Posts

Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2020 loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya

Maalintii ugu dambeysay bishii Diseember 2019, kulan wadajir ah oo ay wada yeesheen xubnaha  Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2020. Waa markii ugu horreysay tan iyo markii la aasaasay ee uu Aqalka Sare ka qeyb qaato ansixinta miisaaniyadda qaranka. Halkudhigga miisaaniyadda sanadkan waa ‘xoojinta kobaca dhaqaalaha iyo amniga’. Read more