Jahwareerka Doorashada Soomaaliya: Hannaan Doorasho ee Beddeli Kara Heshiiskii 17-kii Sebteembar

Faalladani waxa ay sharraxeysaa xaaladda cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya ee xilligan, waxaa ayna soo jeedineysaa hannaan beddel u noqon kara heshiiskii 17-ka Sebteembar (kaasoo hadda u muuqda mid aan shaqeyn karin). Hanaankan ayaa la xiriira muddo kordhin 2 sano ah oo loo sameeynaayo baarlamaanka Soomaaliya iyadoo la dooranaayo guddoomiyeyaal cusub. Hoggaanka cusub ee baarlamaanka ayaa waxa ay qabanqaabin doonaan doorashada Madaxweyne oo ay muddo xileedkiisu 2 sano noqoneyso. Madaxweynaha la dooranaayo waxaa uu dhisayaa dowlad loo dhan yahay. Dowladdan waxaa loo xilsaarayaa in ay abaabusho doorasho toos ah oo ka dhacda Soomaaliya 2 sano kadib, taasoo madaxweynaha ay doorteen Baarlamaanku uusan awood u yeelan doonin in uu noqdo musharrax. Kani waa hab cusub oo yeelan kara gaabis. Sikastaba ha ahaatee, faaladdaan ayaa ku doodeysa in ismariwaaga doorashooyinka ee hadda jira iyo duruufaha siyaasadeed ee aan caadiga ahayn ay u baahan yihiin tixgelinta xulashooyinka noocaan oo kale ah.

Soomaaliya waxaa ay mareysaa xaalad aan la hubin sida looga gudbi karo. Waxaa la filayay in doorashooyinka dadban la qaban doono sanadkan 2021. Inkastoo doorashooyin qof iyo cod ah markii hore la qorsheeyay, waxaa caddaatay horaantii 2020-ka in diyaargarowga iyo rabitaanka siyaasadeed ee doorasho noocaas ah aanu ahayn mid ku filan. Tani waxa ay horseedday sahminta qaabab kale ee doorasho. Kadib shirar dhowr ah oo ay madaxda Dowlada Federaalka iyo madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ay ku yeesheen Dhuusamareeb iyo Muqdisho, doorasho dadban – oo la mid ah hanaankii doorashadii 2016 – ayaa lagu heshiiyey magaalada Muqdisho 17-kii Sebteember 2020. Heshiiska (oo sidoo kale loo yaqaan ‘Muqdisho Model’) waxaa ansixiyay labada gole ee baarlamaanka 26-kii Sebteembar. Waxaa xigay heshiis ku saabsan faahfaahinta farsamo ee doorashada oo 2-dii Oktoobar lagu heshiiyey.

Sikastaba ha ahaatee, in ka badan lix bilood kadib markii la saxiixay heshiiska doorashooyinka dadban, waxaa muuqata in qaabkii lagu heshiiyey uusan shaqeyneyn. Hirgelintiisa waxa uu markii hore la kulmey caqabado dhowr ah. Saddexda caqabadood ee ugu waaweynaa ee Heshiiskii 17-kii Sebteembar uu la kulmey ka hor Febraayo 8 (markii uu dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo) waxa ay la xiriireen (1) shaqaalaha rayidka ah iyo xubno ka tirsan ciidamada amniga ee loo magacaabay xubnaha guddiyada hirgelinta doorashooyinka heer federal iyo heer dowlad goboleed; (2) gobolka Gedo iyo ciidamada dowlada federaalka ee ka hawlgala halkaas; iyo (3) magacaabista guddiga maamulaya doorashada wakiillada Soomaaliland.

Caqabadaha iyo xaaladaha ku hareeraysan heshiiska Muqdisho ayaa isbeddelay iyadoona carqalado cusub ay soo ifbaxeen bishii Febraayo ee 2021. Kuwani waxa ay sii xumeeyeen kalsoonidii awalba yarayd ee ka dhexeysey siyaasiyiinta Soomaaliya.

Is-aamin Darrada iyo Fulin la’aanta Nooca Doorasho ee Muqdishu

Inkastoo Nooca Doorasho ee Muqdishu lagu heshiiyay 17-kii Sebteembar sanadkii tagay, haddana madaxda Soomaaliyeed waxa ay ku guuldareysteen in ay isla meel dhigaan saddexda arrin ee muranka dhaliyey ee sare ku xusan, ka hor inta uusan dhammaan muddo-xileedka madaxweyne Farmaajo. Fursadda ugu wanaagsan waxa ahayd kulankii afaraad ee Dhuusamareeb, ee ku aaddanaa bilowgii Febraayo 2021-ka, kaasoo u dhexeeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka (oo ka kooban madaxweynaha Dowladda Federalka, madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Benaadir). Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka ka tagay 6-dii Febraayo, kahor labo maalin inta muddo-xileedkiisa uusan dhammaan, inkastoo isla goortaas la isla meel dhigay inta badan arrimihii muranka dhaliyey.  Sikastaba, muddo-xileedka madaxweynaha ee dastuurku oggolyahay ayaa dhammaaday 8-da Febraayo (muddo-xileedka golaha shacabkuna waxa uu dhammaaday 27-kii Diseembar 2020), ayadoo qorshe cusub oo doorashada ku saabsan aan la isla meel dhigin, dowladda joogtana ay wajaheyso dood la xirriirta sharciyaddeeda. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heysato sharciyad ay dalka ku sii xukumi karto ilaa dowlad cusub lagasoo doorto, inkastoo madaxweynaha uusan la hadlin dadweynaha wixii ka dambeeyay 8-dii Febraayo.

Toban maalin kadib markuu madaxweynuhu ka dhaqaaqy kulankii Dhuusamareeb,  guddi farsamo ee uu magacaabay Raysal Wasaaraha ayaa arrimihii ismaandhaafka dhaliyay uga heshiiyay 16-kii Febraayo magaaladda Baydhaba. Hase ahaatee, heshiisku waxa uu u baahan yahay meelmarin ay sameeyaan GWQ, taasoo caqabad noqotay kadib markii madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay su’aalo ka keeneen awoodda sharciyadeed ee uu madaxweyne Farmaajo kulan isugu yeeri karo.

Dhacdooyinkii dhacayay tan iyo Febraayo 8-deedii ayaa waxa ay kaga dareen is-aaminaddii awalba nugleyd ee u dhexeysay madaxweynta siyaasadda ee Soomaaliya, waxa ayna ku kordhisay caqabado hor leh oo ku biiray kuwii saddexda ahaa ee ismariwaaga adag dhaliyay.

Ugu horreyn, Golaha Midowga Musharixiinta (oo ay dhiseen bishii Nofeembar 2020-ka 14 musharrax madaxweyne oo ay ku jiraan labo madaxweynayaal hore ah iyo raysal wasaare hore) ayaa waxa ay qorsheeyeen bannaanbax ka dhaca barxadda Daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqdisho, dowladda federaalka ayaa adeegsatay ciidanka ammaanka si ay u joojiso isusoo baxa. Mucaaraadka ayaa ayagana soo daabulay tikniko iyo ciidamo amniga qaabilsan, ayadoo Jeneraal Indhacade u uu muuqday qofka soo dedejiyey isku dhicii hubeysnaa ee labada dhinac dhexmaray. Waxaa jirtay is-rasaaseyn xoog leh habeenkii 19-ka Febraayo, taasoo ka dhacaday meel u dhaw hoteelkii ay degenaayeen labo madaxweyne hore iyo siyaasiyiin kale. Rasaaseyntii xigtay ee lala beegsaday siyaasiyiin (oo uu ku jiray raysal wasaare hore) meel u dhaw gegida diyaaradaha ayaa ayadana dhacday. Dhacdooyinkaasi waxaa ay sii xumeeyeen is-aaminaaddii jilicsaneyd ee hore u jirtay. Waxa ay turaanturro hor leh ku noqotay heshiiskii 17-kii Sebteembar, madaama dhinacayadu weydiimmo ka keeneen arrimaha la xiriira ammaanka doorashada iyo kaalinta madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan hannaanka doorashadda.

Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa mucaaradka la billaabay wadahadal maalmo kooban kadib dhacdooyinkii 19-ka Febraayo, waxa ayna dowladda federaalka iyo mucaaradku isku raaceen in dowladda ay sugto ammaanka goobta Daljirka Daahsoon iyo kan dibadbaxayaasha. Dibadbax kale oo la qorsheeyay 26-ka Febraayo ayaan dhicin. Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in dowladda ay xirtay waddooyinka magaalada, isla markaana ay dib u dhigayaan dibad baxa.

Midda labaad, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa weydiimmo ka keenay awoodda sharciyadeed ee madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeri karo kulan dhexmara Golaha Wadatashiga Qaran. Inkastoo ay soo bandhigeen shuruudo ku aadan imaanshahooda Muqdisho iyo in ay la kulmaan dowladda federaalka (maadaama muddo-xileedka dastuuriga ahaa ee hay’adaha federaalka uu dhammaaday) si la iskula isla meel dhigo arrimaha ismaandhaafka dhaliyay ee heshiiska 17-ka Sebteember, mar dambe ayay casuumad ay u sameysay Beesha Calaamku Muqdisho ku yimaadeen (bisha Maarso 2021). Kadib in ka badan todobaad oo ay Muqdisho joogeen, kulankii lagu hanweynaa ayaa waxaa ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo bisha Maarso 20-keedii, kadib markii uu xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken soo sooray war saxafadeed uu ku weydiisanayo madaxda Soomaalida in ay si degdeg ah u qabtaan doorashooyinka. Maadaama madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ay si shaac ah u sheegeen in muddo-xileedkii madaxweynuhu dhammaaday, islamarkaana aysan awooddiisu aheyn isugu yeeridda kulan GWQ dhexmara, iyo sidoo kale ajendaha aan la isku raacsaneyn ee kulanka oo dadweynaha loo dusiyay ayaa waxa ay sababeen in kulan aan loo dhameyn oo uu guddoominayo madaxweyne Farmaajo ay yeeshaan isaga, raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo guddomiyaha gobolka Benaadir, kulaankaas oo ka biloowday hoolka Afisiyooni ee magaaladda Muqdisho bisha Maarso 22-keedii (isla hoolkii lagu qabtay doorashadii madaxweynaha ee Febraayo 2017-kii). Qaramada Midoobey ayaa ku magacowday kulankaasi in uu yahay mid hordhac ah oo ay isugu imaadeen qeyb ka mid ah dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxa ayna iftiimisay in loo baahan yahay kulamo wadatashi ah oo aan rasmi aheyn si loo hubiyo ka qeybgal loo dhanyahay.

Dhanka kale waxaa soo ifbaxay madal mucaarad ah oo ka kooban Golaha Midowga Musharixiinta, madaxweynayaasha maamul goboleedyadda Puntland iyo Jubaland, iyo Golaha Siyaasadda ee Soomaaliland (oo ah siyaasiyiinta reer Soomaaliland ah ee lala xirriiriyo Senator Cabdi Xaashi), ayagoo dhisay Madasha Badbaado Qaran. Madasha oo guddoon looga dhigay Cabdi Xaashi, guddoomiyaha aqalka sare, ayaa waxaa loo aasaasay (marka la eego war saxaafadeedkooda) in la tiigsado hubinta qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah; ilaalinta wadajirka ummaada, iyo in la joogteeyo ilaalinta xasiloonida siyaasadda iyo amniga qaranka. Dhismaha madashan waxa uu muujinayaa sida siyaasadda doorashadda ay hadda u noqotay mid u dhexeeysa labo koox.

Midda saddexaad, waxaa jira cadaadis mug leh oo ka imaanaya beesha caalamka, taasoo ku celcelisay in aysan tageeri doonin doorashooyin isbarbar socda ama mid hal dhinac ah iyo muddo kordhin loo sameeyo haya’daha muddo-xileedkoodu idlaaday. Arrintan waxa ay keentay in dowladda federaalka ay warcelin kulul u jeediso dalalka kale, taasoo la xiriirta faragelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta ee dowladda federaalka ayaa sheegay in: “Taasi ay tahay diilinta cas oo ay tahay in aan marnaba laga gudbin.” Warcelintaan waxa ay muujineysaa in dowladda federaalka aysan la dhacsaneyn sida beesha calaamku u wajaheyso ismariwaaga ka taagan doorashada Soomaaliya.

Midda Afaraad, Golaha Shacabka ee ka kooban labada aqal ayaa billaabay dadaalo uu ku kordhinayo muddo-xileedkiisa iyo midka madxaweynaha muddo laba sano ah. Inkastoo ajendihii hore loo qeybiyay uu la xiriiray dood la xirriirta Covid-19, haddana kulanka golaha shacabka ee 27-ka Maarso waxa uu ku idlaaday ayadoo aan fadhigii la furin, sababo la xiriira xildhibaannadda qaar oo carqaladeeyay kulanka. Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa isla markiiba soo saaray warqad uu kaga joojinayo 15 xildhibaan in ay 5 fadhi oo goluhu yeelan doono kasoo qeyb galaan, sabab la xirriirta carqaladeynta ay sameeyeen fadhigii Sabtida awgeed. Golaha Shacabka ayaa fadhi yeeshay mar kale 31-ka Maarso. Inkastoo waddooyinka soo gala dhismaha golaha shacabka la wada xiray, 15-kii xildhibaanna laga joojiyay ka qeygalka fadhiga, haddana wax la xiriira muddo kordhin lagama doodin.

Muddo kordhin hal dhinac ah oo golaha shacabku sameeyo waxa ay kagasii dari kartaa ismariwaaga ka taagan doorashada, waxa ayna Soomaaliya u horseedi kartaa xaalad aan la sadaalin karin. Ma jiraa xal beddel u ah heshiiska 17-ka Sebteembar?

Xal macquul ah: Kordhinta Sharciyadda Baarlamaanka iyo Doorashada Hoggaamiyeyaal cusub

Waxay u muuqataa in Noocii Doorashada ee Muqdisho lagu heshiiyay uusan shaqeyn karin. Wax-ka-beddelka qeybaha muhiimka ah ee noocaas doorasho, iyo sidoo kale soo celinta kalsoonidii luntay (oo ay kamid tahay welwelka laga qabo amniga doorashada) waxay u baahan doontaa dood heer sare ah oo loo dhan yahay oo ay yeeshaan dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah. Suurtagalnimada arrintaas ma muuqato xilligan la joogo. Si looga fogaado firaaq maamul oo kicin karta xasillooni-darrada iyo iska hor-imaadyada ka dhaca Soomaaliya, mid kamid ah xulashooyinka la tixgelin karo ayaa ah in la kordhiyo muddada labada gole ee baarlamaanka lana doorto afhayeenno cusub (oo lix ah, saddex guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo saddex Aqalka Sare ah) iyo madaxweyne heysto sharciyad cusub oo labo sano ah.

Tani waa qorshe xal u noqon kara ismari-waaga doorashada. Ugu horreyn, labada aqal ee baarlamaanka – kadib wadatashiyo iyo aqbalaadda dhammaan saamileyda – oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada, Madasha Badbaadada Qaranka, iyo Beesha Caalamka – waxaa ay Golaha Wadatashiga Qaranka siin karaan oggolaansho labo sano ah iyadoo lagu xirayo shuruud ah inay doortaan afhayeeno cusub iyo madaxweynaha. Si lamid ah heshiiskii Sebteembar 17, heshiiska cusub waxaa kalfadhi wadajir ah ku ansixinaya labada gole ee baarlamaanka.

Midda labaad, baarlamaanka wuxuu dooranayaa madaxweyne leh sharciyad labo sano ah. Shuruudaha lagu doonayo musharixiinta madaxweynaha ayaa ah inaysan u tartami karin dib-u-doorasho doorashada xigta. Madaxweynahan (oo ay doorteen Baarlamaanku) sikastaba ha noqotee wuxuu xaq u yeelan doonaa in la doorto kadib doorashada soo socota, marka uu dhammaado muddada madaxweynaha beddeli doona. Tani waa inay qeyb ka ahaato heshiiska la saxiixayo.

Qaabkan, doorashada afhayeennada baarlamaanka iyo madaxweynaha waxaa lagu qabanqaabin karaa saddex illaa afar usbuuc oo keliya kadib marka la gaaro heshiis loo dhan yahay. Gole walba oo baarlamaanka kamid ah wuxuu dooranayaa shaqsiga ugu da’da weyn inuu noqdo gudoomiye kumeelgaar ah, waxayna soo xulayaan guddiyo abaabula doorashada gudoomiyeyaasha baarlamaanka. Markii la doorto afhayeennada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, waxay sameyn doonaan guddi isku dhaf ah oo baarlamaani ah oo hoggaamiya doorashada madaxweynaha.

Midda saddexaad, kadib doorashada madaxweynaha ee baarlamaanka, Dowlad Midnimo Qaran oo ay ku jiraan dhammaan jilayaasha muhiimka ah ayaa la dhisi doonaa. Xubnaha baarlamaanka waa inaan lagu darin dowladdaas. Tani waxay gacan ka geysan doontaa kala-soocidda awoodaha sharci-dajiyayaasha iyo fulinta waxayna horumarin doontaa isla-xisaabtanka iyo isu dheelitirka.

Midda afaraad, qorshe-hawleed iyo arrimaha mudnaanta koowaad leh ayaa loo diyaarin doonaa Xukuumadda cusub ee Midnimada Qaranka. Dowladda waxaa laga codsan doonaa inay diiradda saarto dib-u-heshiisiinta iyo kalsooni dhisidda, amniga, dhameystirka dib-u-eegista dastuurka, federaaleynta, iyo doorashooyinka tooska ah labo sano gudahood. Waa in qorshe howleedka labada sano ah uu baarlamaanku dib-u-eegis ku sameeyo 6-dii biloodba hal mar.

Nidaamkani wuxuu leeyahay faa’iidooyin dhowr ah. Marka hore, waxay xallin doontaa jahwareerka doorashada ee ka dhashay dhammaadka sharciyada dastuuriga ah ee hay’adaha federaalka iyo waliba rabshadaha la xiriira doorashada. Tan labaad, hammiga ah in la qabto doorashooyin toos ah ayaa dib loosoo noolayn doonaa, waxaana jiri doona fursad lagu abaabulo doorashooyin toos ah labo sano kadib. Tan saddexaad, Dowlad Midnimo Qaran oo leh yoolal muhiim ah oo lagu gaaro ayaa la dhisi doonaa. Ugu dambeyntiina, tani waxay u badan tahay inay isbeddel ah ku keento hoggaanka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Sikastaba ha noqotee, soo jeedintani waxay la kulmi doontaa caqabado dhowr ah. Marka hore, ma heli doonto aqbalaadda Madaxweyne Farmaajo oo ay u badan tahay inuu fursad yar u leeyahay dib-u-doorasho marka la eego xiriirka aan xasiloonayn ee uu la lahaa mudanayaashii baarlamaanka afartii sano ee lasoo dhaafay, iyo sidoo kale hoggaanka Golaha Shacabka, Puntland , Jubaland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho. Tan labaad, soo jeedintani wax badan oo awood ah ma siin doonto Dowlad Goboleedyada oo awood u yeelan lahaa inay xulashada kuraasta saameyn ku yeeshaan haddii la qabto doorasho aan toos ahayn oo ku qotonto Nooca Doorasho ee Muqdisho lagu gaaray. Sidaas darteed, qaar kamid ah madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa diidi kara inay taageeraan soo jeedintan. Tan saddexaad, Dowlad Midnimo Qaran ayaa laga yaabaa inaysan ku guuleysan qabashada doorashooyin toos ah muddo labo sano ah gudahood. Ugu dambeyntiina, arrinta ugu walwalka badan waxay tahay, in ay u sii gogol xaarto in baarlamaanka loo kordhiyo waqtiga, oo mudanayaashu waxay raadsan karaan muddo-kordhin kale marka ay dhammaato labada sano.

Inkastoo ay soo jeedintan leedahay caqabadaha kor ku xusan, waxay u muuqataa in tani ay tahay soo jeedin macquul ah oo loo tixgalin karo danta Soomaaliya owgeed, marka loo eego ismari-waaga siyaasadeed ee haatan jira.


Taxanaha Doorashada: Faalladan waa tii kow iyo tobnaad ee taxanaheenna doorashada. SPA waxay soo dhaweyneysaa aadna u qaddarineysaa faallooyinka, jawaab celinta, iyo fikradaha la xiriira doorashooyinka la filayo ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee Soomaaliya.


Mahad Wasuge waa Agaasimaha Fulinta ee Somali Public Agenda.

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *