#02 Maareynta Marxaladda Kalaguurka: Aragtida Dowladda Federaalka

Hay’adaha Puntland Development Research Center-PDRC & SPA ayaa 6 May qabtay kulankii 2-aad ee tixanaha Maareynta Marxaladda Kala-guurka.

Kulankan oo lagu qabtay X Spaces ayaa waxa marti ku ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala. Kulankan 2-aad waxa diiradda lagu saaray aragtida Dowladda Federaalka ee marxaladda kalaguurka. Waxaa si gaar ah loo gorfeeyay arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.

Dhageystayaal kor u dhaafaya 220 ayaa si toos ah ula socday, qaar kamid ah ayaana su’aalo weydiiyey masuuliyiinta dowladda ee martida ku ahaa kulanka.

 

Halkan ka dhageyso:

#02 Maareynta Marxaladda Kalaguurka Aragtida Dowladda Federaalka

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.