
Somali Public Agenda
March 16, 2026
E69. Wax-ka-beddelka Dastuurka iyo Maareynta Doorashooyinka Dalka
Kadib burburkii shirkii u socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka ayaa dardargeliyay dhameystirka dib-u-eegista dastuurka. 4-tii Maarso ayuu Baarlamaanku u codeeyay 11 cutub, isagoo ku dhawaaqay in dib-u-eegistii dastuurka la soo gabagabeeyay. Afar maalmood kadib, Madaxweynaha ayaa saxiixay.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo shiray kahor ansixinta dastuurka, ayaa diiday wax-ka-beddelka dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen in 10-ka Abriil ay qaban doonaan shirweyne looga arrinsanayo mustaqbalka dalka.
Qeybtan 69-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Hon. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame — oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka isla markaana xubin ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed — waxay isla gorfeynayaan arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, doorashooyinka heer dowlad-goboleed iyo doorashooyinka heer federaal.
Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.


