Qeybtan wadasheekeysiga ah waxaa marti ku ah Raysalwasaare Kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saalax Jaamac. Waxa xiriirinaya Agaasimaha Fulinta ee Somali Public Agenda, Mahad Wasuge.
Qeybtan oo ah dood-wadaagga 4-aad ee Somali Governance Forum 2026 waxa diiradda lagu saaray aalinta xarumaha cilmibaarista & dalladaha bulshada rayidka ee doorashooyinka. Dooddan waxaa marti ku ah Dr. Zaima Abdullahi, Guddoomiyaha Golaha Sare ee IRAD, Abdullahi Shafi Mohamed, Agaasimaha Juba Valley Institute, Sumaya Abdulkadir Sheikh Mohamud, Cilmibaare ka tirsan Heritage Institute, iyo Abdifatah Ali Farah, Guddoomiyaha JUNSAA.
Qeybtan oo ah hadal-jeedinno kookooban waxaa lagu soo bandhigayaa mowduucyo ku saabsan:
1. Daraasad ku saabsan aragtida dadweynaha ee ku aaddan doorashooyinka, sharciyadda, iyo dowladnimada Soomaaliya.
2. Metelaadda haweenka ee doorashooyinka Soomaaliya
3. Doorka warbaahinta ee doorashooyinka
4. Habraaca kumeelgaarka ah ee loo marayo hannaan doorasho isku dhafan
5. Fahamka bulshada Soomaaliyeed