Tubta Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021

2020 iyo 2021 sanado doorasho ayay u yihiin Soomaaliya. Muddo xileedka xubnaha labada gole ee baarlamaanka (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) wuxuu ku egyahay dhammaadka bisha Diseembar 2020; waxaa la caleemasaaray 27-kii Diseembar 2016. Muddo xileedka Madaxweynaha wuxuu sidoo kale dhammaanayaa horraanta Febraayo 2021.

Sharciga doorashooyinka waxa ku jira faafaahinta ugu muhiimsan ee doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan. Golaha Shababka ee baarlamaanka ayaa ansaxiyay sharciga 28-ka Diseembar 2019. Aqalka Sare ayaa sidoo kale ansixiyey 8-dii Febraayo 2020, madaxweynaha ayaana saxiixay sharciga 20-kii Febraayo ee sannadkan.

Si ka duwan hababkii hore ee doorashooyinka Soomaaliya, sharciga doorashooyinka, oo ka kooban 7 cutub iyo 58 qodob, ayaa hadda ah dukumiintiga hagaya doorashooyinka qaran ee Soomaaliya.

Podcast-gan waxa aan kusoo koobeynaa nuxurka warbixinta tubta doorashooyinka Soomaaliya ee 2021.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Wareysi: Doorashooyinka Soomaaliya

Wareysi uu agaasimaha Somali Public Agenda Mahad Waasuge siiyay banaamijka Doorasho ee Idaacadda Himilo uu uga hadlay tubta doorashooyinka Soomaaliya ee 2021.

Wareysi: Tubta Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021

Wareysi uu agaasimaha Somali Public Agenda Mahad Waasuge siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ee uu uga hadlay tubta doorashooyinka Soomaaliya ee 2021.

The Road Ahead to Somalia’s 2021 Elections: Prospects & Challenges

This is a crucial election year for Somalia as the national parliamentary and presidential elections are scheduled to happen in late 2020 and early 2021. The national electoral law – approved by the two chambers of parliament and signed into law by the president – is currently the basis for the design and implementation of national elections. This governance brief critically analyzes the limitations of the electoral design such as the lack of definition around constituencies, the ambiguity of election to the Upper House, and the clause enabling indeterminate extension. The brief also discusses the operationalization challenges of the elections, such as designating each seat to a geographic location; the election of Somaliland representatives; the women’s quota; the rift between the center and the periphery; and insecurity. It puts forward a number of policy considerations to help address these issues.

Download the full governance brief

Sanadkan waxa uu muhiim u yahay doorashada Soomaaliya maadaama doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha la qorsheeyay inay dhacaan dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021. Sharciga doorashooyinka qaran – oo ay dhawaan ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka madaxweynahana saxiixay – ayaa hadda aasaas u ah hirgelinta doorashooyinka qaran. Faalladan waxay si kooban u falanqayneysaa iimaha sharciga doorashooyinka sida in aanu qeexeyn deegaan doorashooyinka, mugdiga ku jira doorashada Aqalka Sare, iyo qodobka suuragelinaya in muddo kordhin aan xaddidneyn la sameeyo. Qoraalku waxa uu sidoo kale ka hadlayaa caqabadaha ku hor gudban doorashooyinka, sida u qoondeynta kursi kasta goob cayiman; doorashada wakiilada Soomaaliland; qoondada haweenka; khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada; iyo nabadgelyo la’aanta. Waxay warbixinta soo jeedineysaa dhowr talooyin si wax looga qabto arrimahaas.

Soo rogo warbixinta oo dhameystiran