Fahamka Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya & Doorka Hay’adda NIRA

SPA Forums Vidoes

Madasha SPA Forums ee Somali Public Agenda ayaa qabatay madal dadweyne oo aan ku marti-galinnay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Abdiwali Cali Cabdulle (Timacadde). Madasha ayaa diiradda saartay in dadweynuhu faham ka helaan shaqooyinka kala duwan ee ay hay’addu qabato, uguna weyntahay kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Madashan ayaa siisay muwaadiniinta, bulshada rayidka ah iyo warbaahinta fursad ay si toos ah oo furan ula hadlaan Agaasimaha Guud, isla markaana ay su’aalo kaga weydiiyaan hirgelinta Aqoonsiga Qaranka iyo saameynta uu ku yeelanayo helidda adeegyada sida baasaboorrada, safarka, bangiyada iyo adeegyada kale ee dowladda.

Intii madashu socotay, Agaasimuhu wuxuu ka hadlay waajibaadka #NIRA, halka ay marayaan isdiiwaangelinta iyo bixinta aqoonsiyada, iyo muhiimadda Aqoonsiga Qaranka ee dhismaha dowladnimada iyo kalsoonida hay’adaha. Waxa kale oo laga hadlay sida loo gaarsiinayo adeegga dadka barakacayaasha ah, bulshada miyiga, iyo sidoo kale arrimaha ilaalinta xogta iyo wada-shaqeynta NIRA, dowlad-goboleedyada iyo bulshada rayidka ah.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.