Posts

Who owns data in Somalia? Ending the country’s privatised knowledge economy

Over the past decades, donors, aid agencies, consultants and enumerators have conducted increasing amounts of aid-related research in the form of monitoring, assessments and surveys in Somalia. The rise of third-party monitoring (TPMs), new technologies and the arrival of global consultancy firms have not only led to an internationalised and professionalised market for aid information but also introduced new power dynamics in the production of aid knowledge. The way in which aid data in Somalia/Somaliland is produced reflects prevailing stereotypes about the supposedly superior value of ‘Western’ expertise over local knowledge. This brief raises important questions about the production and ownership of aid- related knowledge in the Somali territories where, due to weak state institutions, data collection is unregulated, and often de facto privatised. Moreover, the insufficient uptake of aid information by aid agencies, the governments and the public gives pause for thought. As Somali government institutions are strengthening, there is an urgent need to localise knowledge production in Somalia and to make aid information and data available to the public. There is also a need to strengthen data protection and research ethics and to rethink some of the extractive and negative impacts of the current aid information business.

Download the full governance brief

What Lessons can be Learned from Somalia’s 2016 Indirect Elections?

Somalia is heading into another indirect election in 2020-21. It is a familiar process and one that was undertaken almost four years ago. Many lessons can be learned from the 2016 indirect electoral implementation process. In 2016, candidates for the House of the People of Somali Federal Parliament covered some important logistics, travel and accommodation costs for the electoral delegates (which in part is believed to have helped them get elected); there was no scheduled time for meetings between candidates and the voting delegates; and the date and time for voting of each seat of the House of the People was unilaterally decided by the state election implementation teams. In 2016, the proportion of women in parliament was increased from 14% to 24%, which was a significant increase. This was one of the positives of the 2016 indirect elections and similar efforts could be made this time around to raise this to the 30% female quota target. This brief analyses the implementation process of the 2016 indirect elections and concludes with policy considerations. These include: prohibiting  candidates to handpick electoral delegates; providing the necessary logistical and accommodation support to the delegates on time; arranging a formal campaign  schedule for voters and candidates; publishing the election schedule for each seat of the House of the People in advance; allowing the media and election observers to be present during the voting, and monitoring and reporting irregularities and fraudulent practices throughout the election process.

Download the full brief here

Soomaaliya waxa ay galeysaa doorasho dadban mar labaad sanadka 2020-21. Waa hannaan la yaqaanno oo la qabtay ku dhowaad afar sano kahor. Casharro badan ayaa laga baran karaa geeddi-socodkii hirgelinta doorashooyinkii dadbanaa ee 2016. Sanadkii 2016, qaar kamid ah musharraxiinta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bixiyey kharashaadka saadka sida safarka iyo hoyga loogu talagalay ergooyinka doorashada (taasoo qeyb ahaan la rumeysan yahay inay ka caawisay doorashadooda); ma jirin wakhti loo qorsheeyey kulamada musharraxiinta iyo ergooyinka; taariikhda iyo wakhtiga loo codeynayo kursi kasta oo kamid ah Golaha Shacabka waxaa go’aamiyay hal dhinac oo ah kooxaha fulinaya doorashooyinka. Sanadkii 2016, qoondada haweenka ee baarlamaanka ayaa oo markii hore ahaa 14% ayaa laga dhigay 24%, taasoo ahayd koror aad u weyn. Tani waxa ay ahayd mid kamid ah waxyaabihii wanaagsanaa ee kasoo baxay doorashadii dadbanayd ee 2016; dadaallada noocan oo kale ah ayaa sidoo kale la samayn karaa markan si sare loogu qaado saamiga lana gaarsiiyo hiigsiga qoondada haweenka ee ah 30%. Faalladan kooban waxaa uu falanqeynayaa hannaankii hirgelinta doorashooyinkii dadbanaa ee 2016, waxaana uu soo jeedinayaa talooyin tixgelin mudan oo ay kamid yihiin: ka mamnuucidda musharixiinta in ay gacan ku yeeshaan xulista ergooyinka doorashada; in wakhtigeeda lagu bixiyo saadka loo baahan yahay iyo hoyga ergada; diyaarinta jadwalka ololaha rasmiga ah ee cod-bixiyeyaasha iyo musharraxiinta; daabacaadda jadwalka doorashada ee kursi kasta xilli hore; u oggolaanshaha warbaahinta iyo kormeerayaasha doorashada in ay goobjoog ka ahaadaan xilliga cod-bixinta, iyo la socoshada iyo soo gudbinta khaladaadka inta lagu guda jiro hannaanka doorashada.

Soo rogo warbixinta oo dhameystiran

Evaluating the Governance of the Covid-19 Response in Somalia: A Call for Inclusive and Transparent Decision-making

The Covid-19 pandemic spread across Somalia and again exposed the fragility of public institutions. There are limited laboratories that can be used to test the Covid-19 samples. The number of samples tested was minimal in number, and the positive, recovered, and death numbers reported likely do not reflect the actual number of people who contracted the virus and the actual deaths from the coronavirus. The national Covid-19 response was understandably minimal, and was/is only limited to Mogadishu, the seats of regional states, and few other major towns. Although some governance measures were employed by the federal government and federal member states, these measures were poorly enforced due to the weak enforcement capacity of public institutions. There have been some financial and in-kind support to Covid-19 response, but transparency and accountability mechanisms relating to how these resources have been used are not clear. The Covid-19 pandemic became one among many pressing priorities for the recovering public sector institutions in Somalia, and one key lesson from the pandemic relates to the need for investment in both governing institutions and the delivery of public services. The pandemic may come to an end, but it could inspire leaders to invest more in increasing access to and quality of public services in Somalia.

Download the full report here

Cudurka safmareenka ee Covid-19 wuxuu ku faafay Soomaaliya oo dhan wuxuuna mar kale kashifay jilicsanaanta hay’adaha dowliga ah. Waxaa jira shaybaarro yar oo loo isticmaali karo in lagu baaro cudurka Covid-19. Tirada dadka la baaray ayaa tiro ahaan aad u yaraa, tirada laga helay, iyo tirada dhimashada ee la soo sheegay waxay u egtahay inaysan ka tarjumaynin tirada dhabta ah ee dadka uu ku dhacay fayraska iyo dhimashada dhabta ah ee uu sababay coronavirus. Guddiga heer Qaran ee Covid-19 tamartiisu waxay ahayd mid aad u yar,  kaliyana ku eg Muqdisho, caasimadaha dowlad-goboleedyada iyo magaalooyin kale oo waaweyn. Inkastoo dhowr tallaabo oo maamul ay ku dhawaaqeen dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, haddana tallaabooyinkan si liidata ayaa loo dhaqan geliyey sababtoo ah awoodda fulinta ee hay’adaha dowladda ayaa daciif ah. Waxaa jiray xoogaa taageero maaliyadeed iyo mid agab ah oo loogu tala galay la tacalida xaladda Covid-19, balse daahfurnaan badan ma jirin qaabka islaxisaabtankana ma ahayn mid cadaynaya sida wax loo isticmaalay. COVID-19  wuxuu noqday mid kamid ah arrimaha culus ee mudnaanta ay siiyeen hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Hal cashar oo muhiim ah oo laga bartay musiibada ayaa la xiriirta baahida loo qabo dhisidda hay’adaha dowliga ah iyo gaarsiinta adeegyada bulshada. Aafada waa lasoo afjari karaa, laakiin waxay ku dhiirigelin kartaa hoggaamiyeyaasha inay maalgeliyaan kordhinta helitaanka iyo tayada adeegyada bulshada ee Soomaaliya.

Soo rogo warbixinta oo dhameystiran

 

Division of powers and responsibilities in a federal Somalia

Somalia adopted a federal system of governance in 2004, although the formation of regional states only began in 2013. Four states have been formed under the auspices of the provisional constitution, in which the separation of executive powers and responsibilities between the different tiers of government remains unclear. Amidst this state of constitutional ambiguity, power struggles between the federal government and regional states have been – and remain – persistent. The constitutional review commissions reviewed the power-sharing options and presented scenarios to the parliament in 2016, but they have yet to be adopted and offer only a limited solution. In response to this protracted absence of a clarified governance structure, this brief presents new options to distribute powers and responsibilities to the different levels of government.

download the full governance brief

Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaam federaal sanadkii 2004, balse dhismaha maamul goboleedyadu waxa ay bilowdeen 2013. Afar maamul goboleed ayaa la dhisay iyadoo dastuurka kumeelgaarka ah aanu si wanaagsan u kala saareynin awoodaha fulinta ee heerarka kala duwan ee dowladdu leeyihiin. Maadaama dastuurku aanu kala caddeyn awoodaha, hardanka awoodeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada waxa uu ahaa welina yahay mid joogto ah. Guddiyada dib-u-eegista dastuurka waxa ay dib-u-eegis ku sameeyeen awood qeybsiga waxana ay talooyin u gudbiyeen baarlamaanka sanadkii 2016, laakiin talooyinkoodii weli lama qaadanin. Maadaama hannaanka awood qeybsigu aanu caddeyn, warbixintan waxa ay soo jeedineynaa talooyin cusub ee la xiriira sida awoodaha iyo masuuliyadaha loogu qeybin karo heerarka kala duwan ee dowladda.

soo rogo warbixinta oo dhameystiran