Falanqeyn Warlalis TV: Maxay gooyaan guulaha diblumaasiyadda ee Soomaaliya?

Dood X Spaces uu ku qabtay Warlalis TV ayuu Agaasimaha Somali Public Agenda Mahad Waasuge kala qeyb galay Wasiiruduwlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Aadam Aw Xirsi. Doodda oo soo socotay muddo 2 saacadood ah waxaa lagu gorfeeyay waxa ay Soomaaliya uga dhigan yihiin guulaha diblomaasiyadeed. Qeyb kamid ah doodda halkan ka dhageyso.

Wicitaanka Dhegaystaha:- Wareysiga VOA iyo Mahad Waasuge

Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa sidii ay isbeddel ugu sameyn laheyd hannaanka doorashada, waxaana qodobada ugu waaweyn ka mid ah in doorashayiinka ay ku tartamaan laba xisbi, iyo in madaxweynaha ay dadku toos u soo doortaan, iyada oo la baabi’inayo xilka Ra’isul Wasaaraha.

Haddaba caqabadaha iyo suurtagalnimada isbedeeladan ayaan ku eegeynaa barnaajimka Wicitaanka Dhageysataha ee toddobaadkan, waxaana marti ku ah Mahad Waasuge, madaxa Somali Public Agenda.

Wicitaanka Dhageystaha: Falanqeyn ku saabsan qodobadii kasoo baxay shirkii Baydhaba

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee VOA Somali toddobaadkan waxaa lagu falanqeeyay qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee kusoo gabagaboobay magaalada Baydhaba, waxaana marki ku ah, Mahad Waasuge, Agaasimaha Fulinta ee Somali Public Agenda.

Barnaajika ee uu diyaariyay, soona jeedinayo Nuur Xasan Nuur, halkan ka dhageyso.

Daraasad laga sameeyey caqabado ay bulshadu kala kulmaan adeegyada dowladda ee Muqdisho

Somali Public Agenda March 7, 2023 Daraasad laga sameeyey caqabado ay bulshadu kala kulmaan adeegyada dowladda ee Muqdisho Maxamed Aadan oo ah maamulaha Public Agenda Forum iyo cilmibaare katirsan Somali Public Agenda ayaa wareysi uu siiyay VOA Somali uga warramay caqabadaha ku xeeran helitaanka dukumintiyada ay dowladda bixiso. Halkan wareysiga ka dhageyso. Share This : […]

Maxay yihiin caqabadaha heysta maamul goboleedka Hirshabeelle?

Machadka cilmi-baarista ee Somali Public Agenda ayaa waxa uu daraasad uu sameeyay ku eegay xaaladda siyaasadeed ee Maamulka Hirshabeelle.

Cilmi-baaristaan ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha siyaasadeed, dhaqaale iyo isfahmi-waaga sababta u noqday in maamulkaasi uu horay u socon waayo.