Posts

Doorasho toos ah mise doorashadii dadbaneyd oo la hormariyey? Falanqeyn ku saabsan xeerarka doorashada

7-dii bishii Juun, guddiga baarlamaanka ee ka koobnaa 17-ka xubnood loona xilsaray diyaarinta xeerarka sharciga doorashooyinka waxa uu labo xeer u gudbiyey guddoonka labada aqal ee baarlamaanka si looga doodo loona ansixiyo. Xeerka koowaad oo ka kooban 5 cutub iyo 9 qodob waxa uu qeexayaa deegaan-doorashada kuraasta, qoondada dumarka, iyo metelaadda gobolka Benaadir. Xeerka labaad oo ka kooban 12 qodob waxa uu qeexayaa hannaanka doorasho ee xildhibaannada Soomaaliland (ama gobollada waqooyi). Read more