Hiigsiga Qarni-jirka Soomaaliya ee 2060

37 sano kadib, Soomaaliya waxaa u buuxsami doonto 100 sano oo dowladnimo ah. Dalka waxa uu xurnimo qaatay 63 sano kahor sanadkii 1960-kii. 30 sano oo ay dowlado rayid ah iyo mid militari dalka maamulayeen kadib, Soomaaliya waxa ay dowladdii ka burburtay sanadkii 1991. Dowladdii ugu horreysay ee aan kumeelgaar ahayn waxaa Muqdisho lagu dhisay sanadkii 2012. Waxaa madaxweyne ka noqday madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ku howlan Hiigsiga Qarni-jirka 2060. Waxaa hiigsigaas gacanta ku haya la-taliyaha Madaxweyneha ee arrimaha dhaqaalaha oo sido kale ah Agaasimaha Fulinta ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Hoosoow.

Qeybtan 30-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Xasan Aadan Xoosoow iyo Mahad Waasuge waxa ay ku falanqeynayaan hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya ee 2060.

Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, Google Podcasts and Amazon Music.

Share This :

2 Responses

  1. Wa umahadcelinaya somali public agenda sida quruxda badan oo ad nogu so gudbisen sidokale mahadsanid ayan leyahay lataliyaha.
    Waxan raba ina ku darsado hal comment amaba hal ra,ayi oo ah in lagu biriyo qorshaha( hiigsiga) 2060 in lagu daro la dagalanka qabyalada wayo waxa na ragadiyay hadii an somali nahay waxa waye qabyalada, 30 sano kadib neh uma diyarsanen inan xita inan dalkena isbadal la taban karno .
    Sida ognahay qabyaladda waxa ay sameyn taban kuledahay talabo kasta oo an qadi laheyn, sida : dhaqalaha , amniga iyo hormarka iwm.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *