Madasha Public Agenda Forum, SPA ee Somali Public Agenda ayaa qabatay madal lagu falanqeynayay kaalinta ay ururrada iyo xisbiyada mucaaradka ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo doorashooyinka.
Madasha oo lagu iftiimiyay caqabadda ka taagan in la is waafajiyo xisbiyo, aragti siyaasadeed iyo qabiil ayaa waxaa marti ku ahaa Dr. Cabdifataax Daahir oo horay usoo noqday xildhibaan heer federaal kana faallooda arrimaha siyaasadda iyo Dr. Maxamed Xuseen (Dr. Liibaan) oo tirsan bulshada rayidka. Aqoonyahanno iyo arday jaamacadeed ayaa madasha kasoo qeyb galay.
Madasha Public Agenda Forum, SPA ee Somali Public Agenda ayaa dhawaan qabatay madal lagu gorfeynayay ‘Doorka Bulshada Rayidka ah Iyo Warbaahinta ee Taageeridda Isla-Xisaabtanka ku Aaddan Howlaha Gargaarka Bini’aadminimo ee Soomaaliya’. Madasha waxaa marti ku ahaa Abukar Albadri oo ah qoraa iyo khabiir arrimaha warbaahinta iyo Ibraahim Jibriil Cumar oo ahaa cilmi-baaraha hogaaminayay cilmi-baarista.
Madasha Public Agenda Forum ee Somali Public Agenda ayaa qabatay madal lagu gorfeynayey canshuurta 5% ee iibka. Waxaa madasha marti ku ahaa Agaasimaha Guud ee Agaasinka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Maxamed Xaashi iyo Cabdullaahi Maxamed Aadan oo ah dhaqaaleyahan sidoo kalena ah madaxa qeybta dhaqaalaha ee Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Culuumta Maamulka ee Jaamacadda Muqdisho.
Madasha waxaa ka soo qaybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana si qoto-dheer loogu faaqiday shuruucda lagu saleeyay cashuurtan, habka loo qaadayo, waxa ay ka beddeli karto dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dowladda, iyo sidoo kale caqabadaha ka dhashay hirgelinta canshuurta iibka.
Halkan ka daawo muuqaalka madasha oo dhammeystiran.