
21 May 2026

May 20, 2026, Hay’adaha Somali Public Agenda (SPA) iyo Puntland Development Research Center-PDRC ayaa qabtay madashii 4aad ee tixanaha Maareynta Marxaladda Kala-guurka.
Ujeeddada kulamadan, oo lagu qabto X Spaces, waa in la fududeeyo fahamka aragtiyada ay dhinacyadu ka qabaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka uu khilaafku ka taagan yahay. Sidoo kale, waxa ay abuurayaan fursad su’aalo lagu weydiin karo, laguna wadaagi karo talooyin iyo aragtiyo.
Kulanka afaraad waxaa marti ku ahaa xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo kala ahaa Dr. Maxamed Aadan Koofi iyo Cabdullaahi Abuukar (Carab).
Qeybtan waxa lagu gorfeeyey sababaha keenay in ay burburaan wadahadalladii u dhexeeyey xubnaha mucaarada iyo dowladda federaalka, bannaanbaxyada iyo hanaanka doorasho ee ay soo bandhigeen Golaha Mustaqbalka.
Kasoo qeybgalayaasha madashan ayaa qaarkood su’aalo weydiiyey martida kulankan, iyadoo martiduna ka warceliyeen weydiimihii la hordhigay.
Ugu dambeyn, martida madashu waxay soo jeediyeen in marxaladdan lagu maareeyo miiska wadahadalka.
Halkan ka dhageyso

Somali Public Agenda (SPA) is a non-profit, non-partisan, and independent public policy and administration research and action organization based in Mogadishu. It aims to advance understanding and improvement of public policy and services in Somalia through evidence-based research and analysis, dialogue, policy and service design, and training.
Stay updated on governance and public services in Somalia!