Posts

Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2021 loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa 29-kii bishii Diseembar 2020 (labo maalin kadib markii uu muddo xileedkisa dhammaaday 27-dii Diseembari) meelmariyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2021-ka. Wadarta miisaaniyadda loogu talagalay sanad maaliyadeedka 2021-ka waa $671 malyan. Tani waxa ay $195 malyan ka badan tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo aheyd $476 million, taasoo ayada lafteeda $132 malyan ka badneyd sanad maaliyadeedkii 2019-ka oo ahaa $344 million. Read more

Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2019 loo qorsheeyay hay’adaha garsoorka, adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya

Maalintii ugu dambeysay ee sanadkii 2018, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2019 ee dowladda federaalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda. Wadarta guud ee miisaaniyadda sanadka 2019 ayaa ah $344 malyan. Waxa ay $70 malyan ka badan tahay miisaaniyaddii sanadkii hore oo ahayd $274 malyan. Waa koror badan marka la barbar dhigo sanadihii hore: miisaaniyaddii sanadkii 2018-ka waxa ay $14 malyan oo kaliya ka badnayd miisaaniyaddii 2017 oo ahayd $260 malyan. Read more

Somali Public Agenda

Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2018 loo qorsheeyay adeegga bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya

Miisaaniyadaha waxa ay muujiyaan qeybaha ay dowlad waliba mudnaanta siineyso sanad-miisaaniyadeed kasta. Haddaba sidee ayay miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2018 mudnaan u siineysaa qeybaha adeegga bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha? Read more