Posts

Falanqeyn Nidaamka Doorasho ee Horreeyaa Guuleysta

Soomaaliya waxay baadi goobeysaa hannaan doorasho ee doorashada 2020/21. Guddi baarlamaan oo ka kooban 15 xubnood ayaa loo xilsaaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka  oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada. Guddiga waxa uu u gudbiyey kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen labada aqal ee baarlamaanka 27-kii Noofambar 2019 nuqul cusub oo ah dib-u-eegis ay ku sameeyeen Hinidise-sharciyeedka Doorshooyinka Qaranka. Guddigu waxa uu soo jeediyey nidaamka doorasho ee ‘Horreeyaa Guuleysta’. Dood baarlamaan kadib, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa ansixiyey sharciga 28-kii Diseembar 2019, waxana uu sharciga sugayaa ansixinta Aqalka Sare iyo saxiixa madaxweynaha. Read more

Is-waafajinta sharciyada la xiriira doorashooyinka Soomaaliya

Markii ugu horreysay muddo 50 sanno kadib ah, doorashooyin qaran oo qof iyo cod ah ayaa la qorsheynayaa in ay ka dhacaan Soomaaliya. Saddex sharci ayaa haga doorashooyinka qaranka kuwaasoo kala ah Dastuurka Kumeelgaarka ah, Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadda oo ay dhammaantood dib-u-eegis ku socoto. Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaran iyo Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee wax-ka-beddelka lagu sameeyay ayaa ku jira dib-u-eegis baarlamaan, halka guddi madax-bannaan iyo guddi xildhibaanno ah ay dib-u-eegayaan Dastuurka Kumeelgaarka ah. Read more