Jahwareerka Doorashada Soomaaliya: Hannaan Doorasho ee Beddeli Kara Heshiiskii 17-kii Sebteembar

Faalladani waxa ay sharraxeysaa xaaladda cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya ee xilligan, waxaa ayna soo jeedineysaa hannaan beddel u noqon kara heshiiskii 17-ka Sebteembar (kaasoo hadda u muuqda mid aan shaqeyn karin). Hanaankan ayaa la xiriira muddo kordhin 2 sano ah oo loo sameeynaayo baarlamaanka Soomaaliya iyadoo la dooranaayo guddoomiyeyaal cusub. Hoggaanka cusub ee baarlamaanka ayaa waxa ay qabanqaabin doonaan doorashada Madaxweyne oo ay muddo xileedkiisu 2 sano noqoneyso. Madaxweynaha la dooranaayo waxaa uu dhisayaa dowlad loo dhan yahay. Dowladdan waxaa loo xilsaarayaa in ay abaabusho doorasho toos ah oo ka dhacda Soomaaliya 2 sano kadib, taasoo madaxweynaha ay doorteen Baarlamaanku uusan awood u yeelan doonin in uu noqdo musharrax. Kani waa hab cusub oo yeelan kara gaabis. Sikastaba ha ahaatee, faaladdaan ayaa ku doodeysa in ismariwaaga doorashooyinka ee hadda jira iyo duruufaha siyaasadeed ee aan caadiga ahayn ay u baahan yihiin tixgelinta xulashooyinka noocaan oo kale ah. Read more

Dib-u-heshiisiinta Galmudug: Geeddi-socodka, Caqabadaha iyo Fursadah‪a‬ (SPA Governance Podcast)

Soomaaliya waxay soo martay xasillooni darro weyn tan iyo markii la riday dowladdii milateriga ahayd 1991. Isku dhacyada rabshadaha wata ee u dhexeeya qabaa’illada iska soo horjeeda ayaa caadi ka ahaa dalka oo dhan, kuwaasoo ka dhashay inta badan biyo yari iyo kheyraadka daaqa. Colaadaha noocan oo kale ah waxay keeneen isku dhacyo muddo dheer socdey oo ay adkaatay in la xalliyo. Mid kamid ah tusaalaha ugu muhiimsan waa maamulka Galmudug, oo ay sameysteen gobollada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo taariikh ahaan ahaayeen labadan gobol goobo ay ka jiraan loollan siyaasadeed oo qaraar iyo dagaallo isdaba joog ah, iyadoo kooxo badan ay sheeganayeen inay ka taliyaan qeybo kala duwan oo labadan gobol katirsan. Muddadii 2015 ilaa 2019 Galmudug labo ayay u kala jabtay, maamullo kala gaar ahna waxaa laga kala dhisay dhumasareb iyo Cadaado. Sikastaba ha noqotee, kadib isku dayo badan oo dib-u-heshiisiin oo ay ku guuldareysteen dhinacyo kala duwan, geeddi-socodkii ugu dambeeyay ee la doonayay in lagusoo dabaalo nabad iyo in la dhiso dowlad xasilan ayaa waxaa laga gaaray guul.

Podcast-gan waxa ay Maxamed Shariif, Mahad Waasuge, Farxaan Isaaq Yuusuf ku falanqeynayaan  natiijooyinka kasoo baxay daraasad cilmiyaysan oo falanqeyneysa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo bulsho ee degaannada Galmudug.

Click here to listen on Apple Podcasts

Falanqeyn miisaaniyadda sanadka 2021 loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliy‪a‬ (SPA Governance Podcast)

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa 29-kii bishii Diseembar 2020 (labo maalin kadib markii uu muddo xileedkisa dhammaaday 27-dii Diseembari) meelmariyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2021-ka. Wadarta miisaaniyadda loogu talagalay sanad maaliyadeedka 2021-ka waa $671 malyan. Tani waxa ay $195 malyan ka badan tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo aheyd $476 million, taasoo ayada lafteeda $132 malyan ka badneyd sanad maaliyadeedkii 2019-ka oo ahaa $344 million.

Waxa uu Mahad Wasuge podcast-gan kusoo koobayaa faallo aan dhawaan ka daabacnay miisaaniyadda dowladda federaalka sanadka 2021 ee loo qorsheeyay hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaaliya.

Click here to listen on Apple Podcasts.

Somalia’s Electoral Conundrum: An Alternative to the Mogadishu Model

This commentary explains the current impasse around elections in Somalia and proposes a potential alternative to the indirect elections of the September 17 ‘Mogadishu Model’ (which now appears unworkable). This alternative involves the extension of the Somali Parliament’s mandate for 2 years and the election of new speakers. These speakers would organize a parliamentary election of a President for a 2-year mandate. The president would then put together an inclusive government of national unity. This government would be tasked with organizing direct elections in Somalia after 2 years, in which the president elected by the Parliament would not be able to stand as a candidate. This is an unusual and innovative model which – inevitably – has its own limitations. Nevertheless, this commentary argues that the current electoral stalemate and extraordinary political circumstances require the consideration of such options. Read more