Nuxurka & Saameynta Baaqa Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Kadib is-afgaradkii horraantii Janaayo 2024 dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, waxaa xumaaday xiriirka ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo markii horeba aan wanaagsaneyn. Kulamo dhowr ah oo ay qaban-qaabiyeen dalalka deriska iyo Turkiga ayaa fashil ku soo dhamaaday.
Dowladda Turkiga ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay in ay isfahan dhex dhigto labada dal. Haddaba, muxuu yahay nuxurka heshiiskan? Maxayse yihiin caqabadaha ku gedaaman? Agaasimaha SPA Policy Lab, Aweis Ahmed, ayaa gorfeyntan ku eegaya isfahamka Ankara ku dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wicitaanka Dhageystaha: Mustaqbalka Heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee VOA Somali oo diiradda lagu saaray heshiiskii 11-kii bishan ay magaalada Ankara ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaana marti ku ahaa Aweis Ahmed oo ah cilmi baare ka tirsan Somali Public Agenda. Waxaa wareystay Nuur Xasan Nuur.