Somali Public Agenda ayaa fiidnimadii Axadda ee April 19, 2026, ku qabatay magaada Dhuusamareeb ee caasimada Dowlad-Goboleedka Galmudug munaasabad lagu soo bandhigayay warbixin ay ka qortay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada bishii Diseembar, sanadkii 2025, kaa oo ay qeyb ka ahaayeen duqa magaalada iyo dadweynaha.
Madasha SPA Forums ee Somali Public Agenda (SPA) ayaa magaalada Qardho ku qabatay madal dood-wadaag iyo su’aalo-weydiin isugu jirtay, taas oo ay ku kulmeen Maayarka Dowladda Hoose ee Degmada Qardho, Abdi Saciid Qaal, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madashan ayaa ujeedkeedu ahaa xoojinta ka-qaybgalka shacabka ee ka doodista qorshayaasha iyo waxqabadka Dowladda Hoose.
Madasha SPA Forums ee Somali Public Agenda ayaa magaalada #Boosaaso ku qabatay madal loogu talagalay in ay si furan isugu wareystaan kuna kala warqaataan Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso iyo dadweynaha magaalada.