#03 Maareynta Marxaladda Kalaguurka: Aragtida Aqoonyahanka

May 13, 2026, Hay’adaha Somali Public Agenda (SPA) iyo Puntland Development Research Center-PDRC ayaa qabtay kulankii 3-aad ee tixanaha Maareynta Marxaladda Kala-guurka.

Ujeeddada kulamadan, oo lagu qabto X Spaces, waa in la fududeeyo fahamka aragtiyada ay dhinacyadu ka qabaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka uu khilaafku ka taagan yahay. Sidoo kale, waxa ay abuurayaan fursad su’aalo lagu weydiin karo, laguna wadaagi karo talooyin iyo aragtiyo.

Kulanka saddexaad waxaa marti ku ahaa falanqeeyayaal siyaasadeed iyo khuburo madax-bannaan oo xog-ogaal u ah geedi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo doodaha ku hareeraysan marxaladda kalaguurka siyaasadeed ee dalka ka jirta, kuwaas oo kala ahaa Cabdirashiid Xaashi, Maxamed Mukhtaar, iyo Subeyda Mukhtaar.

Qeybtan waxa lagu gorfeeyey muddo-xileedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo arrimaha dastuurka.

Kasoo qeybgalayaasha madashan oo kor u dhaafayey 150 ayaa qaarkood su’aalo weydiiyey martida, iyadoo martiduna ka warceliyeen weydiimihii la hordhigay.

Ugu dambeyn, martida madashu waxay soo jeediyeen in marxaladdan lagu maareeyo wadahadal iyo heshiis loo dhan yahay si looga fogaado qalalaase siyaasadeed.

Halkan ka dhageyso

#3 Maareynta Marxaladda Kalaguurka: Aragtida Aqoonyahanka

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.