Somali Public Agenda
October 20, 2025
SPA Forums Vidoes
Somali Public Agenda
October 20, 2025

September 18, 2025, SPA Forums ayaa qabatay madal lagu falanqaynayay “Beelaha Dhexe iyo Darfaha: Ka Qaybgal La’aanta Siyaasadeed iyo Colaadaha Soo Noqnoqda ee Soomaaliya,” iyo baahida loo qabo hannaan cad oo dammaanad qaada metelaad caddaalad ah iyo ka-qeyb-gelin si bulshadu uga qeyb qaadato go’aannada dhaqan-dhaqaale ee sida gaarka ah u taabanaya noloshooda.
Madasha waxaa marti ku ahaa Prof. Cabdi Maxamed Kuusow, bare sare oo Cilmiga Bulshada ka dhiga Jaamacadda Iowa State, sidoo kalena ah aasaasaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, oo arrintan cilmi-baaris qoto dheer ka sameeyay. Intii madashu socotay, waxa uu ka jawaabay su’aalo khuseeya mawduuca, isaga oo sharraxay sababaha ka-qaybgal la’aanta iyo xiriirka ay la leedahay colaadaha soo noqnoqda, islamarkaana ka hadlay muhiimadda hannaannada daahfurnaanta, ka-qeyb-gelinta, iyo xallinta tabashooyinka.
Sidoo kale, madasha waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin: sida metelaad caddaalad ahi uga qeyb qaadan karto nabad waarta, doorka awood-qeybsigu ku leeyahay dhimista colaadaha, iyo caqabadaha iyo fursadaha ka jira hirgelinta nidaamyo siyaasadeed oo loo wada dhan yahay heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Halkan ka daawo muuqaalka madasha oo dhammeystiran.



Somali Public Agenda is a non-profit public policy and administration research organization based in Mogadishu. Its aim is to advance understanding and improvement of public administration and public services in Somalia through evidence-based research and analysis.
Stay updated on governance and public services in Somalia!