
Somali Public Agenda
June 13, 2024
E38. Sidee loo xallin karaa khilaafyada siyaasadeed ee Hirshabeelle?
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha shacabka loogu qabto magaalada Jowhar. Khilaafyo siyaasadeed ayaa ka dhashay sida labada gobol iyo beelaha deggan u wadaagayaan awoodaha maamulka. Khilaafyadaas siyaasadeed ayaa dib-u-dhac ku keenay horumarro badan oo laga sameyn lahaa dowlad-goboleedka.
Qeybtan 38-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Maxamed Mukhtar Ibrahim oo ah wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo sidoo kale si gaar ah u hoggaaminayay dadaallo lagu raadinayay xal-u-helidda khilaafka siyaasadeed ee Hirshabelle waxa ay ku falanqeynayaan fursadaha jira iyo siyaabaha looga heshiin karo arrimaha la isku hayo.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.
Recent Posts
-
15 Mar 2026Dastuurka Cusub iyo Doorashooyinka Soomaaliya: Caqabadaha Jira iyo Waddada Xalka -
15 Mar 2026E.43 Sidee Loo Kordhin Karaa Dakhliga Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado? -
15 Mar 2026Doodda Jimcaha: Wax-ka-beddelka Dastuurka ee ay Ansixiyeen Baarlamaanka Labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya



