#1 Maareynta Marxaladda Kala-guurka: Aragtida Gurmad Qaran

Hay’adaha Puntland Development Research Center-PDRC & SPA ayaa billaabay tixanaha Maareynta Marxaladda Kala-guurka, dooddaas oo lagu qabtay X Spaces. Ujeeddada kulamadan ayaa ah in la fududeeyo fahamka aragtiyada ay dhinacyadu ka qabaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka uu khilaafku ka taagan yahay. Sidoo kale, kulamadan waxaa looga gol leeyahay in ay abuuraan fursad su’aalo lagu weydiin karo, laguna wadaagi karo talooyin iyo aragtiyo.

Sida qorshuhu yahay, marka uu dhamaado tixanaha Maareynta Marxaladda Kala-guurka, PDRC & SPA waxa ay diyaarin doonaan warbixin soo koobeysa nuxurka wadahadalladii la yeeshay, taas oo lagu qori doono Af-Soomaali iyo English.

Kulankii 1aad oo qabsoomay April 29, 2026 waxa marti ku ahaa masuuliyiin ka tirsan Gurmad Qaran, kuwaas oo kala ahaa: Guddoomiyihii hore ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim, iyo xubin ka mid ah khubaradii qortay Dastuurkii 2012, sidoo kalena ahaa la-taliyihii hore ee Madaxweynaha ee arrimaha federaalaynta, Mudane Axmed Cabaas Axmed.

Halkan ka dhageyso falanqeyntan oo dhammeystiran:

#1 Maareynta Marxaladda Kala-guurka: Aragtida Gurmad Qaran

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.