Posts

Saameynta COVID-19 ee dhaqaalaha Muqdisho

COVID-19 ayaa noqday khatarta loogu hadal heynta badan yahay sanadka 2020-ka ee dunida maadaama uu saameyn ku yeeshay nolosha malaayin dad ah oo ku kala nool in ka badan 188 wadan. Tirakoobkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in ilaa hadda in ka badan 6 milyan oo qofood uu ku dhacay fayraska guud ahaan caalamka, sidoo kale in ka badan 370,000 ayaa geeridooda lasoo weriyay. Marka laga reebo saameynta tooska ah ee ay ku yeelatay dadka cudurka qaba, COVID-19 sidoo kale wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha adduunka iyo hab nololeedka dadka, gaar ahaan kuwa nugul ee ay noloshoodu ku tiirsan tahay dakhliga yar oo ay ka helaan shaqooyinkooda maalinlaha ah. Read more