Review of Somalia’s draft national election bill

Governance Briefs
Review of Somalia’s draft national election bill

The National Electoral Bill is currently under parliamentary review. Once approved, the law will be the foundation for one-person-one-vote (OPOV) national elections scheduled to take place in Somalia in late 2020 and early 2021. The bill consists of 7 chapters and 61 articles and discusses issues of electoral design, management processes, voter registration, candidate eligibility, regulations for election campaigning, voting processes and vote counting, among others. This governance brief critically reviews technical issues of election design contained in the bill, including voter registration, seat allocation, announcement of election results, dispute resolution mechanisms, independence of NIEC, and election observation. It also makes broader comment on the framework for democratic governance in Somalia (election of the President, election of the Upper House, and election delays) and puts forward options for policy consideration.

Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxa uu ku jiraa dib-u-eegista baarlamaan. Marka la ansixiyo, sharciga waxaa uu aasaas u noqon doonaa doorashoooyinka qaran ee qof iyo codka ah ee la qorsheynayo in ay ka dhacaan Soomaaliya dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021. Sharcigu waxaa uu ka kooban yahay 7 cutub iyo 61 qodob, waxaa uuna ka hadlayaa arrimaha qaabeynta doorashada, hababka maamulka, diiwaangelinta cod bixiyeyaasha, musharaxnimada, ololaha doorashada, hababka cod bixinta, iyo cod tirinta. Faalladaan kooban waxa ay si faahfaahsan qiimeyn ugu sameyneysaa arrimaha farsamo ee qaabeynta doorashada ee ku jira sharciga oo ay ka mid yihiin diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha, qoondeynta kuraasta, ku dhawaaqista natiijooyinka doorashada, xallinta murannada, madaxbannaanida Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo kormeerka doorashada. Waxaa ay sidoo kale faalladan falanqeyneysaa qaabdhismeedka maamul dimuqraadi ah ee Soomaaliya ka hanaqaada (doorashada madaxweynaha, doorashada Aqalka Sare iyo dib-u-dhaca doorashada). Waxa ay warbixintu soo jeedineysaa talooyin tixgelin mudan.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *