Posts

Jahwareerka doorasho ee Hirshabeelle

Bishan Oktoobar, waxaa dhammaanaya muddo-xileedka 4-ta sano ah  ee baarlamaanka iyo madaxweynaha Hirshabeelle. Kadib markii ay soo xuleen odayaasha beelaha, baarlamaanka Hirshabeelle waxaa la dhaariyay 9-kii Oktoobar 2016. 13-kii Oktoobar  ayaa la doortay guddoomiyaha iyo ku-xigeennada baarlamaanka. Sidoo kale baarlamaanka ayaa doortay madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble iyo madaxweyne-ku-xigeenka Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) 17-kii Oktoobar 2016. Cali Cabdullaahi Cosoble, (oo ka haley 61 cod 98 xildhibaan) waxa uu ka guuleystay musharrixii la tartamayay, Maxamed Cabdi Waare, oo helay 36 cod. Read more