Posts

Falanqeyn Doorashooyinka Soomaaliya iyo Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran

Podcast-ga waxaa marti ku ah Maxamed Cabdirisaq. Maxamed Cabdirisaaq waa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Muddo dheer ayuu kasoo shaqeeyay  arrimaha dimoqraadiyeynta Soomaaliya iyo geeska Afrika.

Podcast-gan waxa ay Mahad Waasuge iyo Maxamed Cabdirisaaq ku falanqeynayaan doorashooyinka Soomaaliya iyo heshiiskii uu dhawaan gaaray Golaha Wadatashiga Qaran.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Hinda: A personal reflection on my three-month internship at SPA

On November 18, 2020, a WhatsApp message notification reached my phone through the Siraad Initiative group announcing the release of a female-only research training opportunity titled ‘Qualitative Research Training for Female Researchers’ by Somali Public Agenda. Even though I was in Hargeisa at the time, I didn’t hesitate to apply for the in person training as my travel to Mogadishu was already been scheduled and approaching. Read more

2021: Somali Public Agenda’s Year in Review

2021 was another productive year for Somali Public Agenda. Despite the electoral impasse, armed clashes in Mogadishu, and the various other humanitarian, security, and Covid-19 challenges that Somalia faced, SPA produced 12 publications in total, including 6 governance briefs, 3 research reports, and 3 commentaries. Read more

Falanqeyn dib usoo laabashada Ahlu Sunna Wal Jamaaca: arrimaha sahlay, fursadaha la lumiyay iyo xalka

Dhawaan waxa aan daabacnay warbixin iftiimineysa sababaha dib usoo laabashada ASWJ ee Galmudug. Warbixinta waxa qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda.

Podcast-gan Farxaan Isaaq Yuusuf iyo Mahad Waasuge ayaa ku falanqeynaya  nuxurka warbixinta.

Click here to listen on Apple Podcasts.

WAREYSI: Hufnaanta Doorashada Soomaaliya

Agaasimaha Somali Public Agenda Mahad Waasuge ayaa wareysi uu siiyay VOA Somali uga hadlay hufnaanta doorashada iyo waxa iska beddeli karo hannaanka doorashada kadib markii uu Raysal Wasaaraha xilka ka qaaday 7 xubnood oo ka tirsanaa Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada.

Wareysiga oo dhameystiran halkan ka dhageyso.

U Isticmaalka Xogta Juqraafi-dhuleedka ee Qorsheynta Magaalooyinka Soomaaliya

Magaalooyinka Soomaaliya waxay wajahayaan koror degdeg ah, magaaleyntana waa arrin sii kordheysa oo caqabado badan wadata. Maadaama magaalooyinka dalka ugu muhiimsan ay ka jiraan fursado dhaqaale, amni iyo nolol wanaagsan, waxaa dalka ka dhacay dhowr isbedel oo dadkii degganaa miyiga ayaa magaalooyinkii u guuraya. Qiyaasta ugu macquulsan ee magaalooyinka dalka ayaa tilmaamaya in dadka miyiga deggan ay weli ka badan yihiin kuwa magaalooyinka ku nool. Sikastaba ha ahaatee, saadaasha heerka magaalaynta ayaa ah mid aad u sarreysa, waxaana laga yaabaa in in ka badan kala bar Soomaalida ay hadda ku nool yihiin magaalooyinka. Read more

Ahlu Sunna Wal Jama’a’s resurgence: factors, missed opportunities and the way forward

Galmudug State of Somalia (GSS) became embroiled in a bloody conflict after Ahlu Sunna Wal Jama’a’s (ASWJ) leadership returned to Galmudug in October 2021 under the pretext of attending an annual religious festival in Huurshe. ASWJ had previously been defeated in March 2020, and on their return became engaged in fierce fighting with joint Galmudug and Federal Government of Somalia (FGS) forces in Bohol on 30 September 2021 and in Guri-el on 23 October 2021. Following four days of ferocious armed conflict, which caused significant human and material damage, ASWJ withdrew from Guri-el to Bohol as a result of informal mediation. The group is still in Bohol and its leaders have snubbed efforts and calls by Sheikh Shakir’s sub-clan kinsmen to disband the militia and seek their goals through peaceful means. The group’s return occurred at the same time as Galmudug was nearing the completion of the election of its 8-member Upper House representatives and the start of the House of the People elections. This brief examines the triggers of AWSJ’s resurgence, missed opportunities to forestall conflict with the group, and the significance of Guri-el. It also puts forward policy considerations for the future including the establishment of inclusive Darawish forces, devolution of power, the formation of effective local government, and genuine reconciliation.

Download the full governance brief

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gashay colaad dhiig ku daatay kadib markii hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ay dib ugusoo laabteen Galmudug bishii Oktoobar 2021 iyagoo ka qeyb galayay xus diimeed sanad walba lagu qabto deegaanka Huurshe. ASWJ ayaa horey looga itaal roonaaday bishii Maarso 2020, waxaana markii ay soo laabteen dagaal ba’an kula galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya deegaaanka Bohol 30-kii Sebteembar 2021 iyo Guriceel 23-kii Oktoobar 2021. Afar maalmood kadib iska horimaad hubeysan oo aad u ba’an, kaasoo geystay khasaare nafeed iyo mid hanti, ASWJ waxa ay ka baxday Guriceel iyagoo aadday Bohol taasoo ka dhalatay dhexdhexaadin. ASWJ ayaa weli ku sugan deegaanka Bohol, waxaana horjoogayaashoodu ay ka biyo diideen dadaallo iyo baaqyo ay beesha Sheekh Shaakir ku dalbadeen in ciidanka la kala diro oo ay hadafkooda ku raadiyaan qaab nabadeed. Soo laabashada ASWJ ayaa kusoo beegantay xilli Galmudug ay ku dhaweyd gabagabeynta doorashada 8-da xubnood ee ku metela Aqalka Sare iyo bilowga doorashada xubnaha Golaha Shacabka. Faalladan waxay falanqeyneysaa sababaha keenay soo laabashada ASWJ, fursadaha la lumiyay ee looga hortagi karay colaadda iyo muhiimadda Guriceel. Waxa kale oo ay faalladan soo jeedineysaa talooyin tixgelin mudan oo ay ka mid yihiin unkidda ciidamo Daraawiish loo dhan yahay, daadajinta awoodda, dhisidda dowlado hoose oo tayo leh, iyo dib-u- heshiisiin dhab ah.

Soo rogo warbixinta oo dhameystiran

Lessons from Somalia’s 2021 Upper House Elections

After about three and half months, the election of the Upper House’s 54 members has been completed. However, the electoral process has not been undertaken without flaws. It empowered the presidents of Federal Member States (FMS) to submit a list of candidates for each Senate seat elected in their respective constituencies to the state legislators (and electoral constituency of 46 in the case of Somaliland representatives). For the majority of seats, FMS presidents had complete control over the candidate list and election process, and many candidates were purposefully omitted from the list. Affiliation with a political camp also played a significant role in the outcome of the election. However, women received nearly 26% of votes in the Upper House elections, which was a positive result. This brief examines how the Upper House’s 54 members were elected, as well as the critical lessons that can be learned from this and be applied to the upcoming election of the House of the People’s 275 members.

Download the full governance brief

Kadib ku dhawaad muddo afar bil iyo bar ah, doorashada 54-ta xubnood ee Aqalka Sare ayaa lasoo dhammeystiray. Hase ahaatee, hannaanka doorashadda kama marneyn cillado. Waxa uu hannanaka doorashada awood siiyay madaxda Dowlad-Goboleedyada, kuwaasoo baarlamaanka gudbinayay liiska musharraxiinta ku tartamayay kursi walba oo Aqalka Sare kamid ah, kadibna ay kala dooranayeen baarlamaannada dolwad- goboleedyada (Soomaaliland booska baarlamanka waxaa ugu jiray 46 xubnood). Inta badan kuraasta, liiska musharraxiinta iyo hannaanka doorashadda waxaa si buuxda gacanta ugu hayay madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada, taasoo sababtay musharraxiin badan in si kutalagal ah looga reebay liiska doorashadda. Waxaa sidoo kale kaalin weyn ku lahaa natiijada doorashadda musharraxiinta xiriirka ay la lahaayeen kooxaha siyaasadda isku haya. Sidaas oo ay tahay, haweenka waxa ay heleen ku dhowaad 26% xubnihii la doortay doorashooyinka Aqalka Sare, taasoo ah natiijo togan. Faalladan koban waxa aan ku eegeynaa sida xubnaha Aqalka Sare ee 54-ta ah loo doortay, sidoo kale casharadda muhiimka ah ee laga baran karo doorshadan iyo sida loogu dabaqi karo doorashada soo aaddan ee Golaha Shacabka oo ka kooban 275 xubnood.

Soo rogo warbixinta oo dhameystiran

Faaqidaadda Toddobaadka: Heshiiska Farmaajo iyo Rooble

Agaasime Kuxigeenka Somali Public Agenda Farxaan Isxaaq Yuusuf ayaa kamid ahaa martida barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka ee VOA Somali oo lagu falanqeeyay heshiiska ay gaareey Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble iyo saameynta uu u yeelan karo geeddi-socodka doorashada.

Halkan ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran.