E74. Wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka: Maxaa Ka Soo Bixi Kara?

Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo adag. Muddadii afarta sano ahayd ee dowladda federaalka waxa ay ku ekayd 15-kii May 2026, balse ka hor inta aanu waqtigu dhammaan ayaa wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka. Dastuurka cusub waxa uu muddo-xileedka hoggaanka dowladda ka dhigay 5 sano, waxa ayna madaxda dowladdu sheegeen in uu u harsan yahay hal sano.

Mucaaradka waxa ay kasoo horjeedaan wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo muddo-xileedka la beddelay. Dibadbaxyo ay mucaaradku qorsheeyeen iyo dowladda oo is-hortaagtay ayaa cakiray xaaladda Muqdisho. 3-dii ilaa 4-tii June dagaal u dhexeeya labada dhinac ayaa ka dhacay Muqdisho. Hadda waanwaan ayaa socota.

Qeybtan 74-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Cabdiraxmaan Caynte—Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Xaqsoor iyo Guddoomiyaha Midowga Xaqsoor iyo Haybad Qaran—waxay si qoto dheer u gorfeynayaan xaaladda dalka, asalka khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, wadahadallada socda, iyo fursadaha lagu gaari karo xal waara

Click here to listen the podcast on Apple Podcasts, YouTube and Amazon Music.

Share This :

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Title
.