Doorka Warbaahinta & Bulshada Rayidka ee Isla-xisaabtanka Arrimaha Gargaarka Bani’aadamnimo

Madasha Public Agenda Forum, SPA ee Somali Public Agenda ayaa dhawaan qabatay madal lagu gorfeynayay ‘Doorka Bulshada Rayidka ah Iyo Warbaahinta ee Taageeridda Isla-Xisaabtanka ku Aaddan Howlaha Gargaarka Bini’aadminimo ee Soomaaliya’. Madasha waxaa marti ku ahaa Abukar Albadri oo ah qoraa iyo khabiir arrimaha warbaahinta iyo Ibraahim Jibriil Cumar oo ahaa cilmi-baaraha hogaaminayay cilmi-baarista.

Gorfeyn: Canshuurta Iibka (VAT)

Madasha Public Agenda Forum ee Somali Public Agenda ayaa qabatay madal lagu gorfeynayey canshuurta 5% ee iibka. Waxaa madasha marti ku ahaa Agaasimaha Guud ee Agaasinka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Maxamed Xaashi iyo Cabdullaahi Maxamed Aadan oo ah dhaqaaleyahan sidoo kalena ah madaxa qeybta dhaqaalaha ee Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Culuumta Maamulka ee Jaamacadda Muqdisho.

Madasha waxaa ka soo qaybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana si qoto-dheer loogu faaqiday shuruucda lagu saleeyay cashuurtan, habka loo qaadayo, waxa ay ka beddeli karto dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dowladda, iyo sidoo kale caqabadaha ka dhashay hirgelinta canshuurta iibka.

Halkan ka daawo muuqaalka madasha oo dhammeystiran.

Daraasad ku saabsan golayaasha deegaanka ee Hirshabelle, Galmudug & Koonfur Galbeed

Somali Public Agenda ayaa dhawaan qabatay madal lagusoo bandhigay laguna gorfeeyay daraasad ku saabsan dhismaha iyo waxqabadka golayaasha deegmooyinka ee dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug. Madasha waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jiray aqoonyahanno, xirfadlayaal ka shaqeeya dawlad-dhiska iyo arrimaha golayaasha deegaanka, dhallinyaro, haween iyo howlwadeenno ka tirsan dawladda.

Gorfeyn Nidaamka Madaxtooyada & Labada Xisbi Siyaasadeed

Somali Public Agenda ayaa qabatay madal lagu gorfeeyay arrimaha doorashooyinka dalka gaar ahaan nidaamka madaxtooyada iyo labada xisbi oo ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ku heshiiyeen bishii May 2023.

Madasha oo Muqdisho lagu qabtay waxaa marti ku ahaa Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah la taliyaha arrimaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheeekh, Xalima Yareey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Galmudug, & Cismaan Muxudiin Macallin oo ah guddoomiyaha Dallada Bulshada Rayidka ee SONSA.

Waxaa madasha kasoo qeyb galay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno xog-ogaal u ah arrimaha doorashooyinka oo su’aalo iyo talooyin ku biiriyay madasha. Muuqaalka madasha oo dhameystiran halkan ka daawo.

Heerka Daadejinta Cashuur Uruurinta iyo Adeegyada Bulshada

Waxa aan qabannay madal lagusoo bandhigayay daraasad aan ka sameynay heerka daadejinta cashuuraha iyo adeegyada bulshada. Madasha waxa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda federalka iyo Maamulka Gobolka Benadir.

Maqaamka Muqdisho

Waxaa aan diawaan qabannay madal lagu falanqeeyay xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho. Agaasimaha SPA Mahad Wasuge ayaa madasha ka jeediyey daraasad ay si wadajir ah u sameeyeen Somali Public Agenda iyo Somali Dialogue Platform oo lagu falanqeeyay 3 xulasho ee la tixgelin karo.

Halkan ka daawo muuqaalka madasha oo dhameystiran