Posts

Coronavirus (COVID-19): Sababta ay Soomaaliya ugu baahan tahay dejinta qorsheyaal loogu diyaargaroobayo lagulana tacaalayo cudurka faafa

In ka badan 142,000 qofood oo ku kala nool 122 dal ayaa laga helay caabuqa COVID-19, 5,393 qofoodna waa ay u geeriyootay sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka  ee WHO.  Inkastoo kiisasku ku badan yihiin qaaradaha Aasiya, Yurub iyo Ameerika, ilaa hadda 105 qofood ayaa laga helay cudurkan qaaradda Afrika sida ay sheegtay Centre for Disease Control Africa. Waa hubaal in isku xernaanta qaaradaha dunida ay ka dhalan doonto in uu cudurkan ku faafo dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ee ku yaalla Afrika saameyn culusna uu ku yeelan doono. Read more

Somali youth employment crisis

Somalia has a very youthful population. Fragile and weak public institutions, insecurity, poor infrastructure and lack of decent employment opportunities has left many youths unemployed, underemployed or working in vulnerable conditions.  Employment opportunities are limited, and selection is often not competitive. This governance brief is based on discussions with youth in Mogadishu. It examines the causes of and consequences of the youth employment crisis. It concludes with a number of policy options and recommendations.

Download the full governance brief

Shacabka Soomaaliyeed waxaa u badan dhalinyaro. Hay’adaha dowladda oo ay awooddoodu yartahay, amni xumo, kaabayaashii oo burbursan, iyo fursado badan oo shaqo oo aanan jirin ayaa ka dhigay dhalinyaro badan kuwo shaqo la’aan ah ama ku shaqeeya xaalado adag. Fursadaha shaqo waa ay yar yihiin, xulashada shaqaalahana tartan furan kuma saleysna. Warbixintan waxa ay falanqeyneysaa sababaha keena dhibaatooyinka shaqo ee heysta dhalinyarada, waxyaabaha ka dhasha. Waxa ay warbixintu kusoo gunaanadeysaa talooyin tixgelin mudan.

Soo rogo warbixinta oo dhameystiran

Soomaaliya: Muhiimadda Maalgelinta Dowladaha Hoose

Si hay’adaha dowladda u noqdaan kuwo ay shacabku aaminaan kalsoonina ku qabaan, dowladda Soomaaliya iyo taageerayaasheeda caalamka waa in ay ka jawaabaan baahida shacabka ee dhinacyada jiheynta siyaasadda iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah.