Somali Public Agenda
September 28, 2025
SPA Forums Vidoes
Somali Public Agenda
September 28, 2025
Madasha SPA Forums ee Somali Public Agenda waxay dhowaan qabatay madal lagu gorfaynayay Hindise-Sharciyeedka Macluumaadka Rasmiga ah, kaas oo hadda horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sharcigani waxa uu kala qeexayaa xogaha “sirta” ah iyo kuwa “furan” ee ay muwaadiniintu si madax-bannaan u adeegsan karaan.
Xuseen Sheekh-Cali, La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, ayaa marti ku ahaa, isaga oo ka jawaabay su’aalo ka yimid ka-qaybgalayaasha, isla markaana sharraxay muhiimadda daahfurnaanta iyo xuquuqda helitaanka macluumaadka ay u leeyihiin dowladnimada iyo dowlad-wanaagga.
Waxaa sidoo kale si faahfaahsan looga dooday sida sharcigu u xoojin karo daahfurnaan iyo isla xisaabtan dowladeed, xuquuqda muwaadiniinta ee helitaanka macluumaad rasmi ah, iyo caqabadaha iyo fursadaha ka jira hirgelinta sharcigan.