowliga ah iyo gaarsiinta adeegyada bulshada. Aafada waa lasoo afjari karaa, laakiin waxay ku dhiirigelin kartaa hoggaamiyeyaasha inay maalgeliyaan kordhinta helitaanka iyo tayada adeegyada bulshada ee Soomaaliya.

Soo rogo warbixinta oo dhameystiran

 

Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaargaroobeysaa la tacaalidda COVID-19?

Qofkii ugu horreeyay ee laga helay caabuqan Soomaaliya waxaa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 16-kii Maarso 2020 kaasoo ahaa arday Soomaali ah oo dhawaan kasoo laabtay dalka Shiinaha.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale joojiyey dhammaan duullimaadyada caalamiga ah laga bilaabo 19-ka Maarso muddo labo isbuuc ah.

Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee aan lahayn xuduudo adag, tahriibayaasha iyo ganacsigana isaga gooshaan, howlwadeenno calami ah iyo xoogag hubeysanna joogaan, suuragalnimada in uu cudurkan ku faafo dalka waa mid sarreysa sida ay sheegayaan khuburada caafimaadka ee ku takhasusay cudurrada faafa.

Podcast-gan waxaa marti noogu ah Qaasim Cabdi Jimcaale oo ah sii-hayaha Agaasimaha Machadka Qaran ee Caafimaadka. Waxa aan ka wareysannay sida ay muhiim ugu tahay Soomaaliya dejinta qorsheyaal loogu diyaargaroobayo lagulana tacaalayo cudurka covid-19.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Coronavirus (COVID-19): Sababta ay Soomaaliya ugu baahan tahay dejinta qorsheyaal loogu diyaargaroobayo lagulana tacaalayo cudurka faafa

In ka badan 142,000 qofood oo ku kala nool 122 dal ayaa laga helay caabuqa COVID-19, 5,393 qofoodna waa ay u geeriyootay sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka  ee WHO.  Inkastoo kiisasku ku badan yihiin qaaradaha Aasiya, Yurub iyo Ameerika, ilaa hadda 105 qofood ayaa laga helay cudurkan qaaradda Afrika sida ay sheegtay Centre for Disease Control Africa. Waa hubaal in isku xernaanta qaaradaha dunida ay ka dhalan doonto in uu cudurkan ku faafo dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ee ku yaalla Afrika saameyn culusna uu ku yeelan doono. Read more

Coronavirus outbreak (COVID-19): Why Somalia needs to institute a rigorous pandemic preparedness and response plans

There are now more than 142,000 cases of COVID-19 in 122 countries, and 5,393 people have died according to the World Health Organization (WHO).  While the number of cases have surged in Asia, Europe, and the Americas, to-date only 105 cases have been recorded in Africa according to the Centre for Disease Control Africa. However, it is highly likely that in an interconnected world the virus will spread to low and middle-income countries (LMIC) in Africa but with potentially a far deadlier impact. Read more