
Somali Public Agenda
April 10, 2020
Tubta Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021
2020 iyo 2021 sanado doorasho ayay u yihiin Soomaaliya. Muddo xileedka xubnaha labada gole ee baarlamaanka (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) wuxuu ku egyahay dhammaadka bisha Diseembar 2020; waxaa la caleemasaaray 27-kii Diseembar 2016. Muddo xileedka Madaxweynaha wuxuu sidoo kale dhammaanayaa horraanta Febraayo 2021.
Sharciga doorashooyinka waxa ku jira faafaahinta ugu muhiimsan ee doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan. Golaha Shababka ee baarlamaanka ayaa ansaxiyay sharciga 28-ka Diseembar 2019. Aqalka Sare ayaa sidoo kale ansixiyey 8-dii Febraayo 2020, madaxweynaha ayaana saxiixay sharciga 20-kii Febraayo ee sannadkan.
Si ka duwan hababkii hore ee doorashooyinka Soomaaliya, sharciga doorashooyinka, oo ka kooban 7 cutub iyo 58 qodob, ayaa hadda ah dukumiintiga hagaya doorashooyinka qaran ee Soomaaliya.
Podcast-gan waxa aan kusoo koobeynaa nuxurka warbixinta tubta doorashooyinka Soomaaliya ee 2021.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts,
Recent Post
-
13 Aug 2026Hannaankee Doorasho Ayaa Ku Habboon Maareynta Doorashooyinka Federaalka Soomaaliya? -
09 Aug 2026Wareysi: Agaasimaha Somali Public Agenda oo Himilo Somali TV uga Warramay Arrimaha Doorashooyinka -
05 Aug 2026E78. Nooca Doorasho ee Golaha Midnimada, Doodaha Dhinacyada & Doorka Beesha Caalamka


