Greed or Grievances: The Gedo Conundrum

Governance Briefs

Gedo region has recently become the contested focal point of Somali political debate. Garbaharey, the capital city of the Gedo region, was designated as the site of the election of 16 lower house seats. However, the Federal Election Implementation Team (FEIT) issued a letter changing this constituency to Ceelwaaq on 14 April 2022, the same day the majority of the members of the 11th parliament were sworn-in in Mogadishu. A parallel process produced 32 MPs elected in Ceelwaaq and Garbaharey. Before the beginning of the indirect federal parliamentary elections in Somalia, Gedo became a key arena for political squabbling between the Federal Government of Somalia (FGS) and Jubaland. Although the region falls under the jurisdiction of Jubaland, only one district in Gedo (Ceelwaaq) is currently controlled by Jubaland authority. This brief examines how Gedo became a key battleground for the center- periphery rift in Somalia’s federal politics. It investigates FGS control of Gedo, the complications and challenges surrounding the holding of elections in Gedo, and the triggers of the Gedo dispute: including unaddressed grievances, a lack of state-level security presence, and greed-induced motivations. The brief also puts forward several policy considerations.

Gobolka Gedo ayaa muddooyinkan dambe noqday gobol udub-dhexaad u ah doodda siyaasadda Soomaaliya. Magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa loo asteeyey in lagu qabto doorashada 16 kursi ee golaha shacabka ah. Balse, Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer Federaal ayaa soo saaray warqad uu deegaan doorashada ugu wareejinayo degmada Ceelwaaq 14- kii Abriil 2022, oo ahayd maalintii magaalada Muqdisho lagu dhaariyay inta badan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad. Hannaan doorasho oo isbarbar socday ayaa waxaa kasoo baxay 32 xildhibaan oo lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey. Kahor inta aysan bilaabmin doorashada dadban ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Gedo waxay noqotay goob halbowle u ah khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubaland. Inkastoo gobolka uu hoos tago maamulka Jubaland, haddana hal degmo oo keliya (Ceelwaaq) oo ka tirsan Gedo ayaa maamulka Jubaland uu hadda gacanta ku hayaa. Qormadan waxaa lagu eegayaa sida ay Gedo u noqotay goob sal u ah khilaafka siyaasadda Soomaaliya. Waxa ay warbixintu falanqeyneysaa gacan ku heynta dowladda federaalka ee Gedo, dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran qabsoomidda doorashada Gedo, iyo waxyaabaha keenay khilaafka Gedo: oo ay ka mid yihiin tabashooyin aan la xallin, joogitaan la’aanta hay’ado amni ee heer dowlad goboleed ah, iyo waxyaabaha damaca syaasadeed uu keenay. Qoraalku waxa uu soo bandhigayaa talooyin tixgelin mudan.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Recent Posts

Follow Us