Posts

Dhallinyarada iyo ka qeybgalka siyaasadda Soomaaliya: caqabadaha iyo fursadaha

Soomaaliya waa dal ay dhallinyarada u badan tahay heerka tarankuna uu sarreeyo. Qiyaastii 70% dadku waxay ka yar yihiin 30 sano, in ka badan 60% dadku waxay ka yar yihiin 25 sano. Tirada badan ee dhallinyrada ah, waxay keentay in dhallinyarada da’da shaqada gaaray ay u dhibaatoodaan shaqo la’aan heerkeeda lagu qiyaaso 60%; Soomaaliyana ka dhigay mid kamid ah dalalka ugu sarreeya shaqo la’aanta adduunka. Read more