
Somali Public Agenda
November 7, 2025
E61. Maareynta Doorashooyinka Soomaaliya iyo Caqabadaha Ku Xeeran
Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore.
Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda waa hoggaamiyaha urur siyaasadeed 6-dii September la diiwaangeliyay oo qorsheynaya in uu ka qeyb galo doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheynayo in ay dhawaan qabsoomaan.
Qeybtan 61-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo Raysal Wasaare soo noqday labo jeer, sidoo kalena sanadkii 2017 ahaa musharrax Madaxweyne, waxa ay isla gorfeynayaan maareynta doorashooyinka Soomaaliya iyo caqabadaha ku xeeran.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.
Recent Posts
-
07 Jan 2026Red Sea Geopolitics and Secession: Policy Implications of Israel’s Recognition of Somaliland -
06 Jan 2026Manha: Reflection on a Three-Month Internship at Somali Public Agenda (SPA) -
30 Dec 2025Xoojinta Ka-qaybgalka Shacabka ee ka Doodista Qorshayaasha iyo Waxqabadka D. Hoose ee Dhuusamareeb


