12 July 2026
6 Minutes Watch
9-kii Luulyo 2026, waxaa Muqdisho ka billowday wadahadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka. Wadahadalladan, oo ay dhexdhexaadinayaan Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka.
Nooca doorashada ee ay Dowladda Federaalka dooneyso waxa uu ku qoran yahay Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Xisbiyada Siyaasadda, wuxuuna ku saleysan yahay Dastuurka Federaalka ee wax-ka-beddelka lagu sameeyay lana ansixiyey bishii Maarso 2026. Golaha Mustaqbalka iyo dhinacyo kale oo mucaarad ah ayaa iyaguna miiska wadahadallada la yimid noocyo kale oo doorasho oo ay soo diyaariyeen.
Agaasimaha Somali Public Agenda, Mahad Waasuge, ayaa muuqaalkan ku falanqeynaya waxyaabaha ay noocyadan doorasho ka siman yihiin, waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin, iyo muhiimadda ay leedahay in hannaanka doorashada laga heshiiyo.



Stay updated on governance and public services in Somalia!
Somali Public Agenda (SPA) is a non-profit, non-partisan, and independent public policy and administration research and action organization based in Mogadishu. It aims to advance understanding and improvement of public policy and services in Somalia through evidence-based research and analysis, dialogue, policy and service design, and training.
Stay updated on governance and public services in Somalia!