
Somali Public Agenda
December 16, 2025
Qalinjabinta Dufcada 3aad ee Tababarka Cilmibaarista
Xarunteenna tababarrada ee SPA Learning Lab ayaa sanadkii 3-aad qabatay tababarka cilmibaarista kaas oo ay ka faa’ideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee daneysa cilmibaarista.
Tababarka sanadkan oo ay ka qalinjabiyeen 26 dhallinyaro (11 dumar iyo 15 rag), ayaa waxaa bixinayey macallimiin khibrad leh in muddo ahna ku soo dhex jiray xirfadda cilmibaarista.
Halkan ka daawo muuqaalka xafladda qalinjabinta.



