
31 July 2025
SPA Forums ayaa July 24, 2025 qabatay madal lagu gorfeynayey daraasad ku saabsan dakhliga canshuuraha ee Maamulka Gobolka Banaadir (BRA), taas oo iftiimineysa noocyada canshuuraha, xeerarka sharciyeed ee ay ku saleysan yihiin, hababka loo uruuriyo, iyo adeegyada uu maamulku beddel ahaan ugu bixiyo canshuurahaasi la uruuriyo.
Madashan oo ka qabsoontay X Spaces ayaa waxaa marti ku ahaa Agaasime Ku-xigeenka Somali Public Agenda ahna agaasimaha SPA Research, Farhan Isak Yusuf, oo ah qoraha daraasadda, iyo Burhaan Saciid, oo ah Agaasimaha Hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed (SICPA), ahna khabiir ku xeeldheer arrimaha xisaabinta oo muddo dheer ka shaqeynayay la-talinta iyo maamulka maaliyadda.
Halkan hoose ka dhageyso falanqeynta daraasadda
Somali Public Agenda is a non-profit public policy and administration research organization based in Mogadishu. Its aim is to advance understanding and improvement of public administration and public services in Somalia through evidence-based research and analysis.
Stay updated on governance and public services in Somalia!